Madaxweyne Farmaajo: Faragelin shisheeye ayaa ku badan arrimaha doorashada
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Militariga Myanmar oo xiray khadkii internet-ka ee dalkaas
Xigashada Sawirka, Reuters
Saraakiisha militariga ee Myanmar ayaa xiray khadka internet-ka ee
dalkaas kaddib markii kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen mudaharaadkii ugu
ballaarnaa ee looga soo horjeedo afgambigii Isniintii dhacay.
Dadka
isugu soo baxay waddooyinka magaalada Yangon, ayaa ku dhawaaqayey “kaligii-taliska
militarigu, ka dhoco, ha dhoco; dimuqraadiyaddu, ha guulaysato, ha guulaysato”.
Booliiska
rabshadaha ka hor taga ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee dhex mara bartamaha
magaalada.
Xiritaanka
internet-ka ayaa yimid saacado uun kaddib markii militarigu ay xireen baraha ay
bulshadu kuwada xiriirto ee Twitter iyo Instagram si dadka looga joojiyo in ay
is abaabulaan. Facebook-ga ayaa asna la mamnuucay maalin ka hor.
Joe Biden: Trump laguma aamini karo warbixinnada sirdoonku ay bixiyaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa sheegay in
madaxweynihii xilka uga horreeyey ee Donald Trump ay habboon tahay in aanu
helin warbixinnada sirdoonka ee dalkaas “habdhaqankiisa oo xun" awgiis.
Dalka Maraykanka ayaa waxaa caado ka ah in Madaxweyneyaashii
hore la siiyo xog iyo warbixinno dhanka sirdoonka ah oo la xiriira ammaanka
dalka.
Hase ahaatee madaxweyne Biden oo ka jawaabayey su’aal ay
waydiisay warbaahinta CBS News oo ahayd in Donald Trump uu heli doono
warbixinnadaas iyo in kale ayuu ku jawaabay: ”u malayn mayo”. Wuxuuna intaas ku
daray in “Habdhaqanka Trump” awgiis aan lagu aamini Karin xogta sirta ah ee
qaranka.
Maraykanka oo liiska argagixisada ka saaray Xuutiyiinta Yemen
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, bbc
Dowladda
Maraykanka ayaa ka laabatay go’aankeedii ay horay ‘’liiska aragagixisada’’ ugu
dartay kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen.
Maraykanka ayaa sheegay in arrintaasi ay xayiraadda ka qaadayso
dalkaas si loo gaarsiiyo gargaarka bini’aadanimo.
Dhinacayada ku dagaallamaya dalka Yemen ayaa soo dhaweeyey
tallaabada madaxweyne Biden oo ay ku tilmaameen mid gacan ka geysanaysa
nabadda.
Dagaalka dalka Yemen ee halkaa ka socday ku dhawaad lixda sano
ayaa waxaa ku dhintay kumaaan qof halka malaayiin kalena ay ku barakaceen,
arrintaas oo Qaramad Midoobay ay ku tilmaantay xaaladdii bini’aadanimo ee ugu
xumayd caalamka oo idil.
Jamaacadda dalka Jabuuti ayaa maanta laga xusay 20 sano guuradi kaso waregtay marki la asaasay.
Waxaana ka qaybgalay munaasabadda xuska tiro mas'uuliyiin ka socotay jaamacadaha Geeska Afrika.
Halkan ka dhageyso warbixinta weriye Maxamuud Cismaan Bulxan.
Qoraalka Codka, Jaamacadda Jabuuti
Madaxweyne Farmaajo: Faragelin shisheeye ayaa ku badan arrimaha doorashada
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in faragelin shisheeye ay harreysay arrimaha doorashada taasina ay horseeday in xaaladda ay sii cakirnaato.
"Waxaan idiin sheegayaa arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya ay ku jirto waxaa ku jiraa faragelin shisheeye, aniga marna ma oranayo hebel iyo gobol hebel yaa faragelinta ku badan tahay ama ka yartahay laakiin xaqiiqada jirta taas weeye oo aad moodeyso in aysan waxbo noogu hagaageyn"
Wuxuu sidoo kale sheegay inay qaban doonaan kulamo kale oo looga hadlayo khilaafka doorashada.
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay xilli maanta uu la hadlayay Golaha Shacabka uu uga warbixinayay khilaafka ku aadan arrimaha doorashada.
War deg deg ah, Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay in uu la hadlo baarlamaanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baarlamaanka warbixin ka siinayaa ismari-waaga harreeyay doorashada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dowladda ay sameysay tanaasul si heshiis looga gaaro hanaanka doorashada.
Wuxuu sidoo ka dhawaajiyay in dowladda ay diyaar u tahay dhaqan gelinta heshiiskii bishii September ay wada gaareen Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.
“Waxaa laga hadlayaa waa doorasho goormaa la
qabanayaa halka looma fadhiyo muddo kororsi wax la yiraahdo”
“Ajanadaha maanta waxaa waaye qodobka 90 ee
dastuurka kumeel gaarka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya
wuxuu u ogolaanayaa Golaha Shacabka mar walbo in uu la hadli karo”
Wuxuu dhanka kale sheegay in kulanka maanta uusan aheyn mid wadajir ah balse madaxweynaha uu la hadli xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa ismari-waaga ku saabsan doorashada.
"Golaha Shacabka diyaar uma aha khilaafka in uu kamid noqdo wuxuu diyaar u yahay xalka mar walbo in uu qeyb ka ahaado"
“Seddaxdan arrimood midkood ayaa Farmaajo maanta la gudboon”
MadaxweynahaSoomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad
ka hor jeediya golaha shacabka xilli uu fashilmay shirkii Dhuusamareeb uu kula
lahaa madaxda maamul goboleedyada.
Ilaa iyo hadda ma
jira heshiis siyaasadeed oo ku aadanqabashada doorashada iyadoo muddo xileedkii madaxweynaha ay 2 maalmood
uun ka harsan tahay.
Ma cadda waxyaabaha
uu uga hadli doono madaxweynaha khudbadiisa, balse agaasimaha machadka Heritage
Cabdirashiid Xaashi ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in madaxweynahaay la gudboon tahay saddex arrimood midkood:
1.Inuu calaacala, qof dhibbane ahna iska dhiga, dalbadana
in wakhtiga loogu daro
2.Inuu aqbalo in mudda xileedkiisauu dhammaanaya 8-da Febraaya, islamarkaana u
is casilo
3.Ama inu heshiis
wada oggol ah la gaara kuwa ay siyaasadda isku hayaan, waxaana u dhiman 36
saacadood
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa xalay fashilka shirka Dhuusamreeb ku eedeeyay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.
Cismaan Duube ayaa sheegay inmar haddii la isku mari waayay arrimahaasi waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku taliyay in shir dambe la isugu soo noqdo oo muddadiisa iyo madashiisuba dib laga soo sheegi doono, si wadahadalladu halkaa looga sii wado.
Hubaanti la'aan soo wajahday doorashada Soomaaliya kaddib fashilka shirka Dhuusamareeb
Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/SIMON MAINA
Waxay u muuqataa in dib u dhac uu ku yimid wakhtigii loogu talagalay qabashada doorashada Soomaaliya kaddib markii uu fashil kusoo dhammaaday shirka ka dhacay Dhuusamareeb ee u dhexeeyay Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.
Muddo xileedka madaxweyna ayaa ku eg Isniinta soo socota xilli uu muran ka taagan yahay hanaanka doorashada Soomaaliya.
Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay wada gaareen heshiis ku saabsan qaabka ay u dhaceyso doorashada balse wuxuu khilaaf ka taagan yahay sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskaas.
Arrimaha uu khilaafka ka taagan yahay waxaa kamid ah xiisadda ka taagan gobolka Gedo.
Ma cadda waxa xigi doono inkasta madaxweyne Farmaajo maanta lagu wado in uu la hadlo xildhibaanada baarlamaanka inkasta oo uu kulankaas ku gacan seyray guddoomiyaha Aqalka Sare.
Farmaajo oo lagu wado in uu la hadlo baarlamaanka iyadoo Cabdi Xaashi uu ku gacan seyray kulanka
Waxaa maanta lagu wadaa in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan la yeesho xildhibaanada labada aqal, waxaana hadda socotaa qabanqaabada kulanka.
Illaa hadda ma cadda waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadli doono xildhibaanada
Dhanka kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare , Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in uusan dhici doono kul dhexmari doono xildhibaanada labada aqal iyo madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in kulanka madaxweynaha uu ka codsaday xildhibanada ee baarlamaanka uusan waafaqsaneyn dastuurka isla markaana ku wargeliyay xildhibaanada in kulankaas uusan qabsoomin doonin.
Dhawaan ayay aheyd markii gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uusan qaddarin waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Jubaland iyo dowladda Federaalka oo midba midka kale ku eedeeyay fashilka shirka Dhuusamareeb
Xigashada Sawirka, JSH
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jubaland
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxweyne
Farmaajo uu faragelin ku hayo gobolka Gedo isla markaana uu doonayo in uu maamulo doorashada gobolkaas xilli uu shir
jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb.
“Madaxweynaha wuxuu kusoo koobay in isku koobo sheegasho hal
gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya kamid ah oo degmo kamid ah gobolka Gedo
kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga uun baa tallinayaa”
Wuxuu dhanka kale sheegay in aysan suurtagal aheyn in
madaxweynaha uu doorashada maamulo xilli uu wakhtigiisa sii dhamaanayo
“ Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u
xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, anaa ka soo jeeda oo
reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay
noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas'uul ka
noqdo oo yiraahdo anaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban
yahay wax dhici kara maaha, waa Nasiib darro"
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe
oo xalay xilli dambe weriyeyaasha kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa
sheegay in dowladda federaalka ay tanaasul uga sameysay arrinta Gedo.
“Waxaa la soo jeediyay in doorashada ay
maamulaan oo ay degmada Garbahaarey tagaan ciidamo boolis ah oo ka socda
nabad-ilaalinta Amisom, taana waa ay diideen maamulka Jubbaland. Waxaa la soo
jeediyay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro gobolka Gedo iyo Garbahaarey”
Hablaha garsooreyaasha ciyaaraha Jabuuti
Qoraalka Muuqaalka, Haweenka garsoorayasha ee ciyaaraha Jabuuti
Xaaladda caafimaad ee Jawaar Maxamed oo laga deyriyay
Xigashada Sawirka, MAHEDER HAILESELASSIE TADESE
Qoraalka sawirka, Jawaar Maxamed
Jawaar Maxamed oo ah siyaasi mucaarad ah oo ku xiran dalka Itoobiya ayaa laga deyriyay xaaladdiisa caafimaad kaddib markii in ka badan
toddobaad uu ka soomay cuntada.
Qareenkiisa wuxuu sheegay in Jawaar uu wajahayo
caafimaad darro kaddib cunto ka soomista uu ku dhaqaaqay.
Jawaar Maxamed, Bekele Gerba, Hamza Adane iyo Shemsadi Taha,
ayaa dhammaantoodba maanta ku jiray gadood cunto ka soomid ah.
Maxkamadda ayaa oggolaatay in ay arkaan dhakhtar gaar ah oo aan
ahayn dhakhaatiirta dowladda.
Markii la weydiiyay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Jawaar,
ayuu Maxamed Jimma yidhi: "Si shakhsi ahaan ah waxaan u dareemay in Jawaar
ay baahida si gaar ah u saameysay. Aad bay u daciifeen mana hadli karaan. Aad
bay u xanuunsan yihiin."
Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa
inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra'iisal
wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii
Itoobiya ka billawday 2016-kii.
Asalaamu Calaykum.
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.