Dadkii caanka ahaa ee soo labokacleynta Covid-19 ugu geeriyooday Soomaaliya
Tabista Tooska ah
Tebin toos ah
Abdishakur Asowe
Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in labo toddobaad la xiro Iskuullada iyo Jaamacadaha
Xigashada Sawirka, RAADIYOOW MUQDISHO
Qoraalka sawirka, Arday fasal jaamacadeed ku jira (Sawir hore)
Kulan
ay yeesheen wasaaradaha ka howlgalaya labo kacleynta cudurka coronavirus iyo
maareynta faafiddiisa, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulanka
oo uu shir guddominayay ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka
Soomaaliya, ayaa lagu soo jeediyay qodobbo ay ka mid yihiin, in warshad sameysa
qalabka dadka ka caawiya neefta laga dalbo dalka Turkiga, iyadoo wasaaradda
maaliyadda ay la kaashaneyso safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga.
Qodobbada
kale ee la soo jeediyay ayaa waxaa ka mid ah, in Iskuullada iyo jaamacadaha la xiro 2
toddobaad iyo in shirarka guud ahaan ay ka dhacaan aaladda fogaan aragga ah ee
Zoom-ka.
Wasaaradaha
Awqaafta, warfaafinta iyo gobolka Banaadir ayaa iyaguna loogu baaqay in ay sii
laba jibbaaraan wacyigelinta laba kacleynta Caabuqa, xilli dadka uu soo ridanayo cudurka ay sii kordheyso.
Gabaabsi laga soo sheegayo qalabka neefsiga dadka ka caawiya ee Soomaaliya
Dadka u dhimanaya Feyraska Corona, ayaa la sheegay inay ku sii
kordhayaan dalka Soomaaliya, iyadoo dhimashada dadkaasi ay u badan yihiin
caasimadda Muqdisho.
Waxaa sidoo kale, gabaabsi laga soo sheegayaa qalabka neefsiga
ka caawiya bukaannada feyraska uu soo rito.
Agaasimaha isbataalka
Martiini, De Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, ayaa BBC-da uga waramay
arintaas.
Qoraalka Codka, Cisbitaalka Martiini
James Swan: Heshiiskii 17-ka September ayaa ah wadiiqada ugu macquulsan ee doorasho lagu qaban kara
Xigashada Sawirka, UN
Qoraalka sawirka, James Swan
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in qaabka ugu habboon ee Soomaaliya si deg deg ay u qaban karta doorasho ay tahay dhameystirka heshiiskii 17- Ka September ee madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ku gaareen magaalada Muqdisho.
"Waxay taasi( heshiiska September 17) yareyneysaa dib u dhac hor leh uu ku yimaada xilliga kala guurka afartii sanaba mar la qabto", ayuu yiri Jamaes Swan oo maanta xaaladda Soomaaliya warbixin ka siinyay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay.
Swan ayaa sidoo kale Golaha u sheegay in looga baahan yahay hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan wadahadalka.
Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub
Xigashada Sawirka, PSH
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada magaalada Garoowe Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez, ayna ka midyihiin Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland.
Kulanka oo ay Deni kala qeyb galeen Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa kusoo aadday xilli madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ka baaqday shirka Muqdisho uga furmay madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo sidoo kale uu ka maqan yahay madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.
Safiirkii waddanka Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Confo ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bariga dalkaas, sida sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga.
Luca Attanasio ayaa maanta oo Isniin ah ku dhintay Isbitaal la dhigay kaddib markii kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ah oo uu ku safrayay lagu weeraray meel u dhow magaalada Goma, sida lagu sheegay bayaan.
Kolonyada ayaa lagu soo warramay in ay lahayd hayadda Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loosoo gaabiyo WFP.
Askari boolis ah oo u dhashay Talyaaniga oo la safrayay kolonyada iyo qof kale oo saddexaad ayaa lasoo tabiyay in sidoo kale halkaas lagu dilay.
"Waxaa murugo leh in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xaqiijineyso geerida maanta magaalada Goma ku haleeshay safiirkii Talyaaniga," ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxat wasaaradda.
Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa isku day afduub, sida ay ku warrameen saraakiil ku sugnaa meel halkaas u dhow oo xero xayawaannada lagu xannaaneeyo ah.
Kooxo hubeysan ayaa lagu yaqaannaa in ay weerarro ka fuliyaan aaggaas oo ku dhow xuduudda dalka Congo uu la wadaago waddamada Rwanda iyo Uganda.
Maleyshiyaad ayaa sidoo kale joogto ugu dagaallama bariga waddanka, halkaasoo ciidamo badan oo Qaramada Midoobay ka socda ay isku dayayaan inay nabad ka abuuraan.
Villa Somalia oo baaq u dirtay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe
Xigashada Sawirka, JSH
War kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxweyneyaash Puntland iyo Jubaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) looga codsaday in ay ka qeyb galaan shirka madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada uga socda magaalada Muqdisho.
Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada ayaa lagu yidhi:
"Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas."
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku gacan seyray in
ay qeyb ka noqdaan shirkaas.
Jubaland ayaa ka qeyb galka shuruud uga dhigtay in dowladda
federaalka ay raalligelin ka bixiso dhacdooyinkii 19-kii bishan ka dhashay
Muqdisho iyo in ay ballan qaaddo in la hirgelin doono qodobbada kasoo baxa
shirka.
Hase yeeshee madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uusan
Muqdisho u tagi doonin sababo la xiriira inuu amnigiisa u baqayo.
Labada maamul goboleedba waxay sheegeen in aysan aqoonsaneyn
dowladda tan iyo markii uu waqtigeeda dhammaaday.
Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar
sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan
madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn
doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay
doorashadu dhici doonto.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan Golaha Musharraxiinta madaxweynaha ayaa shir jaraa'id oo ay golahaas ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay in beesha caalamka ay garab taagan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
"Annaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku baddalno, cid kale oo aan isku halleyneyno ma jirto oo annaga aan ahayn. Beesha caalamka iskuma halleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday, waxaad aragtayna sameeyay, cidda wali la shireysa oo mas'uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka." Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdisakuur.
Siyaasigan ka tirsan mucaaradka ayaa sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray madaxweynaha.
Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen
inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu
xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og
yahay oo ay doorashadu dhici doonto.
Musharraxiinta mucaaradka oo ku dhawaaqay mudaharaad kale
Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Golaha Musharraxiinta Mucaaradka, oo goor dhaweyd shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iclaamiyay mudaharaad kale oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cadullaahi Farmaajo.
Dibadbaxan ayey sheegeen in ay maalinta Jimcada, 26, Februaty, 2021, ku qaban doonaan Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Jimcadii lasoo dhaafay, 19,February, 2021, ayuu Daljirka Dahsoon ka qabsoomi waayay bannaanbaxii ay Musharraxiinta Mucaaradka qorsheeyeen, hase yeeshee waxaa meelo kale oo isla magaalada ah la dhacay mudaharaad ravshado dhaliyay.
Qaar ka mid ah musharraxiinta ayaa la arkayay iyagoo hor kacaya dibadbaxayaal, iyagoo markaas kaddibna rasaas lagu kala eryay.
Arday qalinjabineysay oo lagu laayay Tigray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Weerar ay rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin ku qaadeen bas rakaab ah ayaa lagu dilay ugu yaraan lix arday oo qalinjabineysay, gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itioobiya, sida ay ku warrameen dad ka badbaaday dhacdadaas.
Waa taallaabo kale oo muujineysa xad-gudubyada kasii socda gobolkaas in ka badan labo bilood kaddib markii ay dowladda federaalka Itoobiya ku dhawaacday in lasoo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay ciidamadooda iyo xoogagga TPLF.
Weerarka ayaa ka dhacay meel lagu magacaabo Adi Mesno; halkaasoo uu marayay baska ay la socdeen 41 ruux oo isugu jiray rag iyo dumar, sida uu sheegay qof badbaaday oo la hadlay BBC-da.
Wuxuu intaas ku daray in dhowr jeer la istaajiyay intii ay safarka kusoo jireen, iyo in uu dagaal dhex maray askartii militariga ee ardayda galbineysay iyo kooxda weerarka geysatay.
Abreheley Addisu, oo ah madaxweynaha Golaha ardayda ee Jaamacadda Maqalle, ayaa BBC-da u xaqiijiyay weerarkaas, isagoo sheegay in lasoo gaarsiiyay warka sheegaya in lix arday lagu dilay goobtaas.
Maamulaha Isbitaal ku yaalla gobolka Amhara ee dhinaca koonfureed daris kala ah Tigray, oo la geeyay qaar ka mid ah ardayda dhaawaca ah, ayaa BBC-da u sheegay in arday ka baxay 12 oo dhaawacyo rasaas ah qaba la geeyay isbitaalkaas.
Kassahun Addisu oo madax ka ah isbitaalka Qobo ayaa intaas ku daray in dhaawacyada dhammaantood ay yihiin kuwo sahlan.
Ardayda ayaa guryahooda dib ugu laabanayay kaddib markii ay ka qeyb galeen xafladda qalinjabintooda ee ka dhacday caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle.
Dambi baarista Kenya oo sheegay inay qabteen labo nin iyo hub
Taliska ciidamada Dambi Baariska dalka Kenya ayaa boggooda Facebook ku shaaciyay in xalay ay gacanta ku dhigeen labo nin, hub iyo gaari ay wateen.
Howl-galkan ayaa ka dhacay magaalada Isiolo.
Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayey magacyadooda ku kala sheegeen Cabi Fataax Ibraahim iyo Yuusuf Maxamed.
"Baaritaan ayaa lagu wadaa labada la tuhunsane, waxaana kiiskooda gacata ku haya laamaha burburinta bambooyinka iyo la dagaallanka argagixisada ee booliska," ayaa lagu yidhi qoraalka lasoo dhigay Facebook.
Taliska Dambi baarista ayaa sheegay in ciidan joogay waddo ay ka shakiyeen labo gaari oo noocoodu yahay Toyita Probox, markii ay damceen in ay istaajiyaanna ay ka carareen.
Waxay intaas ku dareen in ay rasaas soo fureen dadkii saarnaa gawaarida laga shakiyay, ciidankuna ay rasaas ugu jawaabeen, ugu dambeynna labo nin oo mid ka miod ah gawaarida saarnaa is dhiibeen, halka gaarigii kalena ay u suuragashay in uu baxsado.
Dadkii caanka ahaa ee soo labokacleynta Covid-19 ugu geeriyooday Soomaaliya
Article Information
Author, Ibrahim Aden
Role, BBC Africa, Mogadishu
Xigashada Sawirka, SNTV/HIIRAAN
Saameyn weyn oo ka dhalatay mowjad labaad oo cudurka Covid-19 ah ayaa muddooyinkan ka jirtay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saartay talooyin ay ka mid tahay in maaskarada wajiga la xirto si loo yareeyo faafitaanka cudurka oo galaaftay nolosha dad badan.
Waxa uu ka mid ahaa ganacsatada magaca ku leh Soomaalida. Alle ha u naxariistee, wuxuu ahaa milkiilaha Hoteellada caanka ah ee Lafweyn iyo Ambassador ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa culimada Soomaalida ee dadaalka ku bixiyay xoojinta diinta Islaamka.
Xaaji Daa'uud waxa uu sanadkii 1942-kii ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee goibolka Hiiraan.
Alle ha u naxariistee, Nakruuma waxay ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayey u qaxday dalka dibaddiisa, hase yeeshee waxay dib u soo laabatay sanadkii 2018-kii, tan iyo xilligaasna waxay ku sugneyd Muqdisho.
3- Sheekh Nuur Baaruud Gurxan
16-kii bishan February ayuu Sheekh Nuur Baaruud Gurxan cudurka Covid-19 ee soo labokacleeyay ugu geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay sidoo kale ku wada geeriyoodeen Xaaji Daa'uud iyo Faadumo Nakruuma.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
War-saxaafadeed shalay kasoo baxay Kismaayo ayaa lagu sheegay in Jubaland aysan shirikaas ka qeyb geli doonin ilaa ay dowladda federaalka raalligelin ka bixiso waxa ay ku tilmaantay "tallaabada gurucan ay u geysatay muwaadiniinta" iyo in la helo damaanad-qaad ku aadan fullinta natiijada shirka.
Maalintii Jimcada ayuu magaalada Muqdisho ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay laamaha amniga iyo mudaharaadeyaal doonayay in uu madaxweynaha xafiiska ka tago.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar madaxweynaha u oggolaanaya in uu xilka sii hayo ilaa inta laga soo dooranayo madaxweynihii beddali lahaa.
Geri dabar go' halis ugu jira oo ay koronto ku leysay Kenya
Mas'uuliyiinta Kenya ayaa xaqiijiyay warar sheegaya in labo geri ay koronto ku dishay kaddib markii ay taabteen fiilooyin dab wada oo heer hoose jooga.
Xayawaannadan ayaa ku naf waayay xerada xayawaanka lagu xannaaneeyo ee Soyasanbu.
Gerigan oo noocoodu yahay Rothschild ayaa ah kuwa halista ugu badan ugu jira in ay dabar go'aan. Dhowr boqol oo kaliya dunida oo dhan ka jooga geriga noocan ah.
Laanta ilaalada duur joogta ee Kenya (KWS) ayaa ka fal celisay Twitter ay sawirrada labada geri ee korontadu dishay soo gelisay Paula Kahumbu.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Ms Kahumbu ayaa sheegtay in dhimashada labada xayawaankaas laga hortagi karay haddii talada khubarada la raaci lahaa.
Saraakiisha KWS ayaa sheegay in mas'uuliyiinta shirkadda korontada ee ay dowladdu leedahay ay ballan qaadeen in ay baddali doonaan fiilooyinkaas.
Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Isniin ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo gobolka.