Dibadbaxyo rabshada watay oo ka dhacay Beledweyne

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Qaramada Midoobey: Weli waa la geli la'yahay Tigray si gargaar loo gaarsiiyo shacabka

    Kumanaan ayaa ka qaxday gobolka Tigray

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kumanaan ayaa ka qaxday gobolka Tigray

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dagaalka ka socda meelo badan oo ka tirsan gobolka Tigray uu saameyn ku yeeshay howlaha gargaarka.

    Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey waxay sheegayaan in la geli la'yahay gobolka Tigray si gargaar loo gaarsiiyo shacabka inkasta oo dowladda Itoobiya dhawaan ay kala saxiixdeen heshiis gargaar lagu gaarsiinayo shacabka ku nool deegaanada ay la wareegtay dowladda.

    Dadka ku nool caasimadda Mekelle ayaa BBC u sheegay in dagaallada ay weli ka socdaan deegaanada dhaca duleedka caasimadda inkasta oo ay dowladda sheegtay in lasoo afjaray colaadda.

    Waxay sheegeen in magaalada ay koronto la'aan tahay oo aysan heysan biyo.

    Waxay sidoo kale sheegayaan in falalka dhaca ah ay kusoo badanayaan magaalada.

    Shacabka Mekelle waxay sheegayaan in dad rayid ah ay dileen ciidamada federaalka, inkasta oo ay dowladda beenisay arrintaas.

  2. Madaxweynaha Kenya: "Hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan"

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye isla markaana ka codsaday in aanay soo faragelin arrimaha gudaha ee Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.

    Wuxuu sheegay in Kenya aysan ogolaan doonin in wax loo yeeriyo balse ay soo dhawanayaan wadashaqeynta dalalka caalamka.

    "Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno, waxaan idiin ka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan" ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

  3. Bangaladesh oo qaxootiga muslimiinta ah ee Rohingya u daadgureysay jasiirad halis ah

    Markab daadgureynayo qaxootiga Rohingya oo maanta la geeyay jasiiradda Bhasan Char

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Markab daadgureynayo qaxootiga Rohingya oo maanta la geeyay jasiiradda Bhasan Char

    Mas'uuliyiinta dalka Bangladesh ayaa bilaawday in kumanaan kamid ah qaxootiga Rohingya ay u wareejiso jasiirad ka fog dalkaas inkasta oo walaac laga muujiyay tallaabadaas.

    Ku dhawaad 1,600 qof ayaa maanta loo daabulay jasiiradda Bhasan Char, halka la geeyay waa jasiirad caan ku ah fatahaadaha oo ku taalla Bengal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Waxaana lagu soo warramayaa in qaxootiga muslimiinta Rohingya aanan lagala tashan in la geynayo jasiiraddaas, sida ay sheegayaan kooxaha u doodo xuquuqul insaanka.

    Bishii Oktoobar, qaxootigan waxay BBC u sheegeen in aysan diyaar u aheyn in loo raro jasiiraddaas.

    Balse dowladda Bangaladesh ayaa ku dooday in dadkan ay raalli ka ahaayen in loo daabulo halkaas.

    Ha'yadda xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay wareysatay qaar kamid ah dadka qaxootiga ah oo u sheegay in aysan raali ka aheyn in la geeyo jasiiraddaas.

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dadkan aanan lagala tashan in loo wareejiyo Bhasan Char.

  4. Dibadbaxyo rabshada watay oo ka dhacay Beledweyne

    Dibadbaxyada ka dhacay Beledweyne
    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyada ka dhacay Beledweyne

    Magaalada Beladweyne ee gobolka Hiran waxaa maanta ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo maamulka Hirshabeele ee dhowaanta la sameeyey.

    Boqolaal qof ayaa bartamaha magaalada isugu soo baxay waxayna gubeen taayaro, wadooyinkana waa la xiray.

    Dadkan ayaa saluugsan hab qeybsiga lagu saleeyay maamulka cusub ee Hirshabeele.

    Khilaafkan ayaa salka ku haya dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay dadka sheegayaan in aanay ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsaday.

    Waxaa socda dadaallo xooggan oo lagu xallinayo khilaafkan, waxaa shaley Beledweyne gaaray wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax si uu dhageysto tabashada dadweynaha iyo dhinacyada kala duwan si loo soo afjaro xiisadda.

    Boqolaal qof ayaa ka qeyb qaadanayay dibadbaxyada
    Qoraalka sawirka, Boqolaal qof ayaa ka qeyb qaadanayay dibadbaxyada
  5. Muhaajiriinta Soomaalida ee Liibiya “In nala jirddilo oo na lagu dhibciyo baco”

    Kumannaan qof oo ajaanib muhaajiriin ah ayaa in sanada ahba waxa ay dhibaatooyin kala duwan ku wajahayeen gudaha waddanka Liibiya.

    Dadkaas oo ay ku jiraan Soomaali dhalinyaro u badan ayaa waxa ay ka cawdaan in maskax iyo jir ahaanba dhibaato wayn la soo gaarsiiyay.

    "Silic iyo rafaad waan kusoo qeybsanay..in nala jiddilo, in nagula dibciyo baco, koronto nagula qabto, silic xanuun badan, gabdhaha ajaaniibta faraxumeyneyso adigana aad waxbo ka qaban karin" ayuu yiri wiil soomaaliyeed oo ku sugan xero ku taalla dalka Liibiya.

    Arrinta waxaa uga sii daray Liibiya oo aanay ka jirin dowlad awood leh oo dalka oo dhan gacanta ku haysa, taas oo dadka dadka tahriibiya u sahasha inay waxa ay doonayaan ku sameeyaan muhaajiriinta.

    Haatanse waxaa muhaajiriinta soo karay dhibaatadii oo qaar badan oo ka mid ah ayaa bilaabay inay isu diiwaangeliyaan sidii dib loogu celin lahaa dalkooda hooyo, waxaa ka mid ah wiilkan oo isagoo xero qaxooti ku jira u warramay BBC-da.

    Qoraalka Codka, Muhaajiriinta Liibiya
  6. Gabadha Trump oo su’aalo laga waydiiyay musuqmaasuq

    Ivanka Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ivanka Trump

    Gabadha uu dhalay madaxweyne Trumo ayaa su'aalo laga weydiyay eedeymo musuqmaasuq kaddib markii la sheegay inay isdaba marisay lacagihii loogu talagalay caleema saarka Trump sanadkii 2017-kii.

    Dacwad uu gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee degmada Colombia ayaa lagu eedeeyay Ivanka Trump inay ku takrifashay lacago loogu talagalay caleemo saarka iyadoo loo marayo ganacsiyada Trump si loogu faa'ideeyo.

    Huteelka Trump uu ku leeyahay Washington ayaa la sheegay in 'kharash badan oo xaad dhaaf ah in lagu bixiyay'

    Ivanka Trump ayaa dhaleeceesay dacwadda loo heysto isla markaana ku tilmaamay 'Arrin la siyaasadeeyay'

    Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka waxay ku sheegtay in qiimaha lagu bixiyay huteelka xilligii la caleemo saarayay aabaheed uu ahaa mid macquul ah oo caddaalad ah.

    Aqalka Cad weli kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay gabadha Trump.

    Si kastaba, guddiga caleemo saarka madaxweynaha waxay sheegeen in lacagaha si madaxbanaan loo baaray oo aysan jirin si sharci darro ah loo adeegsaday.

  7. TPLF: "Weli ma dhammaanin dagaalka Tigray"

    Teleefishinka dowladda oo baahiyay xaaladda Mekelle kaddib markii dowladda ay qabsatay halkaas

    Xigashada Sawirka, ETV

    Qoraalka sawirka, Teleefishinka dowladda oo baahiyay xaaladda Mekelle kaddib markii dowladda ay qabsatay halkaas

    Sarkaal oo ka tirsan TPLF ayaa sheegay in dagaalka Tigray uusan weli dhamaan isla markaana uu ka socdo deegaano kala duwan.

    Getachew Reda oo la hadlayay teleefishinka Tigray ayaa sheegay in madaxda TPLF ay isaga baxeen caasimadda Mekelle maadama aysan dooneyn in lagu dhex dagaalamo gudaha magaalada.

    Dowladda federaalka Itoobiya waxay sheegtay in lasoo gabagabeeyay wajigii ugu dambeeyay ee dagaalka kaddib markii ciidamada ay la wareegeen caasimadda Mekelle.

    Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka kasoo baxaya gobolka inta badan uu maqan yahay khadka isgaarsiinta.

  8. Xiisad ka taagan magaalada Beledweyne

    .

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Soomaaliya ayaa sheegayaa a in dadka magaaladaas ay saaka ku waabariisteen dhawaqa rasaas bartamaha magaalada ka dhacaysa.

    Illaa hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu ka tagay, waxaase soconaya dedaallo la doonayo in khilaafka sababay dagaalka lagu soo afjaro.

    Wararka waxay sheegayaan in koox dhalinyaro oo isa soo abaabushay ay rasaaseeyeen ciidamada booliska oo ku sugnaa barkantarool kuwaas oo kasoo horjeeda booqashada maanta lagu wado in Beledweyne madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

    Beledweyne waxaa saaka ka taagaan xiisad, buuq iyo dibadbaxyo ay wadaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

    Khilaafkan ayaa salka ku haya dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay dadka sheegayaan in aanay ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsaday.

    Waxaa socda dadaallo xooggan oo lagu xallinayo khilaafkan, waxaa shaley Beledweyne gaaray wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax si uu dhageysto tabashada dadweynaha iyo dhinacyada kala duwan si loo soo afjaro xiisadda.