Militariga Myanmar oo xiray khadkii internet-ka ee dalkaas
Saraakiisha militariga ee Myanmar ayaa xiray khadka internet-ka ee dalkaas kaddib markii kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen mudaharaadkii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo afgambigii Isniintii dhacay.
Dadka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Yangon, ayaa ku dhawaaqayey “kaligii-taliska militarigu, ka dhoco, ha dhoco; dimuqraadiyaddu, ha guulaysato, ha guulaysato”.
Booliiska rabshadaha ka hor taga ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee dhex mara bartamaha magaalada.
Xiritaanka internet-ka ayaa yimid saacado uun kaddib markii militarigu ay xireen baraha ay bulshadu kuwada xiriirto ee Twitter iyo Instagram si dadka looga joojiyo in ay is abaabulaan. Facebook-ga ayaa asna la mamnuucay maalin ka hor.