Wararkii ugu dambeeyey Ciyaaraha gobollada ee ka socda dowlad deegaanka Soomaalida

Xigashada Sawirka, SRTV
Ciyaarihi kubadda cagta ee Gobollada iyo ismaamullada magaalooyinka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa weli halkoodi ka socda.
Waxaana maanta dhacay ciyaara aad u xiisa badnaa inkasta oo Koox kasta ay nasiibkeeda garoonka kala baxday.
Ciyaarti ugu horreysay galabta waxay dhex martay kooxaha Gobolka Liibaan iyo Ismaamulka Magaalada Qabri-bayax, ciyaartaasi oo ku soo dhammaatay 3- 2 oo ay guusha ku raacday Ismaamulka Magaalada Qabri-baxay.
Ciyaarti xigtayna waxay dhex martay kooxaha Gobolka Shabeelle iyo Gobolka Jarar, waxayna ciyaartaasi ku dhammaatay 3-2, waxayna guusha sidaa ku raacday raacday Gobolka Shabeelle.
Balse afartaasi Koxood oo Groupka ay ku wada jireen waxaa ka soo baxay oo keli ah Gobolka Jarar halka ay galbadeen Gobollada Shabeelle, Liibaan iyo Ismaamulka magaalada Qabri-bayax.











