Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan rabnaa in farmaajo dibad joog ka noqdo arrimaha doorashada oo xukuumadda loo daayo

Xigashada Sawirka, ABDIRAHMAN ABDISHAKUR WARSAME/ FACEBOOK
Musharrixiiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo shir’aaid ku qabtay Muqdisho ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey in uu xagal daacinayo wadahadalkii ay lahaayeen ayaga iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayagoo sheegay in madaxweynuhu ka dhinac furay shir kale oo uu ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in Muqdisho ay isugu yimaadaan.
Haddaba waxa ku jaban iyo shirarkaasi ay iska barbar socdaan ayadoo waqtiga la beekhaaminayo iyo dhaliilaha kale ee ay jeediyeen ayay BBC-da ka waraysatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Cabdishakur ayaa sabab uga dhigay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in Madaxweynaha uusan awood u lahayn inuu shir ku baaqo iyo inuu ku beegay maalinta iyaga iyo raysal wasaare Rooble ay u ballansanaayeen shirka kale oo barbar socda si uu u carqaladeeyo.
"Shirka Midowga Musharixinta iyo raysal wasaaraha waxa looga wada hadli lahaa ayaaba waxay tahay, yaa hogaaminaya geeddi socodka wadahadallada doorashooyinka iyo amniga dalka? Marka waxaan u aragnay in baaqa Farmaajo uu yahay mid isbaaro dhigasha ah oo lid ku ah wadahadaladeena," ayuu yiri Cabdishakuur.
"Madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday, waana murashax oo tartankuu qeyb ka yahay, sidaas daraadeed waxaan rabnaa inuu dibad joog ka noqdo arrimahan oo xukuumadda loo daayo markaas ka dib Dowlad goboleedyada, iyo musharixiinta uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka mid yahay ka wada hadlaan arrimaha amniga, arrimaha doorashayooyinka iyo in la furo saaxada siyaasadeed ee lagu tartamayo."
BBC-da oo Cabdiraxmaan weydiisay in ra'yigan ah in raysal wasaaraha doonayo inuu arrimahan maamulo oo madaxweynaha gaar isaga saaro la qabo in iyaga ay kali tu tahay ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegay in raysal wasaare rooble la ogyahay.
"Isaagu wuu qabaa , anagana waan qabnaa dowlada goboleedyadana way qabaan, beesha caalamkana wey qabaan, waa laga yaabaa in isaga si kale yeelo ama wajiga ka dadbo maadaamaa uu isaga ninkan magacaabay laakin waa wax la wada garaawsan yahay in raysal wasaaraha uu hawshaan maamulo.










