Maxkamad baareysa muuqaal kaamirooyinka qarsoon ay duubtay kahor dhimashada George Floyd

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxkamad ayaa baareysa muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon (CCTV) wax yar uun ka hor dhimashada George Floyd, iyadoo maxkamadeynta dilka loo heysto sarkaal Derek Chauvin ay gashay maalintii seddaxaad.
Christopher Martin, oo shaqaale ka ah dukaan raashiinka lagu iibiyo, halkaas oo Mr Floyd lagu eedeeyay inuu wax uga iibsaday 20-doollar oo been abuur ah, ayaa ah marqaatigii ugu danbeeyay ee istaaga.
Mr Chauvin, ayaa laga duubay muuqaal muujinaya isaga oo jilibkiisa qoorta uga haya Mr Floyd wax ka badan sagaal daqiiqo kahor inta uusan geeriyoon bishii May. Arintaas ayaana ka dhalatay dibadbaxyo ka dhacay adduunka oo dhan.
Mr Chauvin, oo 45-sano jir ah, ayaa iska fogeeyay eedeymaha dilkaas. Qareenada difaacaya, ayaa ku doodaya in Mr Floyd oo 46-sano jir ah uu u dhintay daroogo xad dhaaf ah oo uu isticmaalay.
George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanado badan ku noolaa Minneapolis.
Wuxuu wakhtiyadii ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayay maqaayad, inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la'aan ahaa.







