Soomaaliya oo la gaarsiiyay tallaalka Shiinaha ee ka hortagga Karoona

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ruushka iyo Shiinaha oo lagu eedeeyay inay ka dagi la'dahay Myanmar

    Wasiiradda Arrimaah Dibadda ee Ruushka iyo Shiinaha

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxa arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in tartanka siyaasadeed ee danaha gaarka ah laga leeyahay uu carqaladeynayo dadaallada lagu doonayo in lagu joojiyo rabshadaha ka socda Myanmar lana hubiyo inay dib ugu soo laabato dimuqraadiyadda, ka dib afgambigii milatari ee dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay dalkaasi.

    Josep Borrell ayaa sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay ka hortagayaan iskudayada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee Maynmar loogu soo rogayo cunaqabateynta hubka.

    Wuxuu sheegay in taasi aysan layaab aheyn, marka loo eego in Shiinaha uu yahay dalka ugu badan ee hubka u dhoofiya Myanmar, iyadoo Ruushka uu yahay wadanka labaad ee hubka geeya Dalkaasi.

    Hogaamiye Borrell wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay diyaarinayaan wareeg labaad oo cunaqabateyn ah oo lagu bartilmaameedsanayo shirkadaha ay maamulaan militariga Myanmar.

  2. Mareykanka: Xiriirka Israa'iil iyo Mareykanka wuxuu udub dhexaad u yahay amniga Bariga Dhexe

    Biden iyo Lloyd Austin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Israel uu udub dhexaad u yahay amniga Bariga Dhexe, kadib booqashadiisa Israel si uu wadahadal ula yeesho madaxda sare ee dowladda, oo uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare, Benjamin Netanyahu.

    Lloyd Austin waa xubintii ugu sareysay ee ka mid ah maamulka Biden ee booqda Israel. Dhiggiisa Israel Benny Gantz wuxuu sheegay in Israel ay Mareykanka kala shaqeyn doonto sidii loo hubin lahaa in heshiis kasta oo diblomaasiyadeed oo cusub oo lala galo Iiraan uusan wax u dhimayn amniga gobolka.

    Booqashada Xoghaye Austin waxay imaanayaa maalmo un ka dib markii wadahadallo ay ka bilowdeen magaalada Vienna oo looga gol lahaa in Mareykanka dib loogu celiyo heshiiskii Nukliyeerka Iran, oo ah heshiis ay Israel ay diidan tahay.

  3. Soomaaliya oo la gaarsiiyay tallaalka Shiinaha ee ka hortagga Karoona

    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad sidday tallaalka uu soo saaray Shiinaha ee ka hortagga cudurka Covid-19.

    Tallaalkan oo gaarayay ilaa 200,000 xabbo oo nooca Sinopharm ah ayaa waxaa lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

    Soomaaliya waxaa horey u gaaray tallaalka Astrazeneca iyadoo dad badan ay qaateen tallaalkaas.

  4. Shil ka dhacay warshadda Nukliyeerka ee Iran

    Warashadda Natanz ee Nukliyeerka Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Warashadda Natanz ee Nukliyeerka Iran

    Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in shil uu ka dhacay warshadda Nukliyeerka ee Iran maalin uun kadib markii xarigga laga jaray xarun soo saarta macddanta Uranium-ka.

    Saraakiisha warshadda Nukliyeerka Iran waxay sheegeen in arrintani ay ka dhalatay kadib cilad koronto oo ka dhacday gudaha warshadda halkaas oo muhiim ah barnaamijkeeda Uranium-ka.

    Wax khasaare ah kama dhalan dhacdadan.

    Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii warshadda Natanz uu ka kacay dab, mas’uuliyiinta waxay xilliggaas sheegeen in uu ahaa isku day la doonayay in lagu hor istaago barnaamijka Nukliyeerka Iran.

    Dhacdadan ugu dambeeysay ayaa imaaneysaa xilli ay socdaan wadahadallo dib loogu soo celinayo heshiiskii quwadaha caalamka ay la galeen Iran sanadkii 2015-kii.

  5. Xoghayaha gaashandhigga Mareykanka oo booqasho ku tegay Israa’iil

    Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeyo Israa’iil iyo Mareykanka uu udub dhexaad u yahay amniga Bariga Dhexe kadib markii kulamo la qaatay saraakiil sar sare oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

    Lloyd Austin ayaa noqonayaa sarkaalkii ugu sarreeyay oo Amerikaan ah oo booqasho ku tego Israa’iil tan iyo markii xilka uu qabtay Biden.

    Booqashada xoghayaha gaashandhigga Mareykanka ayaa imaaneysaa xilli uu kulan looga hadlo sidii Mareykanka loogu soo celin lahaa heshiiskii Nukliyerka ee la galay Iran sanadkii 2015-kii uu ka socdo magaalada Vienna, tallaabadaas oo ay Israa’iil kasoo horjeesatay.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  6. Itoobiya oo codsi u dirtay Masar iyo Suudaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka biyaha,waraabka iyo tamarta Itoobiya ayaa ka codsaday Suudaan iyo Masar inay soo magacaabaan khuburro ka shaqeyn doono sidii laisku weedaarsan lahaa xogta ku saabsan biyo xireenka Itoobiya kaas oo uu muran badan ka dhashay.

    Xogtan ayaa ku saabsan sidii looga hadli lahaa ka hor tallaabada markii labaad ay Itoobiya ku buuxineyso biyo xireenka xilli roobabka la filayo inay ka da’aan halkaas, sida ay sheegtay Itoobiya.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli wadahadalladii u dambeeyay ee ku saabsanaa muranka ka dhashay biyaha webiga Nile ee u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

  7. Tiro dad ah oo lagu laayay dalka Myanmar

    In ka badan labo bilood ayay dibadbaxyada ka socdaan dalka Myanmar

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, In ka badan labo bilood ayay dibadbaxyada ka socdaan dalka Myanmar

    In ka badan 80 qof ayaa lagu dilay dalka Mnanmar kadib markii laamaha amniga ay sameeyeen howlgal ka dhan ah dad dibadbaxyo ka dhigayay magaalada Bago, sida laga soo xigtay dadka u doodo xuquuuqda aadanaha.

    Waxaana lagu soo warramayaa in militeriga ay qaateen meydadka dadka la dilay, waxaana adag in la xaqiijiyo tirada dhimashada.

    Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada ay adeegsanayeen hub culus isla markaana ay tooganayeen qof kasta oo dhaqaaqa.

    In ka badan 600 qof ayaa lagu dilay Myanmar tan iyo markii militeriga ay awoodda dalkaas la wareegeen.

  8. Mucaaradka Jabuuti oo ka hadlay guusha Ismaaciil Cumar Geelle

    Cabdiraxmaan Maxamed oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Raad, sida oo kalena soo noqday duqa magaalada Jabuuti ayaa BBC u sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guuldareystay in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana natiijada doorashada aanay waxbo soo kordhin doonin.

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay madaxweynaha mar kale hoggaamin doono dalkaas.

    Wuxuu ku guuleystay boqolkiiba 98 codadkii la dhiibtay halka musharraxa kaliya ah ee la tartamayay Zakariye Ismaaciil Faarax uu helay boqolkiiba 1.59.

    Mucaaradka Jabuuti ayaa qaadacay doorashadii shaley ka dhacday Jabuuti kadib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uusan diyaar u ahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

    Madaxweyne Geelle oo 73 jir ah ayaa xilka Jabuuti hayay tan iyo sanadkii 1999, wuxuuna sii maamuli doonaa Jabuuti shanta sanno ee soo socota.

    Halkan ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha mucaaradka Jabuuti:

    Qoraalka Codka, Mucaaradka Jabuuti
  9. Kulamo loogu baroor diiqayo Amiir Philip oo caalamka ka socda

    Kulamada loogu baroor diiqayo Amiirka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kulamada loogu baroor diiqayo Amiirka

    Kulamo loogu baroor diiqayo Amiir Philip ayaa ka socdaa kaniisado dhowr ah oo ku yaalla guud ahaan caalamka.

    Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Australia iyo barasaabka guud ee dalkaas ayaa munaasabad loogu duceynayo Amiirka kaga qeybgalay magaalada Sydney.

    Waxaa socota diyaar garowga duugta Amiir Philip, oo ah seyga Boqorad Elizabeth II, kaas oo geeriyooday maalinimadii Jimcaha.

    Amiirka oo 99-sano ahaa, ayaa waxaa faahfaahinta duugtiisa lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda, balse waxaa la filayaa in ay noqon doonto munaasabad, oo aysan noqon doonin arin weyn oo dalka u taalla sidii lagu yaqaannay geerida qof boqortooyada ka tirsan.

    Waxaa la shaaciyay in Amiirka la aasi doono Sabtida soo socota, oo ku beegan 17-ka April.

    Amiir Philip ayaa la sheegay inuu codsaday in loo sameeyo munaasabad yar, dadkuna ma awoodi doonaan inay daawadaan naxashkiisa, waxaana lagu aasi doonaa Windsor Castle.

  10. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.