Madaxweynaha Uganda oo haweeney uu horay ugu baroordiiqay moodayay inay wali nooshahay

Tabinta Tooska ah

Tebin toos ah

Abdishakur Asowe

  1. Madaxweynaha Uganda oo haweeney uu horay ugu baroordiiqay moodayay inay wali nooshahay

    Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni

    Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa wariyeyaasha waddankiisa ka yaabiyay kaddib markii uu shaaca ka qaaday filayay inay madaxtooyada imaato haweeney horay u geeriyootay oo uu dhimashadeedana ka tacsiyeeyay xilligaas.

    Museveni ayaa hilmaamay in haweeneydaas aysan nooleyn, wuxuuna moodayay in ay kasoo qeyb gali doonto munaasabad xus ah oo loo qabanayay seygeeda, Janani Luwum, oo ahaa baadari.

    Munaasabadda ayaa lagu xusayay 44 guuradii kasoo wareegtay geeridii baadarigaas oo ahaan jiray hoggaamiye diimeed caan ah.

    Mr Museveni ayaa sheegay in uusan ogeyn in Mary Luwum ay dhimatay, sidaas darteedna uu aaminsanaa in ay xafladda soo xaadiri doonto.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in Mr Museveni uu labo sano ka hor tacsi ka diray geerida Mrs Luwum, isagoo markaas sheegay in ay ahayd haweeney ku dayasho mudan.

    Baadari Luwum ayaa saameyn weyn ku lahaa Uganda intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1977-kii. Wuxuu horseed ka ahaa dhaliilaha loo jeedin jiray kalitaliskii hore ee dalkaas, Idi Amin, oo la sheegay in uu amar ku bixiyay dilkiisa.

    Uganda ayaa sanadkii 2015-kii maalin fasax ah u aasaastay si loogu maamuuso baadarigaas.

  2. Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo shirkadda ugu weyn isgaarsiinta oo heshiis galay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda isgaarsiinta dalka Itoobiya ee Ehtio telcom iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa magaalada Jigjiga ku kala saxiixday heshiis fududeynaya in isgaarsiinta casriga ah la geeyo meelo go'doon ka ah isgaarsiinta caadiga ah ee waddankaas.

    Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay tahay mashruuc ay ku doonayaan in deegaanno aan horay adeegga isgaarsiinta u heysanin fursad loo siiyo isticmaalka telefoonnada hadalka iyo waliba internet-ka.

    Wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo Dhismaha ee dowlad deegaanka Soomaalida, Dr Cabdifataax Sheekh Biixi, ayaa BBC-da u sheegay in ay rajo weyn ka qabaan heshiiskan.

    "Waxaan isugu nimid sidii loo xallin lahaa caqabadaha dhinaca isgaarsiinta ee 23 goobood oo ka mid ah dowlad deegaanka, una badan xarumo degmo oo 11-ka gobolba ka tirsan."

    Wuxuu intaas ku daray in hadda deegaannadaas si ku meel gaar ah loo geynayo qalab satellite-ka ku shaqeeya oo isgaarsiin ah, kaasoo suuragalinaya in lagu soo gudbiyo xaaldaha deg degga ah ee ku saabsan dhinaca amniga iyo caafimaadka.

  3. Saddex arrimood oo looga hadlayo shirka Baydhabo

    .

    Xigashada Sawirka, TQS

    Guddiga Farsamo ee uu Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya u xushay go'aan ka gaadhista khilaafka doorashada ayaa laga dhowrayaa in ay xal u helaan arrimo la isku mari waayay.

    Xubno ka tirsan wasiirrada shirka ku jira ayaa BBC-da u sheegay in kulankoodu uu wali socdo.

    Saddex qodob ayaa aasaas u ah arrimaha uu shirkan ku qotomo, kuwaasoo ah qodobbo kasoo laabtay shirkii 17-kii September, 2020 ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay heshiiska ku gaadheen madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

    Qodobadan waxay kala yihiin:

    1 - Muranka ka dhashay guddiyadii heer federaal iyo heer maamul goboleed.

    Mucaaradka ayaa ku dooday in Dowladda dhexe ay guddiga doorashada heerka federaalka u magacowday dad iyada taageersan.

    2 - Arrinta Gobolka Gedo, gaar ahaan doorashada degmada Garbahaarreey oo khilaaf weyn dhalisay.

    Shirka Baydhabo ayaa lasoo tabiyay in dooddiisa ay udub dhexaad u tahay arrinta Gedo.

    3- Murankii ka dhashay guddiga loo magacaabay xubnaha doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi ee Muqdisho ka dhaceysa.

    Dhammaan arrimahan ayaa ah kuwii ay isku mari waayeen hoggaamiyeyaashii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb ka dhacay horaantii bishan.

    Ma jirin jadwal loo sameeyay xilliga uu soconayo shirka Baydhabo, hase yeeshee waxaa suuragal ah in uu soo gabagaboobo ilaa galinka dambe ee maanta.

  4. Maxaa maanta laga filayaa Shirka ka socda Baydhabo?

      • Author, Abdishakur Asowe
      • Role, BBC Somali, Nairobi
    .

    Xigashada Sawirka, TQS

    Guddiga Farsamo ee ku sugan shirka maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ayey suuragal tahay in maanta ay ku dhawaaqaan go'aan ku saabsan arrimaha doorashada Soomaaliya, sida uu bidhaamiyay wasiirka Dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,Saalax Axmed Jaamac.

    Shir jaraa'id oo uu wasiirka ku qabtay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in shirkooda uu socon doono "ilaa saqda dhexe ee habeennimo kaddib, maantana ay dib usii wadayaan.

    "Guddoon iyo guddi baan yeelannay, si wada oggol ah oo isu tanaasul ku dhisan ayaan go'aamadeenna u gaadheynaa, shaqadana ilaa hadda si wadajir ah baan u wada wadnaa.

    "Caawa ilaa kowda inaan shaqeyno ayaan rabnaa iyo barriba, waxaana ku rajo weyn nahay in ay howshu naga soo dhamaato oo dalkan uu doorasho wanaagsan oo si naad ah ku dhacda galo," ayuu yidhi wasiirka.

    Hadalkiisa ayaa laga dheehan karay in shirka uu yahay mid maanta laga filan karo go'aan.

    Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

  5. Nigeria oo digniin culus kasoo saartay cudurka Ebola

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Howl-wadeennada caafimaadka ee dalka Nigeria ayaa heegan sare la galiyay kaddib markii waddanka Guinea laga soo tabiyay soo labo kacleynta cudurka dilaaga ah ee Ebola.

    Wasiirka Caafimaadka, Osagie Ehanire, ayaa sheegay in ay il gaar ah ku hayaan dhammaan xuduudaha laga soo galo dalka Nigeria si ay ula tacaalaan dadka lagu tuhmo in ay cudurka qabaan, sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah.

    Wuxuu wasiirku sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay dad is xilqaamay ugu tiri lahaayeen Hayada Caafimaadka Aduunka, si ay uga caawiyaan dadaallada lagu xakameynayo fiditaanka cudurka ee gudaha dalka Guinea.

    Intaas wuxuu ku sii daray in ay la socdaan wararka ku saabsan halka ay kiisaska marayaan, ayna walaac ka qabaan.

    Mas'uuliyiinta Guinea ayaa xaqiijiyay dhimashadii afaraad oo lala xiriiriyay Ebola.

    Intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016 Ebola wuxuu Galbeedka Afrika ku dilay dad ka badan 11,000 oo ruux.

  6. Mareykanka oo ka carooday weerar lala beegsaday saldhig uu ku leeyahay Ciraaq

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Dowladda Mareykanka ayaa ku gooddisay in ay "la xitaabtami doonto dadka mas'uulka ka ah" weerar loo adeegsaday gantaallo oo Isniinrtii lagu qaaday gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, kaasoo lagu dilay qandaraasle rayid ah.

    Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo shan qandaraasle oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Irbil, oo uu ku yaallo saldhig ay isticmaalaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka.

    Bayaan uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay "ka carootay" weerarkaas.

    Koox aan horay loo sii aqoonin Iiraan gacan saar la leh ayaa sheegatay in ay weerarkaas fulisay.

    Qandaraasleyaasha dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa lasoo tabiyay in ay dhammaantood yihiin ajaanib.

    Mas'uuliyiinta maxalliga ah ee Kurdiyiinta ayaa sheegay in saddex ruux oo kale lagu dhaawacay gantaallada ku dhacay gudaha magaalada Irbil, mid ka mid ahna uu dhaawiciisa halis yahay.

    Garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ayaa la xiray markii uu weerarka dhacay kaddib.

    Madaxweynaha Ciraaq, Barham Salih ayaa sheegay in waxa dhacay uu ahaa "weerar argagixiso oo ay dambiileyaal geysteen", wuxuuna ka digay "in xaaladdu ay gaarto meel halis ah" haddii gobolkaas uu qalalaasaha kasii socdo.

    Waxaa la aaminsan yahay in weerarkan uu yahay kii ugu horreeyay ee reer Galbeedka lagu beegsado tan iyo markii uu bishii lasoo dhaafay xilka qabtay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

  7. Dad badan oo ku dhintay doon qallibantay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda Congo ayaa sheegay in dad ka badan 60 qof ay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen ay ku qallibantay Wabiga Congo.

    300 oo ruux ayaa laga soo badbaadiyay shilkaas balse waxaa suuragal ah in aan wali laga warqabin xaaladda 200 oo kale.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in doonta ay ku dhacday dhagax iyadoo mareysa wabiga ku yaalla bariga caasimadda Kinshasa, maadaama ay safreysay xilli habeen ah oo ay mamnuuc tahay in ay doomaha socdaan.

    Wasiirka arrimaha bani'aadannimada ee Congo, Steve Mbikayi, ayaa dalbaday in la maxkamadeeyo dadka mas'uulka ka ah shilkaas.

    Bartiisa Twitter-ka ayuu kusoo qoray: "Doon buux dhaaftay oo habeennimo safrineysay 700 oo rakaab ah ayaa qallibantay! 60 meyd ayaa durba la helay halka 300 ay badbaadeen! Waan u tacsiyeyneynaa qoysaska ay dadka ka dhinteenwaxaana dalbaneynaa in cunaqabateyn lagu soo rogo dadka arrintan mas'uulka ka ah ee ku jira waaxda gaadiidka."

    Waddooyinka dalka Congo ayaa aad u yar inta badan dadkana waxay ku socdaalaan wabiga.