Wasiirka maaliyadda
ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in jaadka hareeriga
ah ee la geeyo Soomaaliya uusan u xirneyn cid gaar ah.
Wuxuu sheegay in
laga yaabo in dadka qaar ay si khaldan u qaateen hadal kasoo baxay oo ku saabsanaa jaadka.
“Waxaan doonayaa in
aan caddeeyo jaadka hareeriga ah ee Soomaaliya yimaada oo dadka qaar yiraahdeen
qolo ayay u xiran tahay ama dad gooni ayay u xiran tahay, in aan jaadkaa hareeriga ah cid gooni ah u xirneyn cid kastana ay soo dejisan karto waxaa looga
baahan yahay in qofkii doonaya in uu arrintaa galo in uu sharciga qaato,
ruqsadda qaato, canshuurtana bixiyo”
Hadalka Beyle ayaa
imaanaya xilli shaley uu ka dhawaajiyay in labo shuruud lagu xiray ganacsatada jaadka.
"Qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka ganacsado jaadka,
sida ganacsiyada kaleba, waxaa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo
kaliya. Haddaad dooneyso inaad jaadka ka ganacsato ruqsad baad soo qaadaneysaa,
wasaaradda ganacsiga ee ku shaqada leh baad u tageysaa, ayagaa nidaamka kuu
akhrin doona, waad soo qaadan ruqsadda kaddibna jaad keen." ayuu yiri
Beyle.
"Arrinta kale waa in aadan soo qarinin. Waa inaad tiraahdo
jaad baan sitaa, diyaaraddu waa inay dhahdo jaad baan wadaa, cid walbana ogaato
inay jaad siddo. Sidaas darteed waa in ay ugu talagasho canshuurtiisa iyo
arrimihiisa, kaddibna la canshuuro."