Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii Soomaaliya ayaa sheegay inaysan u suurtoobeyn inuu oggolaado xilka wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee shalay loo magacaabay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in "wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda,"
Twitter-ka oo xaruntiisa Afrika ka sameysanaya Ghana
Shirkadda teknolojiyadda ee Twitter ayaa ku dhawaaqday in xarunteeda Afrika ay noqoneyso Ghana.
Jack Dorsey oo ka mid ah aasaasayaasha shirkadda ayaa arrintan kaga dhawaaqay bartiisa Twitter-ka.
Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa isagana sheegay in isaga iyo Mr Dorsey ay kulan yeesheen toddobaadkii la soo dhaaday:
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 3
Xasan Sheekh Maxamuud: Isku dayga in muddada xoog lagu kororsado waa afgembi ciidan
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatanna ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ee doorashada madaxtinnimada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go'aankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu muddada labada sano ah ugu daray hay'adaha dowladda.
Xasan Sheekh ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ku yiri "Mas'uuliyiinta dowladda waxaa loo doortaa hoggaaminta dalka muddo cayiman oo ku xusan dastuurka. Isku dayga ah in muddadaas xoog lagu kororsado waxaan u aqoonsannahay afgambi ciidan.Cawaaqibta ka dhasha arrintan waxaa mas'uuliyaddeeda qaadaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday".
Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay in muddo kordhin ah labo sano ah loo sameeyo muddo xileedka hay'adaha dowladda, si bey yiraahdeen loogu diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah.
Aqalka Sare oo ka hadlay go'aankii baarlamaanka
Xigashada Sawirka, Cabdi Xaashi
Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray go'aankii maanta ee Golaha Shacabka uu muddo kordhin labo sano ah ugu sameeyay hay'adaha dowladda, sida ay sheegeen si doorasho qof iyo cod ah la isugu diyaadiyo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Shacaka uu go'aan hal dhinac ah qaatay, taasina ay " dalka u horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khatarro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin,"
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda dalka, kahor sida ay sheegeen inta aysan faraha ka bixin.
Xigashada Sawirka, AQALKA SARE
Xigashada Sawirka, AQALKA SARE
Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay muddo kordhinta loo sameeyay
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay sharciga gaarka ah ee ku saabsan doorashada ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameynayo hay'adaha dowladda kaas oo goordhaw ay ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in xukuumadda uu waajib ka saaran yahay fullinta sharcigan.
"Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada.
Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay in muddo kordhin ah labo sano ah loo sameeyo muddo xileedka hay'adaha dowladda.
Waxaa maanta ka socday dhismaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho Kulan ay leeyihiin xildhibaannada oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.
Suudan iyo Masar oo ku gacan seyray dalabka Itoobiya ee xallinta muranka biyaha Nile
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Sawir biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso oo 2019 la qaaday
Masar iyo
Suudaan ayaa ku gacan seyray codsi uga yimid Itoobiya oo ku saabsan inay
soo magacaabaan khuburro ka shaqeyn doono sidii laisku weedaarsan lahaa xogta
ku saabsan biyo xireenka Itoobiya kaas oo uu muran badan ka dhashay.
Masar iyo
Suudaan waxay Itoobiya ugu baaqeen inay joojiso howlaha ay ku buuxineyso biyo
xireenka.
Xogtan ayaa ku saabsan sidii looga hadli lahaa ka hor tallaabada
markii labaad ay Itoobiya ku buuxineyso biyo xireenka xilli roobabka la filayo
inay ka da’aan halkaas, sida ay sheegtay Itoobiya.
Arrintani ayaa
imaaneysaa xilli wadahadalladii u dambeeyay ee ku saabsanaa muranka ka dhashay
biyaha webiga Nile ee u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan uu natiijo la’aan
kusoo dhamaaday.
Bishii hore ayay aheyd markii uu ka digay cawaaqib xumo daran ka
dhalan karta waa haddii biyo xireenka ay
Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaara dalkiisa.
"Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan
kara dibic kamid ah biyaha Masar , haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici
doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin" ayuu yiri madaxweyne Sisi.
Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha waxaa safarka uu ku tegay Awdhiigle ku wehlinayay taliyaha militeriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku tegay saldhiga ciidamada Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Awdhiigle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al Shabaab.
Ciidamada ayaa sheegay inay la wareegeen degmada kadib markii ay ka adkaadeen Al Shabaab.
Soomaaliya waxaa maanta lagu xusaya 61 sanaguuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidamada qalabka sida iyadoo sanadkan aysan jirin munaasabado lagu maamusayo 12-ka April cudurka Karoona dartii.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo farriin hambalyo ah u dirayay ciidamada qalabka sida ayaa ka sheekeeyay qorshaha dib u dhiska ciidanka qaranka.
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in amniga caasimadda ay gacanta ku hayaan
Maamulka gobolka Banaadir
ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay si buuxda gacanta ugu hayaan
ciidamada mmniga.
"Waxaa halkan kala wadaagayaa umadda Soomaaliyeed in xaalad amni ee caasimadda gobolka Banaadir ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada amniga qeybahooda kala duwan anaga oo ku amaaneyno firfircoonida iyo feejignaanta dheeriga ah" ayuu yiri Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo la hadlayay warbaahinta dowladda.
Waxaa goordhow ka bilowday dhismaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ee magaalada Muqdisho Kulan ay leeyihiin xildhibaannada oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda la soo dhaafay.
Waxaana goor sii horeysay taliyihii booliska gobolka Banaadir Saadaq John oo muuqaal uu soo duubay la baahiyay uu ku sheegay inuu joojiyay shirka golaha taasoo markii dambe keentay in taliyaha Booliska Soomaaliya Janaraal Xijaar uu isna ku dhawaaqo in xilkii laga qaaday taliye Saadaq John.
Mucaaradka ayaa ku eedeynayaa guddoonka golaha shacabka inay doonayaan inay muddo kororsi u sameeyaan
hay’addaha dawladda federaalka ee waqtigoodu dhamaaday.
Taliyihii Haramacad oo loo magacaabay Taliyaha booliska Banaadir
Warqad ka soo baxday Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, loona magacaabay Farxaan Maxamuud Qaaroole oo ah nin dhallinyaro ah.
Farxaan Qaaroole wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada Haramacad oo u badan dhallinyaro.
Muddadii uu taliyaha u ahaa Haramacad, waxay fuliyeen howlgallo kala duwan. Midkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa dagaalkii Beledxaawo ay kula galeen ciidan uu hoggaaminayay cabdirashiid Janan oo hadda dowladda la heshiiyay.
Waxay horey uga howlgaleen Dhuusamareeb oo ay kula dagaallameen ciidamadii Ahlu Sunna. Sidoo kale waxay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho.
Saadaq John oo xilka laga qaaday ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu joojiyay kulankii Barlamaanka
Xigashada Sawirka, SONNA
War qoraal ah oo kasoo baxay taliyaha booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday taliyaha booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) kadib markii uu dhawaaqay in la hakiyay kulankii baarlamaanka.
Taliyahii booliska gobolka Banaadir ayaa ku dhaawaqay in la joojiyay kulankii la filayay inay yeeshaan xildhibaanada baarlaamaanka Soomaaliya sababo amni dartood.
Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay
in sababta loo hakiyay kulanka baarlamaanka ay tahay in wax rabshado ah ama
boob uusan ka dhicin magaalada Muqdisho.
“Waxaan
maanta hakinay kulankii ay lahaayeen..waxaa loo baahan yahay in wax boob ah in
aysan dhicin, Isfahan siyaasadeed la gaaro”
Aqalka Baarlamaanka waxaa tegay tiro yar oo kamid ah xildhibaanada iyadoo maanta lagu waday inay ka hadlaan khilaafka arrimaha doorashada.
Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya oo wajahaya cunno yari
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Abaaraha ayaa saameeyay dad iyo duunyaba
Hay’adda arrimaha gargaarka ee Save The Children ayaa
sheegtay in saameynta ka dhalatay ayaxa iyo abaaraha ay malaayiin qof oo ku nool
Soomaaliya ay u horseedeen inay soo wajahdo cunno yari.
Waxay hay’adda sidoo kale sheegtay in xilligan laga yaabo in
hoos ay u dhacaan boqolkiiba 80 wax soo saarka beeraha Soomaaliya.
Halka dhaqaalaha kasoo baxa nafciga xoolaha la filayo in uu hoos
u dhaco boqolkiiba 55.
Waxay intaas ku dartay in qaar kamid ah carruurta Soomaaliya ay
la daalaa dhacayaan nafaqo darro.
Deegaanno oo ka
tirsan Soomaaliya ayaa waxaa ka taagnaa oon iyo biyo la'aan baahsan oo dadka
iyo duunyada haystay.
Dad ka barakacay colaadda Soomaalida iyo Canfarta
Dagaalladii dhawaanahan xadka deegaannada Soomaalida iyo
Canfarta ee dalka Itoobiya ku dhex maray labada qowmiyadood ee deriska ah ayaa
waxaa ku barakacay boqollaal qoysas ah.
Barakacayaasha oo ku sugan duleedka
tuulooyinka ay dagaallada ka dhaceen ayaa sheegay inay halkaasi ku haysato
macluul iyo biyo la'aan daran.
Deeqa Axmed Cawaale oo barakacayaashaasi ka mid ah oo
haatan ku sugan duleedka magaalada Caddeyti ayaa BBC u sheegtay in aysan heysan
hoy isla markaana ay wajahayaan biyo iyo cunto la’aan.
Waxaa dhawaan magaalada Adis-ababa ee
caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay
madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu
raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo
ka mid ah gobalka Siti.
Halkan ka dhageyso qof kamid ah dadka kasoo qaxay dagaallada.
Qoraalka Codka, Dadka ka barakacay dagaalka
Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.