You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xasan Sheekh Maxamuud: Isku dayga in muddada xoog lagu kororsado waa afgembi ciidan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Oomaar oo diiday xilkii wasiirnimo ee loo magacaabay

    Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii Soomaaliya ayaa sheegay inaysan u suurtoobeyn inuu oggolaado xilka wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee shalay loo magacaabay.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in "wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda,"

  2. Twitter-ka oo xaruntiisa Afrika ka sameysanaya Ghana

    Shirkadda teknolojiyadda ee Twitter ayaa ku dhawaaqday in xarunteeda Afrika ay noqoneyso Ghana.

    Jack Dorsey oo ka mid ah aasaasayaasha shirkadda ayaa arrintan kaga dhawaaqay bartiisa Twitter-ka.

    Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa isagana sheegay in isaga iyo Mr Dorsey ay kulan yeesheen toddobaadkii la soo dhaaday:

  3. Xasan Sheekh Maxamuud: Isku dayga in muddada xoog lagu kororsado waa afgembi ciidan

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatanna ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ee doorashada madaxtinnimada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go'aankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu muddada labada sano ah ugu daray hay'adaha dowladda.

    Xasan Sheekh ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ku yiri "Mas'uuliyiinta dowladda waxaa loo doortaa hoggaaminta dalka muddo cayiman oo ku xusan dastuurka. Isku dayga ah in muddadaas xoog lagu kororsado waxaan u aqoonsannahay afgambi ciidan.Cawaaqibta ka dhasha arrintan waxaa mas'uuliyaddeeda qaadaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday".

    Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay in muddo kordhin ah labo sano ah loo sameeyo muddo xileedka hay'adaha dowladda, si bey yiraahdeen loogu diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah.

  4. Aqalka Sare oo ka hadlay go'aankii baarlamaanka

    Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray go'aankii maanta ee Golaha Shacabka uu muddo kordhin labo sano ah ugu sameeyay hay'adaha dowladda, sida ay sheegeen si doorasho qof iyo cod ah la isugu diyaadiyo.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Shacaka uu go'aan hal dhinac ah qaatay, taasina ay " dalka u horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khatarro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin,"

    Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda dalka, kahor sida ay sheegeen inta aysan faraha ka bixin.

  5. Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay muddo kordhinta loo sameeyay

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay sharciga gaarka ah ee ku saabsan doorashada ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameynayo hay'adaha dowladda kaas oo goordhaw ay ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

    Madaxweynaha wuxuu sheegay in xukuumadda uu waajib ka saaran yahay fullinta sharcigan.

    "Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada.

  6. Golaha Shacabka oo ansixiyay muddo kordhin labo sano ah

    Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay in muddo kordhin ah labo sano ah loo sameeyo muddo xileedka hay'adaha dowladda.

    Waxaa maanta ka socday dhismaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho Kulan ay leeyihiin xildhibaannada oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

  7. Suudan iyo Masar oo ku gacan seyray dalabka Itoobiya ee xallinta muranka biyaha Nile

    Masar iyo Suudaan ayaa ku gacan seyray codsi uga yimid Itoobiya oo ku saabsan inay soo magacaabaan khuburro ka shaqeyn doono sidii laisku weedaarsan lahaa xogta ku saabsan biyo xireenka Itoobiya kaas oo uu muran badan ka dhashay.

    Masar iyo Suudaan waxay Itoobiya ugu baaqeen inay joojiso howlaha ay ku buuxineyso biyo xireenka.

    Xogtan ayaa ku saabsan sidii looga hadli lahaa ka hor tallaabada markii labaad ay Itoobiya ku buuxineyso biyo xireenka xilli roobabka la filayo inay ka da’aan halkaas, sida ay sheegtay Itoobiya.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli wadahadalladii u dambeeyay ee ku saabsanaa muranka ka dhashay biyaha webiga Nile ee u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

    Bishii hore ayay aheyd markii uu ka digay cawaaqib xumo daran ka dhalan karta waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaara dalkiisa.

    "Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dibic kamid ah biyaha Masar , haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin" ayuu yiri madaxweyne Sisi.

  8. Ra'iisul Wasaaraha oo booqday saldhigga Awdhiigle oo dhawaan Al Shabaab weerareen

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku tegay saldhiga ciidamada Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Awdhiigle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al Shabaab.

    Ciidamada ayaa sheegay inay la wareegeen degmada kadib markii ay ka adkaadeen Al Shabaab.

    Soomaaliya waxaa maanta lagu xusaya 61 sanaguuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidamada qalabka sida iyadoo sanadkan aysan jirin munaasabado lagu maamusayo 12-ka April cudurka Karoona dartii.

    Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo farriin hambalyo ah u dirayay ciidamada qalabka sida ayaa ka sheekeeyay qorshaha dib u dhiska ciidanka qaranka.

  9. Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in amniga caasimadda ay gacanta ku hayaan

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada mmniga.

    "Waxaa halkan kala wadaagayaa umadda Soomaaliyeed in xaalad amni ee caasimadda gobolka Banaadir ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada amniga qeybahooda kala duwan anaga oo ku amaaneyno firfircoonida iyo feejignaanta dheeriga ah" ayuu yiri Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo la hadlayay warbaahinta dowladda.

    Waxaa goordhow ka bilowday dhismaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho Kulan ay leeyihiin xildhibaannada oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.

    Waxaana goor sii horeysay taliyihii booliska gobolka Banaadir Saadaq John oo muuqaal uu soo duubay la baahiyay uu ku sheegay inuu joojiyay shirka golaha taasoo markii dambe keentay in taliyaha Booliska Soomaaliya Janaraal Xijaar uu isna ku dhawaaqo in xilkii laga qaaday taliye Saadaq John.

    Mucaaradka ayaa ku eedeynayaa guddoonka golaha shacabka inay doonayaan inay muddo kororsi u sameeyaan hay’addaha dawladda federaalka ee waqtigoodu dhamaaday.

  10. Taliyihii Haramacad oo loo magacaabay Taliyaha booliska Banaadir

    Warqad ka soo baxday Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, loona magacaabay Farxaan Maxamuud Qaaroole oo ah nin dhallinyaro ah.

    Farxaan Qaaroole wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada Haramacad oo u badan dhallinyaro.

    Muddadii uu taliyaha u ahaa Haramacad, waxay fuliyeen howlgallo kala duwan. Midkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa dagaalkii Beledxaawo ay kula galeen ciidan uu hoggaaminayay cabdirashiid Janan oo hadda dowladda la heshiiyay.

    Waxay horey uga howlgaleen Dhuusamareeb oo ay kula dagaallameen ciidamadii Ahlu Sunna. Sidoo kale waxay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho.

  11. Saadaq John oo xilka laga qaaday ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu joojiyay kulankii Barlamaanka

    War qoraal ah oo kasoo baxay taliyaha booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday taliyaha booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) kadib markii uu dhawaaqay in la hakiyay kulankii baarlamaanka.

    Taliyahii booliska gobolka Banaadir ayaa ku dhaawaqay in la joojiyay kulankii la filayay inay yeeshaan xildhibaanada baarlaamaanka Soomaaliya sababo amni dartood.

    Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in sababta loo hakiyay kulanka baarlamaanka ay tahay in wax rabshado ah ama boob uusan ka dhicin magaalada Muqdisho.

    “Waxaan maanta hakinay kulankii ay lahaayeen..waxaa loo baahan yahay in wax boob ah in aysan dhicin, Isfahan siyaasadeed la gaaro”

    Aqalka Baarlamaanka waxaa tegay tiro yar oo kamid ah xildhibaanada iyadoo maanta lagu waday inay ka hadlaan khilaafka arrimaha doorashada.

  12. Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya oo wajahaya cunno yari

    Hay’adda arrimaha gargaarka ee Save The Children ayaa sheegtay in saameynta ka dhalatay ayaxa iyo abaaraha ay malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ay u horseedeen inay soo wajahdo cunno yari.

    Waxay hay’adda sidoo kale sheegtay in xilligan laga yaabo in hoos ay u dhacaan boqolkiiba 80 wax soo saarka beeraha Soomaaliya.

    Halka dhaqaalaha kasoo baxa nafciga xoolaha la filayo in uu hoos u dhaco boqolkiiba 55.

    Waxay intaas ku dartay in qaar kamid ah carruurta Soomaaliya ay la daalaa dhacayaan nafaqo darro.

    Deegaanno oo ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa ka taagnaa oon iyo biyo la'aan baahsan oo dadka iyo duunyada haystay.

  13. Dad ka barakacay colaadda Soomaalida iyo Canfarta

    Dagaalladii dhawaanahan xadka deegaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ku dhex maray labada qowmiyadood ee deriska ah ayaa waxaa ku barakacay boqollaal qoysas ah.

    Barakacayaasha oo ku sugan duleedka tuulooyinka ay dagaallada ka dhaceen ayaa sheegay inay halkaasi ku haysato macluul iyo biyo la'aan daran.

    Deeqa Axmed Cawaale oo barakacayaashaasi ka mid ah oo haatan ku sugan duleedka magaalada Caddeyti ayaa BBC u sheegtay in aysan heysan hoy isla markaana ay wajahayaan biyo iyo cunto la’aan.

    Waxaa dhawaan magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

    Halkan ka dhageyso qof kamid ah dadka kasoo qaxay dagaallada.

  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.