Beesha caalamka oo dalbatay in la xalliyo khilaafka doorashada

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la dilay

  2. Beesha caalamka oo dalbatay in la xalliyo khilaafka doorashada

    .

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/ANADOLU AGENCY

    War-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska xog-hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay xallinta ismariwaaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

    Hadalkan ayaa yimid xilli uu waqtiga doorashada soo dhawaanayo, ilaa haddana aan xal rasmi ah laga gaarin tabashooyinka ay garabyada mucaaradka ka qabaan hannaanka loo qabanqaabinayo doorashada.

    War murtiyeedka Qaramada Midoobay oo lagu sheegayay mowqifka beesha caalamka ayaa u qornaa sida soo socota:

    Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan.

    Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. Gaar ahaan, waxay soo dhoweynayaan booqashadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xiriiradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garowe unasoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.

    Saaxiibadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii Sebtember ay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo labada gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.

    Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

    Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

    Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado.

  3. Masar oo hawadeeda u ogolaaneyso diyaaradaha Qadar

    Egypt cut diplomatic, trade and travel ties with Qatar in 2017

    Xigashada Sawirka, AFP

    Masar waxay sheegtay in hawadeeda ay u ogolaaneyso inay maraan diyaaradaha Qadar kaddib kulan ay mas'uuliyiinta labadan ay kulan ku yeesheen dalka Sucuudiga si dib loogu soo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed.

    Madaxa ha'yadda duulista hawada ee Masar Ashraf Nuweir ayaa sheegay in dalkiisa uu si rasmi ah uu xayiraadda uga qaaday duulimaadyada Qadar, sida laga soo xigtay warbaahinta Al Ahram.

    Qadar iyo Masar waxasa 5-tii bishan ay wada gaareen heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka labada dal.

    ilaa iyo hadda Sucuudiga iyo Imaaraatka waxay shaaciyeen inay hawada u fureen duulimaadyada Qadar.

  4. Beesha caalamka oo dalbatay in la xalliyo khilaafka doorashada

  5. Cabsi dhanka amniga ah oo isa soo tareysa ka hor caleemo saarka Biden

    Laamaha amniga ayaa la dhaleeceeyay qaabka ay ula tacaaleen qalalaasihii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dhismaha Capitol

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Laamaha amniga ayaa la dhaleeceeyay qaabka ay ula tacaaleen qalalaasihii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dhismaha Capitol

    Cabsi dhanka amniga ah ayaa ka taagan magaalada Washington DC iyo guud ahaan Mareykanka kaddib qalalaasihii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dhismaha Capitol.

    FBI-da Mareykanka ayaa ka digtay suurtogalnimada ah in dibadbaxyo hubeysan ay ka dhacaan Mareykanka maalmo kahor intaan Joe Biden loo dhaarin madaxweyne 20-ka bishan Jannaayo.

    Warbixinta kasoo baxday FBI-da ayaa lagu sheegay in koox ay qorsheyneyso inay 'weerar ku qaadaan dalka' waa haddii xilli hore xafiiska laga saaro Trump ama maalinta caaleemo saarka madaxweynaha cusub.

    Waxaa dalka ka socda howlgal lagu sugayo amniga si looga qalalaase kasta oo halkaas ka dhaca.

    Saraakiisha ammaanka ayaa waxaa ka go'an inaysan soo laaban wixii dhacay 6-dii bishan - markii kumannaan taageerayaal u ah Trump ay u dhaceen dhismaha Kongareeska Mareykanka oo ay ka socotay cod loo qaadayay natiijada doorashadii madaxtinnimada.

    • Qoorqoor "Ma dhacayso doorasho aysan ka qeybgaleyn dhammaan maamul goboleedyada"

    • Shiinaha oo WHO u ogolaaday inay baaraan halka uu kasoo bilowday cudurka Koroona

      Saraakiisha Shiinaha waxay sheegeen in khuburro caalami ah oo ka socda ha’yadda caafimaadka Adduunka ay baarayaan halka markii ugu horreysay uu kasoo faracmay cudurka Koroona, waxay sheegeen in maanta ay gaari doonaan magaalada Wuhan kuwaas oo kasoo dhaqaqaaqi doono Singapore.

      Cudurka Corona waxaa markii ugu horreysay lagu arkay magaalada Wuhan dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, kaas oo ku fiday dunida, wuxuu ku dhacay in ka badan 90 malyan 500 kun halka uu dilay 2 malyan oo qof.

      Wax badan lagama ogeyn halka uu kasoo faracmay cudurka, shiinaha wuxuu ka careysnaa tuhunka ah in cudurka uu kasoo bilowday halkaas, tallaabadaas oo hakad gelisay dadaallada ka hortagga isla markaana horseeday in dunida uu ku fido.

      Afahayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian,ayaa ka hadlay booqashada khuburrada ha’yadda caafimaadka ee adduunka ee Shiinaha xilli uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beijing.

      Afahayeenka, waxbo jawaab ah kama uusan in khuburrada karantiil la gelin doono marka ay gaaraan Shiinaha iyo in kale, waxbo sharraxaad kama uusan bixin booqashadooda.

      Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, madaxa ha’yadda caafimaadka ee adduunka Tedros Adhanom wuxuu sheegay in ha’yaddiisa ay ku rajo weyntahay sidii Shiinaha ay ugala shaqeyn laheyd sidii loo ogolaan halka uu kasoo faracmay cudurka iyo sida uu ugu faafay dunida. Wuxuu horraan sheegay in uu si ‘ka xumaaday’ markii khubarrada WHO loo diiday inay galaan Shiinaha horraantii bishan.

      Shiinaha wuxuu sheegay in arrintaas ay ka dambeysay ‘ is fahan la’aan.

    • Qaar kamid ah dadka degan Gaarisa oo heli doono warqadaha lahaanshaha dhulka

      In kabadan 8-kun oo ah dadka deggan magaalada Garissa, ayaa heli doona warqadaha lahaanshaha dhulka oo loo yaqaano sabarloogo, taasi oo qayb ka ah barnaamijka dowladda kenya ay sare ugu qaadayso sharciyeynta dhulalka ee aan horey loo aqoonsaneen.

      Cabdi Cumar waa wasiirka dhulka iyo guryeynta ismaamulka Garissa, waxaa uuna BBC-da u sheegay in tan iyo xornimadii 1,200 oo qof oo keli ah ay heleen waraaqaha aqoonsiga dhulka, waxaa uu wasiirka u waramay Mucaawiye Muxumed Buraale.

      Qoraalka Codka, Dadka deggan Gaarisa oo heli doono waraqadaha lahaanshaha dhulka
    • Dabdamiska Somaliland: Waxaan daminay kun dab ah, waxaanan badbaadinay xayawaan ay ka mid tahay bisad

      Shaqaalaha dab damiska Somaliland
      Qoraalka sawirka, Shaqaalaha dab damiska Somaliland

      Waaxda dab damiska jamhuuriyadda madax bannaanida iskeed ugu dhawaaqday ee Soomaaliland, ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen, in hanti ka badan toddobo million oo dollar ay badbaadiyeen, sanadkii tagay ee 2020, kadib markii dab damiska uu ka gaaray dab ka kacay halkii ay tiillay hantidaas.

      Taliya ciidanka dabdemiska Soomaaliland, Axmed Maxamed Xasan (Axmed-Sawaaxilli) ayaa BBC u sheegay in shaqada dab damiska ay tahay mid ballaaran oo isugu jirta badbaadinta nafleyda iyo xoolaha marka ay masiibo timaaddo.

      "Dab damisku shaqadiisu wuu ka badan yahay in dabka kaliya ah uu la diriro, waxaa jira ilaalinta nabadgalyada nafleyda oo ay ku jiraan nafleyda iyo wax walba iyo hantidabada in dabka laga nabadgeliyo waa shaqada ugu horreysa"

      Ciidanka dab damiska ayaa sidoo kale sheegay in ay badbaadiyeen goobo ganacsi, kadib markii ay damiyeen 1010- goobood oo uu dabka kacay, taasoo celcelis ahaan ka dhigan in maalintiiba uu seddax goobood dab qabsanayay.

      "Sanadkii 2020-kii waxaanu daminay dab dhan 1010..wakhtiga aan dabka kula dirirnay waxay noqotay 50918 daqiiqadood"

      Axmed Sawaaxili wuxuu dhanka kale ka warbixiyay tirada dadka iyo waxyaabo kale oo ay badbaadiyeen.

      "Tirada dadka aanu badbaadinyay waa 980 qof, tirada nafleyda aanu badbaadinay waa 90 isugu jira geel, ari , bisad iyo eey, tirada gaadiidka la badbaadiyay waxay noqdeen 135 gawaari"

    • Qaramada Midoobey oo ka digtay ayax hor leh oo kusoo wajahan Bariga Afrika

      Ha’yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ee FAO ayaa ka digtay ayax hor leh oo ku fidayo koonfurta Itoobiya iyo waqooyiga Kenya.

      Ha’yadda waxay sheegtay in ayaxa uu kasoo duulayo goobihii uu horraan sida ba’an u saameeyay ee bariga Itoobiya iyo bartamaha Soomaaliya isla markaana haatan uu ku baahayo gobolka shucuubta koonfureed ee Itoobiya iyo waqooyiga iyo deegaanada dhaca xeebaha Kenya.

      FAO waxay sidoo kale ka digtay in bishan uu ayaxa gaari karo karo gudaha Kenya ilaa Tanzania, South Sudan iyo Uganda.

      Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu ayaxa ku habsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna baabi'iyay dhul beereed ku yaalla halkaas.

      Ka bood X boggan
      Oggolow X macluumaadka

      Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

      Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

      Dhammaadka X boggan

    • Madaxweyne Qoor Qoor “Doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto”

      Xili Soomaaliya uu ka jiro khilaaf la xiriira doorashada ayaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaa uu gashaanka u daruuray hadal dhawaan kasoo yeeray maamul goboleedka Jubaland, afhayeenka aqalka sare iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ee ahaa in dhexdhexaadintii uu ka dhex waday aanay wali wax jawaab ah ka helin, ayna ka warheleen oo keliya hirgelinta doorashada.

      Madaxweyne Qoorqoor waxaa kale oo uu sheegay in wali ay ku hawlan yihiin sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka arrimaha doorashada.

      “Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeybgaleynin doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeygalo ayaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin ku saabsan maamulka doorashada waa in la xalliyo markaa doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto ama mid ay ka maqan yihiin sababna ma jirto maxaa yeelay mar walba waxaa laga hadlayay tabashooyinkii jiray in la xalliyo doorashadana ay waajib tahay”

      Khadka taleefonka ee magaalada Muqdisho ayuu ugu warramay weriyaha BBC-da, Bashiir Maxamed Caato oo marka hore weydiiyay bal wixii kasoo baxay shirkii uu la yeeshay madaxda federaalka.

      Qoraalka Codka, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor
    • Kulan wacan asxaabta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.