Filin laga sameeyay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Abaaro ka taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

    Mas'uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dadaal ugu jira sidii ay wax uga qaban lahaayeen abaar iyo biyo la’aan ka taagan inta badan gobollada dowlad deegaanka, kaddib markii kulan arrintaa wax looga qabanayo ay masuuliyiintaasi ku yeesheen magaalada Jigjiga.

    Madaxa xafiiska maaraynta khartarta musiibooyuinka ee dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdulahi Cabdi Aadan ayaa BBC uga warramay goboollada ugu daran ee biyo la’aantu ay ka taagan tahay iyo tallaabooyinka ay qaadayaan si arrintaas ay wax uga qabtaan.

    Qoraalka Codka, Abaaro ka taagan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
  2. Dad ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay Myanmar

    Booliska Myanmar ayaa kala eryay dadkii dibadbaxyada dhigayay

    Xigashada Sawirka, REUTERS

    Qoraalka sawirka, Booliska Myanmar ayaa kala eryay dadkii dibadbaxyada dhigayay

    Booliska Myanmar ayaa rasaas ku furay dad dibadbaxyo ka dhigayay dalkaas kuwaas oo kasoo horjeeda militeriga.

    Waana dibadbaxyadii ugu dhimasho badnaa ee ka dhaco Myanmar tan iyo bishii Febraayo markii xukunka si afgembi ah ula wareegeen militeriga.

    Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada.

    Laamaha amniga ayaa adeegsanayay rasaasta cagga ah iyo rasaas nool nool si ay u kala eryaan dad isugu soo baxay saddexda magaalo ee kala ah Yangon, Bago iyo Dawei.

    Muuqaallo baraha bulshada lasoo dhigayay ayaa muujinayay dadka banaanbaxa dhigaya oo kala cararaya iyadoo warar aanan la xaqiijin ay sheegayaan in tirada dhimashada ay intaas ka badan tahay.

    Myanmar waxaa toddobaadyo ka socdaa dibadbaxyo lagu codsanayo in lagu soo daayo hoggaamiyihii dalkaas Aung San Suu Kyi oo ay militeriga xireen.

  3. Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka shakeeyay sida ay ku suurogashay sii deynta nin 20 sano ku xirnaa Hargeysa

    Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye ka shaqeeya arrimaha samafalka ayaa sheegay inay gacan ka geysteen sii deynta Maxamed Gantisa oo muddo 20 sano ah ku xirnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa.

    Wuxuu intaas ku daray in ninka ay sanadkii 2019-kii isku barteen xabisga isla markaana uu ka codsaday in uu ka shaqeeyo sidii uu xoriyaddiisa dib ugu heli lahaa.

    Sannadkii 2001-dii, maxkamad ku taal Hargeysa waxay Maxamed ku heshay inuu dilay nin kale oo Itoobiyaan ah, markaas oo ay maxkamaddu ku xukuntay 8 sanadood oo xarig ah iyo inuu bixiyo magta ninka gacantiisa ku baxay.

    Halkan ka dhageyso codka Coldoon.

    Qoraalka Codka, Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka warramay sii deynta nin 20 sano ku xirnaa Hargeysa
  4. Mareykanka oo cambaareeyay 'tacaddiyada' laga geystay gobolka Tigray

    Kumanaan qof ayaa ka qaxay dagaallada Tigray kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Kumanaan qof ayaa ka qaxay dagaallada Tigray kuwaas oo gaaray dhinaca Suudaan

    Mareykanka ayaa cambaareeyay tacaddiyada la sheegay inay ka dhaceen gobolka Tigray isla markanaa wuxuu ugu baaqay Midowga Afrika inay xal u raadiyaan 'xaaladda sii xumaaneysa' ee ka taagan gobolkaas.

    "Waxaan si weyn uga walaacsanahay xaaladda banii'aadimo ee kasii dareysa" ayuu yiri Anthony Blinken oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

    Wuxuu soo dhaweeyay ballanqaadka dowladda Itoobiya ee ku aadan in taageereyso gargaarka loo fidinayo shacabka Tigray iyo baaqyada caalamiga ah ee ku saabsan in la baaro tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.

    Warbixin kasoo baxday ha'yadda Amnesty ayaa lagu sheegay inay dhici karto in dambiyo dagaal la geystay Tigray.

    Amnesty ayaa ku eedeysay ciidamada Eritrea in boqolaal qof ay ku dileen magaalada qaddiimiga ah ee Aksum intii u dhexeeysay 28-dii iyo 29-kii bishii Nofeembar.

    Dowladda Eretariya ayaa beenisay eedeymo ku saabsan in militarigeeda ka dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo ku sugnaa magaalada Aksum.

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa horaantii bishii November amar ku bixiyay in dagaal lagu qaado gobolka Tigray oo ay maamulkiisa gacanta ku hayeen xisbiga TPLF, kaddib markii xoogaggooda ay qabsadeen saldhig ay gobolkaas ku lahaayeen militariga federaalka.

    30-kii bishii November ayuu baarlamaanka u sheegay in "aan hal qof oo shacab ah la dilin" intii uu howlgalkaas socday.

    Adeeggii isgaarsiinta iyo korontada oo ka go'naa gobolkaas ayaa suurtagalin waayay in warar madax bannaan laga helo dagaalka.

  5. Filin laga sameeyay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji

    .

    Xigashada Sawirka, ALTITUDE FILMS

    Agaasimaha ku guuleystay abaalmarinta Oscar ee filimada ee baarayay dilka weriyihii u dhashay Sucuudiga Jamaal Kaashuuqji ayaa sheegay in uusan rumeysneyn in Maxamed Bin Salmaan uu wajahi karo xarig kadib warbixinta kasoo baxday sirddoonka Mareykanka ee ah in uu isagu ansixiyay dilka weriyaha.

    Filinka Bryan Fogel ee uu ugu magac daray 'The Dissident' 'mucaaradka' wuxuu ka shakeynayay qaabkii loo dilay Khaashuqji iyo qofka laga yaabo in uu kasoo fulay in la dilo.

    Meydka weriyaha ayaanan weli la helin, Maxamed Bin Salmaan wuu beeniyay in uu ku lug lahaa dagaalka.

    Bryan Fogel isaga oo adeegsanayo warqado laga helay dowladda Turkiga ayaa muujinayaa in weriyihii dibad joogga ahaa la qabtay isla markaana la jar jaray jirkiisa gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

    Filinka wuxuu sidoo kale baarayaa in la jabsado teleefoonada iyo xogta dad dhaliilsan siyaasadda Sucuudiga ee dibad joogga ah, waxaana dadkaas kamid ah Cumar Cabdul Casiis oo ah weriye u qaabilsan muuqaallada oo fadhigiisu yahay Canada isla markaana ay saaxibo ahaayeen Khaashuqji.

    "Uma maleynayo in dhaxal sugaha Sucuudiga in uu wajahi doono booliska caalamiga ah ee Interpol si ay u xiraan gaar ahaan marka uu ka degayo dalal kale ama in loo gacan gelin doono maxkamadda Hague, Turkiga ama Mareykanka, arrintaasina weligeed ma dhici doonto" ayuu yiri Fogel.

    Dowladda Mareykanka ayaa shaley shaaca ka qaaday inay cunaqabateyn kusoo roogtay tiro kamid ah mas'uuliyiinta boqortooyada Sucuudiga kadib markii sirddoonka Mareykanka uu helay warbixin sheegeyso in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii weriyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Kaashuqji.

    Khaashuqji ayaa sanadkii 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

  6. War deg deg ah, Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

    Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa saaka ku dhintay qarax miino oo qabsaday gaariga taliye ku xigeenka ciidanka milatariga Soomaaliya Janaraal Cabaas Amiin oo marayay waddada isku xirta isgoyska KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

    Dhawr qof oo kale ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

    Isla magaalada Muqdishana qarax kale oo ah nooca waddooyinka hareerahooda la dhigo ayaa lagu weerarray kolonyo ay la socdeen guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo saraakiil boolis ah.

    Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa BBC-da u sheegay in dhamaan dadkii kolonyada la socday ay badqabaan isla markaana aanu jirin wax khasaare ah oo qaraxan dambe uu dhaliyay.

  7. Maxaad ka ogtahay harada ay daadsan yihiin lafaha banii'aadanka?

    Harada Roopkund

    Xigashada Sawirka, ATISH WAGHWASE

    Qoraalka sawirka, Harada Roopkund

    Meel u dhaw dhulka sare ee buuraha Himalayas ee dalka Hindiya waxaa ku taalla haro ay daadsan yihiin kumanaan lafaha banii'aadanka.

    Haradan oo lagu magacaabo Roopkund ayaa dhacdaa gobolka Uttarakhand ee Hindiya.

    Haradan waxaa sanadkii 1942-dii ogaaday nin ka tirsanaa ciidamada ilaalada keymaha oo u dhashay Ingiriiska kaas oo howlgal ka sameynayay deegaankaas.

    In ka badan nus qarni khuburrada waxay daraasad ku sameeyeen haraagaas.

    Waxaana booqasho halkaas ku tagey dalxiisayaal iyo seynisyahano, inta badan harada waxaa daboolaa barafka, xilliyada qaboobaha oo kaliya ah ayaa la arkaa lafaha banii'aadanka ee daadsan halkaas.

    Waxaana la sheegay in qiyaas ahaan 600-800 qof ay ku dhinteen halkaas, dowladda hoose iyo waaxda dalxiiska dalkaas waxay ku tilmaantay "Harada aan waxbo laga ogeyn"

    Lafaha banii'aadanka ee daadsan harada

    Xigashada Sawirka, HIMADRI SINHA ROY

    Qoraalka sawirka, Lafaha banii'aadanka ee daadsan harada

    Warar hore ayaa sheegayay in lafahan ay yihiin meydka boqor Hindi ahaa, xaaskiisa iyo dad kale oo ka ag dhawaa kuwaas oo ay dishay duufaan 87 sano ka hor.

    Halka dad kale ay sheegayaan inay ahaayeen meydadka ciidamo Hindi ahaa oo isku dayay inay weerar ku qaadana Tibet sanadkii 1841 kuwaas oo cagta la mariyay.

    Sidoo kale waxaa jiray warar sheegayo in harada ay aheyd qabuuro lagu aaso dadka u dhinta cudurrada safmarka ah.

  8. Biden oo la filayo in uu ka hadlo warbixinta ku saabsan dilka Khaashuqji iyo Sucuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, BBC / GETTY IMAGES

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Isniinta maamulkiisa uu ka hadli doono xaaladda Sucuudiga kadib warbixintii ay soo saareen sirddoonka Mareykanka ee ku saabsaneyd in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii u dhashay Jamaal Khaashuqji.

    Markii Biden wax laga weyddiyay ,su'aasha ku saabsan in tallaabo laga qaadi doono Maxamed Bin Salmaan iyo in kale, wuxuu ku jawaabay "In Isniinta ay war kasoo saari doonaan waxa laga yeelayo Sucuudiga"

    Joe Biden wax faahfaahin ah kama uusan bixin waxyaabaha ay ka hadli doonaan ee ku aadan dilka Kaashuuqji.

    Shaley ayay aheyd sirdoonka Mareykanka uu sheegay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

    Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysay in amiirka uu ansixiyay qorshada in "la soo qabto ama la dilo" weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

  9. Sucuudiga oo ka hadlay weerar lala damacsanaa caasimadda

    .

    Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gantaal oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyaad.

    Waxay ku eedeysay weerarkaas fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen.

    Warbixinno lagu baahiyey telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin oo bambooyin lagu soo rakibay oo ku wajahnaa magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga isla markaana ay burburiyeen.

    Ilaa hadda lama soo tebin khasaare nafeed iyo mid maalba oo ka dhashay weerarkaasi.

    Waxaa sare u kacay weerarada Sucuudiga uga imaanayo dhinaca Xudduudda Yemen xilli Sucuudiga uu hoggaaminayo howlgallada ka dhanka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran.

    Bishan ayay aheyd markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay in Mareykanka uu hakin doono tageeri uu siin jiray dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudiga ee Yemen.

  10. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.