Tallaalka Karoona oo la gaarsiiyay Mandheera

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo ku geeriyooday Nairobi

    .

    Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa galinkii dmabe ee maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa xaqiijiyay geeridiisa, sida ay shaacisay wakaaladda wararka soomaaliya ee SONA.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in maalmo ka hor xanuunka Covid-19 loo dhigay isbitalaka Nairobi.

    Waxaa isasoo taraya farriimaha ay Siyaasiyiinta Soomaalida uga tacsiyeynayaan geeridiisa.

    Cali Mahdi wuxuu xilka madaxweynaha qabtay kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-kii.

    Mar kale ayaa loo aqoonsaday in uu xilkaas sii hayo, waxaana ugu dambeyn sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

  2. Rabshado ka dhashay Mudaharaadkii ardayda Koonfur Afrika

    Booliiska Koofur Afrika ayaa rasaas caag ah ku kala eryay arday jaamacadeed oo dhigayay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan dib u dhac ku yimid lacagaha iyo is diwaangelinta jaamacadda.

    ArdaydaJaamacadda Witwatersrand ee magaalada Johannesburg ayaa mudaaharaadyada dhigayay tan iyo Insiintii, iyagoo xiray waddooyinka isla markaana abuurayay rabshado, iyaga oo ka cabanaya inaysan qeyb ka ahayn barnaamijka qaranka ee gargaarka dhaqaale ee ardayda.

    Dibadbaxayada ardayda Koonfuur Afrika

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  3. Abaaro ba'an oo lagasoo sheegayo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

    Odayaal ka socda degmada Gaashaamo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka, iyaga oo wada qeylo dhaan ku aaddan abaaro ka jira degmadaas.

    Odayaasha tegay Jigjiga waxaa ka mid ah Suldaan Cabdiqani Cismaan Saleebaan, oo BBC-da u warramay.

    Halkan ka dhageyso

    Qoraalka Codka, Odayaal ka socda degmada Gaashaamo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo abaarta ka hadlay
  4. Qaramada Midoobay oo ka deyrisay dadka ka barakacay gobolka Tigray

    Kumanaan ayaa guryahooda ka qaxay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 130 kun oo qof ay ku barakaceen gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray iyo gobollada deriska la ah ee Afar iyo Amhara.

    Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta ayaa sheegay in tiradan aysan ahayn tirada guud ahaan dadka ay dagaalladu barakiciyeen, maaddaama tiradan laga soo ururiyay keliya deegaannada la tegi karo.

    IOM ayaa sidoo kale ugu baaqday mucaaradka xukuma magaalada Sanca ee dalka Yemen inay oggolaadaan in gargara la gaarsiiyo muhaajiirinta Afrikaanka ah ee ku dhaawacmay dabkii ka kacay dhisme la deganaa.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  5. Milatariga Maraykanka oo Kuuriyada Koonfureed sii joogi doona

    Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday heshiis u oggolaanaya militariga Mareykanka inay sii joogaan ugu yaraan lix sano oo kale.

    Xukkumadda Seoul, waxay sheegtay inay ogolaatay inay bixiso ku dhowaad afar iyo toban boqolkiiba in ka badan, si ay u martigeliso ilaa soddon kun oo ciidamada Mareykanka ah.

    Ciidamada Mareykanka waxay joogeen Kuuriyada Koofureed tan iyo dagaalkii Waqooyiga ee kontomeeyadii.

    Arrintan ayaa imaanaeysa iyadoo Mareykanka uu ku dhawaaqay in Xoghayaha Arimaha Dibadda, Antony Blinken, uu booqasha ku tegi doono dalalka Japan iyo Kuuriyada Koonfureed isbuuca soo socda – waana safarkiisii ugu horeeyay ee dibada tan iyo markii uu xilkaasi qabtay.

    Mr Blinken waxaa safarkaasi ku wehelinaya Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin. Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in booqashadooda ay dib u muujinayso sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xiririka uu la leeyahay xulafadiisa iyo iskaashiga dalalka ku yaala gobolka Indo-Pacific iyo adduunka oo dhan.

    Saldhiga Ciidamada Maraykanka ee Koonfurta Kuuriya

    Xigashada Sawirka, AFP

  6. Ardey dibadbaxyo ka dhigay Hargeysa

    Ardeyda dibadbaxyada dhigayay

    Xigashada Sawirka, Khaalid Foodhaadhi

    Qoraalka sawirka, Ardeyda dibadbaxyada dhigayay

    Ardayda dugsiga Salaama ee magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa maanta sameeyay mudaaharaadyo rabshado wata, iyaga oo ka cabanaya maamulka iskuulka.

    Weriyaha BBC ee Hargeysa ayaa kusoo warramayaa in weli aanan la ogaan cabashada ay qabaan ardeyda maanta dibadbaxyada ka dhigay halkaas.

    Toddobaadkii la soo dhaafayna sidan oo kale ayay ardayda dusgiga Nuuradiin ee isla Hargeysa ay sameeyeen dibadbaxyo iyaga oo sida la sheegay ka cabanayay arrimo ay ka mid yihiin in laga qaado lacago aan ahayn kuwa billaha ah.

  7. Qeylo dhaan laga soo saaray abaaraha ka taagan Puntland

    Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa dirtay baaq ku saabsan in gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku nool gobollada maamul-goboleedkaasi.

    Hay’adda ayaa sheegtay in in ka badan boqol kun oo qoys ay saameysay abaarta.

    Guddoomiyaha hay’addaas Cabdullaahi Axmed Cayrow ayaa BBC u sheegay in boqolkiiba 43 shacabka ku nool ay u baahan yihiin gargaar maadama ay aabaaraha saameeyeen dadka iyo duunyada.

    Qoraalka Codka, Abaaraha ka taagan Soomaaliya
  8. Xisbiyo ka tirsan gobolka Oromada oo ku dhawaaqay inay qaadaceen doorashada Itoobiya

    Laba xisbi oo kamid ah kuwa ugu waaweyn deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyay inay qaadaceen doorashada guud ee dalka Itoobiya lagu wado inay ka dhacdo horraanti bisha June ee sanadkan.

    Xisbiga OLF ayaa sheegay in dowladda ay dhibaato joogta ah ku hayso madaxdiisa, isla markaana aanay xilligan u suuragali karin inay ka qeyb qaataan doorashada dalka oo ula muuqata mid aan ku dhici doonin jawi xor ah.

    Doorashada Itoobiya ayaa dib uga dhacday xilligii loo asteeyay oo ahaa August 2020.

  9. Muqdisho: Qarax lala eegtay gaariga wacyigelinta Karoona

    .

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Hal qof ayaa dhintay labo kalena way dhaawacmeen kadib markii uu qarax qabsaday gaari ay wateen shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID19 ee dawladda hoose ee magaalada Muqdisho.

    Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn xarunta degmada Kaaraan, waxana gaariga ay wateen shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID19 ku xirnaa cod baahiyayaal dadka loogu sheegayo inay ka taxadaraan cudurka.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa lala beegsaday shaqaalaha wacyigalinta cudurka COVID-19.

  10. Abiy oo codsi u diray dalalka Afrika

    Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, OFFICE OF THE PRIME MINISTER

    Qoraalka sawirka, Abiy Axmed

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay ku taageeraan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa ee ku aadan howlgallada sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celinayo deegaanno ka tirsan ah dalkaas.

    Wuxuu ka codsaday dalalka Afrikaanka ah inay garab istaagaan Itoobiya isla markaana uu dalkiisa wajahayo olole caalami ah xilli uu doonayo in sharciga dib loogu soo celiyo deegaannada.

    Abiy ayaa hadalka ka sheegay xilli xaaladda gobolka Tigray uu uga warbixinayay golaha Midowga Afrika u qaabilsan amniga.

    Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay tageerada ay u muujiyeen Itoobiya .

    Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay Tigray kadib markii sanadkii hore howlgal militeri ku qaadeen halkaas.

    Waxaa sidoo kale jiraa eedeymaha in gobolka laga geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, arrintaas oo ay dowladda beenisay.

  11. Xafiiska boqoradda Ingiriiska oo ka jawaabay hadalkii Meghan

    .

    Xigashada Sawirka, Joe Pugliese / Harpo Productions / CBS

    Xafiiska boqoradda Ingiriiska ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay Meghan uu yahay mid walaacsiisa leh isla markaana si dhab ah loo qaadanayo.

    Waraysi qiiro leh oo ay siisay weriye Oprah Winfrey, ayay Meghan ku sheegtay in midab takoor ay ka dareentay Qoyska Boqortooyada Ingriirska, taasi oo kaalin ka qaadatay fikradeheeda ah inay isdisho.

    Qoyska boqortoyada ayaa sheegay in arinta si gaar ahaaneed loola tacaali doono.

    Hadalka boqortooyada ayaa imaanayaa xilli kulan deg deg ah ay arrintan ka yeesheen mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan boqortooyada.

    Meghan waxay wareysiga ku sheegtay in qof aan magaciisa la sheegeen oo ka tirsan boqortooyada uu weydiyay sababta uu madow yahay canug ay dhaleen.

  12. Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

    Waxaa saaka magaalada Baydhabo ku geeriyooday Maxamed Maxamuud Boonoow oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Wuxuu baarlamaanka ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2012, wuxuu sidoo kale soo noqday xilliggii dowladdii kumeel gaarka aheyd ee Shariif Sheekh Axmed.

    Xildhibaanada ayaa Golaha Shacabka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Maxamed Maxamuud Boonoow.

  13. Amnesty : "Puntland waa inay joojisaa weriyeyaasha ay xir xireyso"

    Kilwe Aadan Faarax

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Kilwe Aadan Faarax ayaa kamid ah weriyeyaasha xiran

    Ha'yadda caalamiga ah ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Amnesty ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu weerar ku hayo weriyeyaasha isla markaana handdadaad iyo tacaddiyo u geystay qaar kamid ah weriyeyaasha ka howlgala deegaanadaas.

    Amnesty waxay sheegtay in afar weriye labadii bilood ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

    Waxay walaac ka muujisay dhibaatada lagu hayo saxaafadda madaxabanaan ee ka howlgasha maamulka Puntland.

    "Arrinta sare u kaceyso ee ku saabsan weriyeyaasha lagu xirayo Puntland waxay muujineysaa inay socdaan howlgallada ka dhan ah saxaafadda madaxabanaan, xiritaankan wuxuu saameynayaa shaqada weriyaha ee xilliggan doorashada" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Amnesty.

    Ha'yadda Amnesty ayaa ugu baaqday maamulka Puntland in uu joojiyo xarigga iyo tacaddiyada ka dhanka ah weriyeyaasha ka howlgala halkaas.

    "Mas'uuliyiinta waa inay qaddariyaan, dhowraan, kuna dadaalaan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda madaxabanaan"

  14. Tallaalka Karoona oo la gaarsiiyay Mandheera

    Iyadoo uu tallaalka cudurka Covid-19 toddobaadkii hore soo gaaray dalka Kenya ayaa Mandheera waxay kamid noqotay magaalooyinka Waqooyi Bari ee laga hirgeliyo tallaalka.

    Maamulka magaaladaas ayaa sheegay in saddex koox oo kamid ah dadka safka hore uga jira la tacaalidda cudurka durbadiiba la siiyay tallaalka.

    Mandheera ayaa kamid ah meelaha uu ku faafay cudurka, waxaana ay xuduud la wadaagtaa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya

    Dr Maxamuud Eda oo ah madaxa caafimaadka ee Mandheera ayaa BBC u sheegay in lasoo gaarsiiyay 6,000 xabbo oo tallaalka ah, wuxuu sheegay in marka hore tallaalka la siin doono howlwadeenada caafimaadka ciidamada iyo macalimiinta.

    Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

    Qoraalka Codka, Mandheera oo tallaalka Covid-19 heshay
  15. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.