Kenya oo isaga baxday dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya
Tebinta tooska ah
Tebin toos ah
Weerar lagu qaaday gaari uu la socday madaxweyne

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Gaariga uu la socday madaxweyne Alberto Fernández Tiro dad ah oo dibadbaxyo dhigayay ayaa weerar ku qaaday gaari uu la socday madaxweynaha Argentina Alberto Fernández xilli uu booqasho ku joogay gobolka Patagonia.
Dadka ayaa ku xoomay halkii uu joogay madaxweynaha isla markaana waxay dhagxaan ku tuureen baabuurka.
Madaxweynaha wuxuu booqanayay deegaanno ay saameeyeen dabka oo inta badan ka kaca keymo ku yaalla halkaas, waxaana ku dhintay hal qof halka dad kalena ay ku dhawaacmeen.
Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa ka careysnaa qorshaha dowladda ay mashaaric uga fulineyso gobolkaas oo qani ku ah dahabka, maartak iyo maaddada Uranium-ka, sida uu ku warramay wargeyska Clarín.
Muuqaallo ayaa muujinayay dadka oo dhagxaan la dhacaya baabuurka madaxweynaha xilli qaarkood ay isku dayayeen inay hor joogsadaan.
Kenya oo isaga baxday dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya

Xigashada Sawirka, ICJ
Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga dacwadda badda kaas oo berri ka bilaabmaya maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, sida uu ku warramayo wargeyska Daily Nation.
Wargeyska wuxuu ku warramay in uu arkay dokumenti muujinayo in Kenya ay go'aansatay in aysan ka qeybgeli doonin kiiska isla markaana maxkamadda aysan wax dan ah ka laheyn codsigooda ahaa in dib loo dhigo kiiska cudurka safmarka ee Karoona dartii.
Sidoo kale, wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya oo soo xiganayo ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Kenya la filayo inay gudbiso warqad ay ku sheegeyso in aysan ka qeybgeli doonin dhageysiga dacwadda.
Wuxuu intaas ku daray in qareenada ay berri maxkamadda ka codsan doonaa inay siiso 30 daqiiqo si ay sharraxaad uga bixiyaan sababta aysan uga qeybgaleynin dhageysiga kiiska.
Dhanka kale, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa BBC u xaqiijiyay in Kenya ay isaga baxday dhageysiga dacwadda.
Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli berri lagu wado in maxkamadda caddaaladda adduunka uu ka bilowdo dhageysiga dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya xilli labada dal uu ka dhex tagaan yahay khilaaf diblumaasiyadeed.
Bishii hore ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.
Kiiska ICJ: Sida ay ku billaabatay dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa 15-ka bishan March billaabeysa dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, hase ahaatee dad badan waxba kama xasuustaan sida ay sheekada furitaanka dacwadda ku billaabatay markii ugu horreysay.
Bishii July ee sanadkii 2015-kii ayey dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.
Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda.
Haddaba Sidey ku billaabatay?
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa BBC-da uga warrantay sida ay ku timid fikradda gudbinta dacwada, oo ahayd mid ka billaabatay iyada oo fadhisa Makhaayad ku taalla dalka Mareykanka.
"Anigoo New York jooga 2013-kii ayaa waxaa isoo booqatay Muna Sharmaani, hoteelki aan joognay ayey iigu timid, dhinaca makhaayadda ayaan u baxnay si aan shaah u cabno. Waxaan weydiiyay meesha ay ka shaqeyso, kaddib waxay igu tiri, 'waxaan ka shaqeeyaa xafiiska badda ee Qaramada Midoobay'. Waxaan ku idhi 'Muna bal ii ga warran badda Soomaalia'."
Sheekh Umal : “Soomaalida Qur’aanka hoos u dhac baa jira gaar ahaan xifdiga”
Waxaa shalay dalka Kenya lagu soo gabogabeeyey tartan xifdiga Qur'aanka kariimka ah oo ay dalal badan oo Afrikaan ahi ka qayb galeen, hase yeeshee arinta Soomaalida Kenya iyo guud ahaan ba Muslimiinta dalkan la yaabka ku noqotay ayaa ah in ay kaalmaha hore ay galeen arday ka socotay wadamada Galbeedka Afrika ee Nigeria iyo Senegal, walow Soomaalidu si iyagu markii hore kaalmahaa isu siinayeen.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ahaa gudoomiyaha guud ee gudida qabanqaabada tartankan ayaa BBC u sheegay inay u muuqato in tayada macaliimnta dugsi Qur'aanka ay hoos u dhacday.
“Waagii hore Qur’aanka waxaa macalin ka noqon jiray oo dadka bari jiray dad u tababaran oo iyagu laftoodu Qur’aanka laga soo saxay laakiin waayahan dambe waxaa galay Qur’aankii bariddiisii dad badan oo iyagu laftooda aan laheyn tayadii ay wax ku bari lahaayeen”
“Waxaan is leeyahay waayahan dambe soomaalida Qur’aanka hoos u dhac baa jira gaar ahaan dhanka xifdiga iyo in ilmaha carabka laga saxo oo Qur’aanka si fiican uu u akhriyo laakiin anaga sanadkan iyo sanadkii xigayba xoggaa waxaad moddaa kaalintoodi inay hoos u dhaceen waxay arrintaas tilmaameysaa in uu jiro hoos u dhac” ayuu yiri Sheekh Umal.

Soomaaliya: "2.5 Malyan oo qof ayaa wajahaya cunno yari iyo biyo la'aan"

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 2.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin ka dhashay abaaraha iyo caabuqa Covid-19.
Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in abaaraha iyo biyo la'aanta ay uga si dareen xaaladda banii'adanimo ee ka taagan Soomaaliya.
"2.5 malyan oo qof oo Soomaali ah ayaa u nugul oo wajahaya cunno yari, biyo la'aanta ayaxa iyo caabuqa..xaaladda banii'aadinimo ee jirta oo sii kordheysay, roobabkii oo yaraaday waana sababta keentay cunto yarida iyo biyo la'aanta"
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegtay xilli maanta ay shir ku qabteen Muqdisho wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ka warbixinayay saameynta abaaraha.
Maxaa ka jiraa in Soomaaliya ay baddashay qareenadii dacwadda badda?
Waxaa berri ka bilaabmaysa maxkamadda caddaaaladda adduunka ee ICJ dacwadda murankii kiiska badda ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya.
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Saleebaan Maxamed Maxamuud oo BBC u warramayay ayaa sheegay in aanu waxbo ka jirin wararka sheegayo in Soomaaliya ay baddashay qareenadii ku matalayay dacwadda badda.
Qoraalka Codka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Saleebaan Maxamed Maxamuud oo BBC u warramay Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.
