Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la dilay

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la dilay

    .

    Xigashada Sawirka, DON EMMERT via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Seyoum Mesfin ayaa sannado badan ahaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

    Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay dilka Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa xisbiga Tigray-ga ee TPLF.

    Howlgal ay fuliyeen milatariga ayaa lagu dilay afar hoggaamiye oo uu sidoo kale ku jiray nin magiciisa lagu sheegay Abey Tsehaye, sida lagu shaaciyay bogagga laanta xaqiijinta arrimaha degdegga ah ee dowladda Itoobiya.

    Tallaabada lagu fulinayay howlgalka ayaa la sheegay in ay daba socotay dalab isdhiibitaan ah oo siyaasiyiintaas loo bandhigay, balse ay ku gacan seydheen.

    Siyuun Musfin ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda kasoo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, wuxuuna ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan siyaasiyiinra reer Itoobiya.

    Soomaalida ayuu caan ka ahaa maadaama uu muddo dheer hoggaaminayay arrimaha Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.

  2. Koox u ololeyso xuquuqul insaanka oo lagu xiray safaaradda Uganda ee Kenya

    Afar qof oo u ololeyso arrimaha xuququul insaanka oo u dhashay Kenya ayaa saaka lagu xiray afaafka hore ee safaaradda Uganda ay ku leedahay Kenya, dadkan ayaa xilliggaas warbixin ku saabsan tacaddiyada booliska Uganda u bandhigayay warbaahinta, waxayna doonayeen inay cambaareeyaan arrintaas.

    Waxaana haatan su'aalo weydinayaa booliska, waxaana dadkaas kamid ah agaasimaha ha'yadda xuquuqul insaanka ee Justice Africa Xuseen Khaalid iyo weriye la yiraahdo Yassah Muusa.

    Booliska Kenya ayaa xiray dadkan u ololeeyo arrimaha xuquuqul insaanka xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee safaaradda Uganda ee Kenya
    Qoraalka sawirka, Booliska Kenya ayaa xiray dadkan u ololeeyo arrimaha xuquuqul insaanka xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee safaaradda Uganda ee Kenya
    ..
  3. Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda ka dhex taagan Suudaan iyo Itoobiya

    Madaxda Itoobiya iyo Suudaan waxay ku guuldareysteen inay xalliyaan xiisadda ka dhex taagan labada dal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxda Itoobiya iyo Suudaan waxay ku guuldareysteen inay xalliyaan xiisadda ka dhex taagan labada dal

    Waxaa sare usii kacayaa xiisadda ka dhex taagan Suudaan iyo Itoobiya, labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeymo ku saabsan muranka dhanka xudduudka.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamada Suudaan oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka isla markaana ay qabsadeen beero iyo inay dhaceen hanti.

    Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha Dina Mufti wuxuu sheegay in xadgubkaas uu horseedat in dagaal uu ka dhex qarxo xudduudka labada dal inkasta oo ay socdaan wadahadallo lagu xallinayo arrintaas.

    Dhinaca kale, Suudaan ayaa dhaleeceysay waxa ay ku tilmaantay dandaansi ay maleeshiyaad Itoobiyaan ah ka wadaan deegaanka Al Quraysha oo dhaca bariga.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan waxay ka codsatay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda isla markaana ay dhaleeceeyaan 'koox hubeysan oo kasoo jeedo gobolka Amxaarada'

    Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.

    Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.

    Toddobaadkan ayay aheyd markii mas'uuliyiinta Suudaan ay sheegeen in 6 qof oo rayid ah ay dileen ciidamo Itoobiyaan kaddib markii ay weerar ku qaadeen halkaas.

  4. 'In ka badan 100 qof oo ku dhimatay' dagaal ka dhacay galbeedka Itoobiya

    In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay dagaal u dhexeeya qowmiyadaha qaar oo ka dhacay deegaanka Metekel oo dhaca gobolka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya, sida uu ku warramay teleefishinka mucaaradka ee ESAT.

    Teleefishinka oo soo xigtay "Ilo wareedyo laisku haleyn karo" ayaa ku warramay in 130 qof lagu dilay deegaanno dhowr ah oo hoostago Benishangul-Gumuz.

    Dagaalka ayaa dhacay Isniinti iyo Talaadada.

    "Dadka deegaanka oo daabulayo meydadka ayaa teleefishinka ESAT u sheegay in koox hubeysan ay bartilmaameedsanayeen guryaha ay deganaayeen qowmiyadaha kala ah Amxaarada iyo Agew isla markaana ay dileen dad badan oo isugu jiro carruur iyo haween, waxay sidoo kale sheegeen in tirada dhimashada ay sare usii kici karto" ayaa lagu sheegay warbixinta.

    Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii, in ka badan 200 qof lagu dilay dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee wada dego halkaas, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu booqasho ku tegay gobolkan si uu usoo qiimeeyo xaaladda amniga.

    .
  5. Duqa Berbera "Waan u tashanay in magaalada la dhireeyo"

    Berbera, waa magaalo xeebeed ay u dalxiistagaan badi dadka ka kala yimaada goboladda iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ee aan badda lahayn.

    Kulaylka waxa u dheerayd dhir yaraan. Laakin maamulka dowladda hoose ayaa dhirayn iyo kor uqaadista bilicda magaalada siiyay muhiimad wayn siiyay, taasoo ay kaga duwan tahay magaalooyinka kale.

    Wariyaha BBC ee magaalada Hargeysa Sidiiq Burmad ayaa waydiiyay maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) intii ay xilka hayeen waxa ay ka qabteen adeegyada aasaasiga ah.

    Qoraalka Codka, Duqa magaalada Berbera
  6. Midowga Afrika oo 'helay 300 malyan oo xabo oo tallaal ah oo looga hortaggayo Corona"

    Qaaradda waxaa lagu tijaabiyay tallaalka ka hortagga cudurka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qaaradda waxaa lagu tijaabiyay tallaalka ka hortagga cudurka

    Wakaaladda wararka ee AP oo soo xigatay sarkaal la taliye u ah xarunta ka hortagga cudurrada ee Afrika ayaa sheegay in Midowga Afrika uu helay ku dhawaad 300 malyan oo xabo oo tallaal ah oo looga hortaggayo cudurka Covid-19.

    Dadka ku nool qaaradda Afrika waxaa lagu qiyaasaa 1.2 balyan.

    Nicaise Ndembi wuxuu sidoo kale sheegay in guddoomiyaha Midowga Afrika,Cyril Ramaphosa lagu wado inuu shaaciyo tallaalka.

    Afrika waxaa laga diiwaangeliyay 3,085,009 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona halka ay u geeriyootay in ka badan 73,504 qof, sida laga soo xigtay xarunta ka hortagga cudurrada ee Afrika.

  7. Museveni oo difaacay go'aanka lagu xiray baraha bulshada ka hor doorashada

    Yoweri Museveni wuxuu markii lixaad u tartarmaya xilka madaxtinimada xilli khamiista ay Uganda ka dhaceyso doorasho

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Yoweri Museveni wuxuu markii lixaad u tartarmaya xilka madaxtinimada xilli khamiista ay Uganda ka dhaceyso doorasho

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay shirkadda Facebook inay tahay mid isla weyn oo u xaglineyso hal dhinac ah kaddib markii uu xaqiijiyay in dowladdiisa ay xirtay baraha bulshada ka hor doorashada Khamiista ka dhaceysa dalkaas.

    Madaxweyne Museveni oo ku labisan dareyska ciidamada xilli uu khudbad ka jeedinayay teleefishinka ayaa sheegay in uusan marnaba aqbali doonin wax faragelin ah ama in la go'aamiyo cidda wanaagsan ama cidda xun.

    Wuxuu sheegay in haddii Facebook uu ka howlgalayo Uganda 'waa in qof kasta uu si sinaan ah uu ugu adeegaa.

    Dadka adeegsada baraha bulshada ee dalkaas ayaa shaley ka cabanayay inay adeegsan waayeen baraha bulshada.

    Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in xiritaanka baraha bulshada Uganda ay tahay tallaabo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo mabaadii'da ku saleysan adeegsiga Internetka.

    Dhinaca kale, Mareykanka ayaa cambaareeyay go'aanka dowladda ay ku xirtay baraha bulshada halka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqul insaanka.

  8. Doorashada Soomaaliya: Muxuu ka dhigan yahay hadalka beesha caalamka?

    Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay xalay soo saareen waxay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ay ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.

    Waxaa kale oo ay beesha caalamka ay sheegeen in heshiiska 17kii Sebtember uu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021.

    Hadalkan ayaa yimid xilli uu waqtiga doorashada soo dhawaanayo, ilaa haddana aan xal rasmi ah laga gaarin tabashooyinka ay garabyada mucaaradka ka qabaan hannaanka loo qabanqaabinayo doorashada.

    Haddaba warka ay soo saareen beesha caalamka iyo waxa uu ka dhigan yahay ayaanu ka wareysanay Jibriil Aw Maxamed oo culluunta Afrika ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka. wuxuu u warramay Fartuun Ismaaciil.

    Qoraalka Codka, Doorashada Soomaaliya