Gabaabsi laga soo sheegayo qalabka neefsiga dadka ka caawiya ee Soomaaliya
Dadka u
dhimanaya Feyraska Corona, ayaa la sheegay inay ku sii kordhayaan dalka
Soomaaliya, iyadoo dhimashada dadkaasi ay u badan yihiin caasimadda Muqdisho.
Waxaa sidoo kale, gabaabsi laga soo sheegayaa qalabka neefsiga ka caawiya bukaannada feyraska uu soo rito.
Agaasimaha isbataalka Martiini, De Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, ayaa BBC-da uga waramay arintaas.
Qoraalka Codka, Cisbitaalka Martiini
Tirada dadka uu soo ridanayo Covid-19 ee Soomaaliya oo korortay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaal Martiini
Wasaaradda
caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu
danbeeyay cudurka Covid-19, guud ahaan dalka laga baaray dad gaaraya 637 qof,
waxaana laga helay 127 qof oo isugu jira gobolka Banaadir oo keliya oo laga
helay 126-qof, halka qofka kale ee laga helayna uu joogo deegaannada maamulka Hir
Shabeelle.
Dadkaas cudurka laga helay 73 qof waa rag,
54-ta kalana waa dumar. Waxaana cudurka u dhintay 24-kii saac ee la soo dhaafay
9 qof.
Dhanka kale dalka Jabuuti ayaa Iyana 24-kii saac ee u danbeeyay laga baaray cudurka dad gaaraya 285 qof, waxaana laga helay 25 qof.
Tirada guud ee Soomaaliya cudurka laga
helay ayaa ilaa iyo hadda ah 5,500, waxaana cudurka u dhintay 3,750 qof.
UK oo oggolaatay in si ula kac ah dad loo qaadsiiyo Covid-19
Xigashada Sawirka, Getty Images
Britain ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay dunida ee
oggolaada in si ula kac ah dad mutadawiciin ah loo qaadsiiyo Coronavirus, si
loo horumariyo baaritaanka caafimaad ee xanuunka safmarka ah.
Tijaabada, oo lagu wado inay bilaabato toddobaadyada soo
socda, ayaa waxaa lagu sameyn doonaa sagaashan dad is xilqaamay oo lacag la
siiyay, isla markaana caafimaad qaba, da’dooduna ay u dhaxayso 18-30-sano,
kuwaas oo la qaadsiin doono Covid-19, iyagoona la geyn doono meel la
ilaalinayo.
Daraasadda ayaa looga gol leeyahay in lagu ogaado inta ugu
yar ee fayraska ah ee caabuq sababi kara. Xoghayaha Ganacsiga Britain Kwasi
Kwarteng, ayaa sheegay in daraasadda ay gacan ka geysan doonto helitaanka
tallaalka ugu fiican uguna waxtarka badan ee muddo dheer la isticmaali karo.
Arintan ayaa dhaqaatiirta u sahli doonta in ay wax badan ka
fahmaan Covid-19, iyo cudurka uu sababi karo feyraska, taas oo keeni karta in la
hormariyo tallaalada iyo dawooyinka cudurkan.
UK, ayaa tallaalka Covid-19 ku mudday in ka badan 15 milyan
oo qof.
Hargeysa oo la sheegay in ay soo gashay lacag been abuur ah
Qoraalka sawirka, Suuqa sarifka ee Hargeysa
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in lacag
been abuur ah oo doollarka maraykanka ah ay magaalada soo gashay, taasoo
mishiinnada lagu ogaado lacagaha aysan qaarkood qaban karin.
Lacagtaas ayaa lagu sheegay in ay tahay qeyb ka mid ah 50-ka
doollar oo mid aad ugu eg la soo saaray, iyadoo sarriflayaasha lacagta ay
sheegayaan in ay soo baxday sanadkii 2013-kii, taas oo keentay in la isku qaldo
labada lacag.
Sarriflayaasha, ayaa sheegaya in ay iyagu kala garan karaan
lacagaha midda saxda ah iyo tan kale, balse bulshada iyo ganacsatada magaalada
ayaa dhib weyn ku qaba lacagtaas, taas oo sababtay in ganacsatada ay gebi
ahaanba iska diidaan in ay qaataan lacagta 50-ka dollar ah.
Arintan ayaa saameyn ku
yeelatay dadka heysta lacagta 50-ka doollar, maadaama aysan helleynin meel ay
ku sarrifan karaan ama goob ay wax uga iibsadaanba. Maamulka Bangiga dhexe ee
Soomaaliland oo ay BBC-du la hadahay ayaa xaqiijiyay in ay iyagu qudhoodu
hayaan lacagtan been abuurka ah, balse ay xog faahfaahsan dib ka soo saari
doonaan.
Beesha Caalamka oo soo dhaweysay heshiiskii laga gaadhay khilaafka doorashada
Xigashada Sawirka, TQS
War-saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxday shirkii ay magaalada Baydhabo ku yeesheen Guddiga Farsamo ee ku howlanaa xallinta khilaafka doorashada Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi: "Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.
"Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh."
Heshiiska kasoo baxay shirka Baydhabo ayaa horseedaya in hannaan loo sameeyo doorashada waqtigeeda ka habsaantay Soomaaliya, murankeeduna uu muddo dheer jiitamayay.
Markab dagaal oo uu Mareykanku leeyahay ayaa doon weyn oo shixnad hub sharci darro ah wadday ku qabtay biyaha caalamiga ah ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida ay shaaciyeen taliska ciidamada badda ee Mareykanka.
Hubkan waxaa isbuucii lasoo dhaafay lagu qabtay howlgal amni oo uu sameeyay markabka lagu magacaabo USS Winston S Churchill, laakiin waxaa warka lagu dhawaaqay shalay oo Talaadada ahayd.
Shixnadda hubka ah ayaa ka koobneyd kumannaan qori oo nooca AK-47 ah, qoryaha fud fudud ee darandoorriga u dhaca, qoryaha culus ee meelaha fog wax looga shiisho, qalabka gantaallada iyo banbooyinka lagu rido iyo hub kale oo noocyo kala duwan ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Ciidamada Badda ee Mareykanka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
"Howlgalladan waxay ka hor tageen qolyaha dambiileyaasha ah ee doonaya in ay kaalmadooda xun fidiyaan."
'Inaan guursaday nin naafo ah ayaan dhib kula kulmay'
Xigashada Sawirka, Susan Njogu Eling
Haweeney u dhalatay Kenya oo uu guursaday nin naafo ah oo u dhashay Australia ayaa BBC-da u sheegtay in dadka ay ku tilmaameen qof lacag darteed sidaas u sameysay, kaddib markii ay sawirradeeda soo galisay baraha bulshada.
Susan Njogu Eling ayaa sheegtay in dadku ay si kale u fasirteen jacaylka ay u qabto Philip Eling, iyagoo aan ogeyn in waligeedba ay caawin jirtay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Waxay u tagtay dalka Australia si ay uga barato la shaqeynta dadka naafada ah, iyadoo jaamacadda ka qaadatay shahaaha dibloomada oo ay markii dambe shaqo uga raadsatay shirkadda uu leeyahay Mr Elling.
Mr Eling ayaa ka codsaday in ay xiriir yeeshaan kaddib markii uu ka qaaday wareysiga shaqada, waxayna markii dambe noqdeen dad is jecel.
“Jacaylkeenna waa mid ka dhashay aragtidii ugu horreysay. Wax dhib ah kuma aanan qabin xaaladdiisa, sababtoo ah waxaan xiriir lasoo yeeshay dad badan oo naafo ah intii aan waxbarashada ku jiray," ayey tidhi.
Waxay ugu dambeyn sameysteen aroos sawirradiisa lagu shaaciyay baraha bulshada, dad badanna ay ka fal celiyeen.
"Dadku waxay sheegeen in sababta kaliya ee aan u guursaday ninkan ay tahay inaan lacagtiisa rabo, laakiin waxaad mooddaa inaan fal-celintaas ka filayay. Waan u diyaarsadaa hadal noocaasoo kale ah, wax dhib ahna iima geysanin. Waxaan ku qanacsanaa in midowgeenna uu ahaa mid uu Ilaah qorsheeyay," ayey tidhi.
Hadda oo ay u dabaaldagayaan sanad guuradii saddexaad ee arooskooda, Mrs Eling waxay sheegtay in ay aad isugu faraxsan yihiin.
Qoraalka sawirka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare
Warqad kasoo baxday Aqalka Sare ee federaalka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan loogu tilmaamay in heshiis laga gaadhay dhammaan qodobbadii muranku ka taagnaa ee doorashada Soomaaliya, kaasoo ay sheegeen Guddiga Farsampo ee shirka ku yeeshay magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in qodobka ku saabsan kuraasta gobollada iyo hannaanka doorashadooda uu yahay mid aan lagala tashanin siyaasiyiinta kasoo jeedda dhankaas, oo isagu uu ka mid yahay.
"Wax tixgelin ah lama siin dadka reer Waqooyi ee midnimada u taagan oo ma jirin cid na matasha oo nooga qeyb gashay dhammaan shirarkii looga hadlay masiirka dalka iyo doorashooyinka," ayaa lagu yidhi warqadda kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa go'aankan ku sheegay in siyaasiyiinta iyo dadka kasoo jeeda gobollada Waqooyi ay doonayaan in ay u madax bannaanaadaan hannaanka doorashada kuraasta gobolladooda ayna xaq u leeyihiin inay go'aan ka gaaraan halka ay ka dhaceyso.
Muranka doorashada Soomaaliya oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa guddiga farsamo ee loo saaray waxay sheegeen in heshiis laga gaadhay, waxa kaliya ee la sugayana ay tahay in ay saxiixaan madaxda qaranka.
Soomaalida la nool HIV/AIDS maxay u qarasaan ilaa heer dhimasho?
Article Information
Author, Abdishakur Asowe
Role, BBC Somali, Nairobi
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa soo noqnoqda cabashada ay dadka Soomaalida ah ee la nool xanuunka HIV/AIDS ka muujiyaan faquuq ay kala kulmaan bulshada inteeda kale.
Arrintaas waxay horseedday in dad badan oo cudurka qada ay go'aansadaan in aysan sheegin xaaladdooda, iyagoo sidaasna ku waaya daryeelkii caafimaad ee ay heli lahaayeen haddii ay iska warramaan.
Axmed Cabdullaahi Heybe, oo ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, wuxuu BBC-da u sheegay in HIV-AIDS la nool yahay muddo 14 sano ah. Wuxuu sameeyaa olole uu dadka xanuunka qaba ugu wacyi galiyo in ay bannaanka isagoo dhigaan. Laakiin wuxuu caqabad weyn kala kulma in dadka bukaannada ah ay wacyigalintiisa qaataan, iyagoo taas ka door bida "in ay dhintaan iyagoo is qarinaya".
Arrintaas ayuu u sababeeyay faquuq uu sheegay in bulshada ay ku sameeyaan dadka la xanuunsan cudurkaas.
"Takoorka aan la kulanno waxaa sabab u ah dadka oo aan wacyi galin la siinin. Aniga unbaa sanadkiiba mar istaaga oo dadka la hadla, laakiin kuwa cudurka la nool waxay igu dhahaan 'adigaa TV-ga iska muujiyay waxbana waa laguu qaban waayay ilaa hadda, sidaas darteed annagu isma sheegeyno', waxay ka baqayaan takoor maadaama aysan dowladduna adeegyo gaar ah u sameynin bukaannada HIV-AIDS qaba," ayuu yidhi Axmed.
Ninkan ayaa BBC-da u sheegay in uu ilaa 300 oo Soomaalida xanuunka la nool ah ka dhaadhiciyay in ay is sheegaan oo daawo loo billaabo.
Axmed ayaa sheegay in cudurka loo arko ceeb, cabsina laga qabo laakiin "haddii qofka uu daawo qaato uu la noolaan karo carruur caafimaad qabtana dhali karo".
Shaqaalaha Dowladda oo loogu baaqay inay guryaha ka shaqeeyaan
Article Information
Author, Ibrahim Aden
Role, BBC Africa, Mogadishu
Xigashada Sawirka, Wasaaradda Shaqada
Iyadoo la soo weriyay kororka
dadka uu ku dhacayo cudurka Covid-19 ee gudaha Soomaaliya ayaa la faray shaqaallaha
Hay’addaha Dowladda inay ka shaqeeyaan guryahooda intii ay tagi lahaayeen
xafiisyada.
War qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa
lagu sheegay kadib markii la arkay labo kaclaynta cudurka ee Soomaaliya ay
taasi keentay in la qaado talaabooyin dheeraada oo lagu xakamaynayo cudurka.
Agaasimayaasha iyo dadka kale
ee aan looga maarmin xafiisyada ayaa loogu baaqay inay xirtaan maaskaro iyo
inay ilaaliyaan kala fogaanshaha si looga baaqsado inuu cudurku faafo.
Soomaaliya ayaa sanadkii hore
markii cudurka COVID19 laga helay qaaday tallaabooyin lagu xakamaynayo
cudurka, balse markii dambe ee uu yaraaday ayaa dib loo qaaday xayiradahaasi.
Xigashada Sawirka, Wasaaradda Caafimaadka
Dawladda ayaa ku baaqday in dadku ay ka dhawrsadaan isu imaatinka, ayna xirtaan afka iyo sanka.
Bishan Febraayo waxa aad u kordhay tirada dadka uu ku dhacayo COVID19, iyadoo dhimashaduna korodhay.
Arday la la'yahay kaddib markii koox hubeysan ay weerareen School
Wararka ka imaanaya magaalada Kagara oo ku taalla waqootiga-dhexe ee dalka Nigeria ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dugsi sare oo wiilasha u gaar ah, ayna afduubteen arday aan wali la ogaanin tiradooda iyo shaqaale kale oo halkaas ka howl-galayay.
Sarkaal maxalli ah oo ku sugan iskuulkaas ayaa BBC-da u sheegay in dableydu ay xaruntaas waxbarasho weerareen aroornimadii hore ee maanta oo Arbaco ah.
Wuxuu intaas ku daray in ay qafaasheen tiro arday ah oo aan la cayimin, afar shaqaale iyo qoysaskooda.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa goobta ka baxsaday intii uu weerarka socday.
Mas'uuliyiita ayaa hadda ku mashquulsan tirinta ardayda iskuulkaas, si ay u xaqiijiyaan tirada la afduubtay, sida uu sarkaalka u sheegay BBC-da.
Wali ma cadda cidda weerarkaas fulisay, laakiin afduubka loo sameeyo madaxfurashada darteed ayaa caan ka ah dalka Nigeria.
Gobolka Niger oo iskuulkan uu ku yaallo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee afduubyada ay ka dhacaan.
Bishii December, in ka badan 300 oo arday wiilal ah ayaa laga afduubtay magaalada Kankara ee gobolka Katsina. Markii dambe waa la sii daayay kaddib wadaxaadood lala yeeshay kooxda qafaalatay.
Itoobiya oo shacabka uga digtay in ay qariyaan xubnaha Tigray ee baxsadka ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ayaa shacabka uga digay in ay gabaad siiyaan qof walba oo isku dayaya in uu gobolka xasiloonidiisa wax u dhimo.
Iyadoo ay iska muuqato in loola jeedo xubnaha xoogagga xisbiga tigray (TPLF) ee ay militarigu la dagaallamayeen tan iyo bishii November, waxaa shacabka reer Tigray lagu boorriyay in qofkii ay arkaan ay dowladda kusoo wareejiyaan ama ay iska fogeeyaan si aan laftooda loo bartilmaameedsanin.
Waxaa kale oo dadweynaha loogu baaqay in ay taageeraan maamulka gobolka loo sameeyay kaddib markii la afgambiyay maamulkii TPLF.
Wariyeyaasha ku sugan gobolka ayaa soo tabinaya in shacabka reer Tigray ay aad uga careysan yihiin go'aanka ay dowladda federaalku saraakiisheeda ugu magacowday xilalkii gobolka.
Isbuucii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegayay in ay mudaharaadyo ka dhaceen magaalooyin dhowr ah xilli ay booqanayeen wafdi nabadeed oo ka kooban hoggaamiye diimeedyo iyo orodyahanka caanka ah ee Itoobiya, Haile Gebrselassie.