Baarlamaanka Soomaaliya oo qiray in sabtidii ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha baarlamaanka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo daah furtay barnaamij ay ardayda online ahaan wax uga baran karaan

    .

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya, ayaa daah-furtay Barnaamij loogu talo galay in ardayda dugsiyada Hoose iyo Dhexe ay qaab online ah wax ugu baran karaan.

    Barnaamijkan cusub oo loogu magac daray Fogaan-dersi, ayaa loogu talagalay in ardayda Soomaaliyeed ay u sahasho inay waxbarashadooda sii wataan inta ay Iskuullada u xiran yihiin feyraska Corona awgii.

    Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji, oo daah furay barnaamijkan, ayaa sheegay in in muddo ahba ku howlanaayeen sidii barnaamijkan loo hirgelin lahaa, maantana ay ku guuleysteen in ay daah furaan, si sahlanna uu ku dhaqan geli doono.

    Wasiirka oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in barnaamijkan uu ardayda ka caawinayo in iyaga oo guryahooda jooga ay cashardooda qaab online ah ay u qaadanayaan, taas oo ay u sameeyeen maaddaama aan la ogeyn xilliga uu cudurkan aafada ah dhammaan doono.

    Barnaamijkan oo ay diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda waxbarashada, ayaa hirgelintiisana waxaa wasaaradda ka taageeray Hay’adaha GPE, Save the Children iyo Midowga Yurub.

  2. Markabkii ku xannibnaa marinka Suez oo lagu guuleystay in la dhaqaajiyo

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Markabki weynaa ee ku dhawaad toddobaad xiray marinka Suez ee dalka Masar, ayaa maanta lagu guuleystay in goobtii uu ku caddilmay laga jiido.

    Markabka Ever Given oo uu dhererkiisu yahay 400 oo mitir ayaa Marinka Suez isku gooyey xilli uu siday shixnado dhan 224,000 oo tan.

    Maamulka marinka Suweys ayaa sheegay in Ever Given uu haatan boqolkiiba 80 sidiisa ku laabtay. Wuxuu maamulka sheegay inay qaadaneyso saddex maalin in la kala yareeyo ciriiriga maraakiibta ee jira.

    Boqolaal maraakiib ayaa sugeysay in ay marinka gudbaan, kuwaasi oo uu xayiray markabka Ever Given.

    Marinka Suez, oo isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda Cas ee sii mara dalka Masar, ayaa ah mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu mashquulka badan adduunka.

  3. Ninka loo heysto dilka George Floyd, oo la furayo dhageysiga dacwaddiisa

    .

    Koox garsoorayaal ah oo ku sugan magaalada Minneapolis ayaa lagu wadaa inay dhegeystaan furitaanka doodaha maxkamadeynta, sarkaal caddaan ah oo lagu eedeeyay dilka George Floyd. Derek Chauvin ayaa beeniyay eedeymaha dilka ee isaga ka dhanka ah.

    Muuqaal nin boolis ah oo qoorta uga fadhiya Mr Floyd oo soo baxay bishii May ee sanadkii hore, ayaa horseeday dibadbaxyo ka dhacay Mareykanka iyo caalamka, kuwaas oo lagu taageerayo dhaqdhaqaaqa nolosha dadka madow waa muhiim, (Black Lives matter).

    Waxaa la sugay ammaanka dhismaha maxkamadda, iyadoo la geeyay ciidan ka tirsan Ilaalada Qaranka. Mr Floyd walaalkiis Philonise Floyd, ayaa telefishinka Mareykanka laga leeyahay ee CBS u sheegay, in qoysku ay diyaar u yihiin waxa ay kooxda is difaaceysa isku dayayaan inay goobta la yimaadaan.

    George Floyd, oo ay da'diisu ahayd 46 sano, ayaa waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.

    Wuxuu la kulmay boolis fiidnimadi 25-kii bishii May ka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.

  4. Baarlamaanka Soomaaliya oo qiray in sabtidii ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha baarlamaanka

    Maamulka Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay qiray inay jireen ciidamo dheeraada oo Sabtidii la geeyay dhismaha Barlamaanka oo lagu waday inuu ka qabsoomo kulan ajandihiisa la isku khilaafay.

    Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in kulankii maanta ee baaqday dib loogu dhigay Arbacada iyadoo uu sidiisii yahay go’aankii dhawr iyo xildhibaan looga joojiyay ka qaybgalka shirrarka golaha shan fadhi.

    Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha Barlamaanka ayaa BBC-da uga waramay sababta loo baajiyay kulankii maanta iyo walaaca xildhibaannada qaar ee ahaa in ciidamo dheerada Sabtidii la geeyay dhismaha Barlamaanka.

    Qoraalka Codka, Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux
  5. James Swan oo ka hadlay kulankii maanta beesha caalamka ay la yeelatay madaxda maamul goboleedyada

    Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ka qeybgalka kulankii maanta uu la yeeshay isaga iyo wakiilo ka socday beesha caalamka madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

    Kulanka waxaa looga hadlayay sidii lagu soo afjari lahaa khilaafka harreeyay doorashada.

    "Waxaan soo dhaweyneynaa dadaallada wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar"- ayuu yiri James Swan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  6. Masar oo amar ku bixisay in la xiro shaqaale ka howlgala tareenada kadib shil dhacay

    Dacwad oogaha Masar ayaa amar ku bixiyay in la xiro 8 qof oo ka shaqeeya tareenada dalkaas kadib shilkii dhimashada badnaa ee Jimcihii ka dhacay halkaas.

    Shilka ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen labo tareen.

    Ugu yaraan 18 qof ayaa dhintay halka 200 qofna ay ku dhaawacmeen shilka tareen ee ka dhacay gobolka koonfureed ee Sohag xilli tareen si xowli ah u socday uu ku dhacay tareen kale.

    Dadka loo xiray dhacdadaas waxaa kamid ah shaqaale ka tirsan waaxda tareenada dalkaas.

    Masar waxaa horey uga dhacay shilalka tareenada, waxaana loo aaneynayaa dayactir la'aan soo wajahday khadka tareenada.

  7. Soomaaliya oo daah furtay qaab ay ardayda online-ka uga sii wadan karaan waxbarashadooda

    Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa daah-furtay barnaamij loogu talo galay in ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe ay qaab online ah wax ugu baran karaan.

    Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo daah furay barnaamijka ayaa BBC u sheegay in barnaamijkan uu ardeyda ka caawin doono inay sii wataan casharadooda kadib saameynta uu cudurka ku yeeshay waxbarashada.

    Qoraalka Codka, Waxbarashada Soomaaliya iyo Covid-19
  8. Ilhaan Cumar oo booqatay xarun lagu hayo carruur muhaajiriin ah

    .

    Xigashada Sawirka, ILHAN OMAR/FACEBOOK

    Ilhaan Cumar ayaa Jimcihii booqatay xarun lagu hayo dadka magangelyo doonka ah oo ku taalla gobolka Texas gaar ahaan xuduudda, waxay ka sheekeysay dhibaatadii ay soo martay markii ay ku jirtay xero qaxooti oo ku taalla Kenya.

    “Aniga carruur ayaan ahaa markii aan soo qaxayay, sida carruurta halkan ku sugan, waa arrin khalad ah aanan la aqbali karin” ayay tiri Ilhaan oo la hadleysay boqolaal carruur ah oo muhaajiriin ah oo ku sugnaa xarunta.

    Waxay sheegtay in loo baahan yahay in dhammaan ha'yadaha dowladda la howlgeliyo si wax looga qabto hannaanka lagu daryeelayo carruurta muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabeyso xuduudda.

    "Waxaan u baahanahay in aan shaqo gelinno ha'yadaha dowladda si ay u fududeeyaan hannaanka lagu daryeelayo carruurta muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabeyso xudduudda..waxaa jiraa dadaallo wadajir ah oo wax looga qabanayo dhibaatada muhaajiriinta" ayay tiri Ilhaan Cumar oo wareysi siineysay warbaahinta Msnbc.

    Waxay sidoo kale sheegtay inay jiraan dadaallo si wadajir ah wax looga qaban karo dhibaatada muhaajiriinta.

    Horraantii bishii hore ayay aheyd markii maamulka madaxweyne Biden uu sheegay inuu billaabi doono in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo magangalyo doon ah oo ku xayiran dalka Mexico.

    Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu laalo siyaasadihii sida weyn loo dhaliili jiray ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.

  9. Markabkii ku xayirnaa marinka Suez oo la leexiyay

    Markabka Ever Given

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Markabka Ever Given

    Markab lagu magacaabo Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha kuna sii jeeday Rotterdam, Netherlands,oo fariistay kanaalka Suez, muddo toddobaad ahna ku xayirnaa halkaasi ayaa la sheegayaa in haatan laga saaray goobta, sida ay sheegeen saraakiisha.

    Muuqaal u muuqday inuu muujinayay markabka uu biyaha dhex socda ayaa la arkay balse milkiilaha ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay kaliya in meesha laga leexiyay.

    Markabka Ever Given ayaa xannibayay waddooyinka ganacsiga ee ugu mashquulka badan dunida kaasi oo khasbay in shirkadaha ay raadiyaan waddooyin kale iyo maraakiibta ay safaf dheer galaan.

    Waxaana haatan rajada sare u qaaday wararka sheegaya in markabka laga bixiyay halkii uu ku xannibnaa, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda kanaalka uu sidii hore ku soo noqdo. Waxaa halkaasi ku xannibnaa alaabo ganacsi oo lagu qiyaasay boqolaal bilyan oo doolar.

    Shirkadda Inchcape ayaa sidoo kale shaacisay in markabka laga sii daayay kanaalka.

    Aroortii hore ee saakay, mas'uuliyiinta kanaalka Suez ayaa sheegay in boqolkiiba siddeetan marka laga leexiyay jidka.

    Waxay intaasi ku dareen in dadaallada gabi ahaanba meesha looga saarana ay bilowdeen.

    Axadii, saraakiisha kanaalka waxay bilaabeen inay isu diyaariyaan inay ka saaraan qiyaastii 20,000 kun oo konteenaro oo saarnaa markabka si loo yareeyo culeyska.

  10. Madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilo ka socda beesha oo shir uga furmay Muqdisho

    .

    Xigashada Sawirka, Puntland State House

    Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhexeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo xubno ka socda beesha caalamka.

    Waxaana kamid ah dadka ka qeybgalay shirka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya James Swan iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto.

    Waxaana shirkan looga hadlayaa sidii looga gudbi lahaa khilaafka harreeyay hanaanka doorashada ee Soomaaliya.

  11. War deg deg ah, Dad ku dhintay qarax ka dhacay degmada Dayniile

    Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax lala eegtay gaari uu leeyahay xogeeyaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaasoo marayay meel suuq ah oo isla degmada ka tirsan.

    Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay inay arkeen dad dhintay iyo kuwa dhaawaca oo goobta laga qaadayo markii uu qaraxu dhacay kadib.

    Qaraxa oo ahaa nooca hareerraha wadooyinka la dhigo ee la hago ayaa waxa ka badbaaday qofka la doonayay in la khaarajiyo oo ahaa xogeeyaha degmada Dayniile Mahad Sharaawe, balse waxa halkaas kaga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

    Isla degmada Daynniile qarax kale oo ah nooca waddada hareerraheeda la dhigo ayaa lagu weerarray gaari marayay agagaarka xerada Damaanyo.

    Lama soo sheegin wax khasaare ah oo qaraxaasi uu dhaliyay.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada saaka ka dhacay degmada dayniile balse weerarrada noocan ah waxa Muqdisho ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

  12. Obama oo ayeeydii ku geeriyootay Kenya

    Obama iyo ayeeydii Sarah

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Obama iyo ayeeydii Sarah

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayeeydii Sarah Obama ayaa ku geeriyootay da’da 99 jir , sida qoyskeeda ay u sheegeen warbaahinta gudaha.

    Saraha Obama ayaa saaka ku geeriyootay cisbitaalka Jaramogi Oginga Odinga ee ku yaalla magaalada Kisumu, sida gabadheeda Marsat ay u sheegtay wargeyska Daily Nation.

    Waxaana la filayaa in lagu aaso qabuuro ku yaalla Kisumu.

    Sarah Obama waxay ku nooleyd tuulada Kogelo ee galbeedka Kenya halkaas oo Obama aabihii uu ka soo jeedo.

  13. Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay

    Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta lagu waday inay yeeshaan xildhibaanada Soomaaliya, sida lagu shaaciyay bogga Facebook ee Golaha Shacabka.

    Xildhibaanada ayaa kulanka yeelan doonaa maalinta Arbacada ah.

    Kulankaas ayaa la filayay in looga hadlo labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.

    Sabtidii kulankii ay yeesheen xildhibaanada ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo guuldarro kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajandde aan ahayn kii la iclaamiyay ee ahaa in lagaga hadlo cudurka Covid-19.

    Kulanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli ismari-waaga ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay uu marayo meel xasaasi ah.

  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.