Axmed Fiqi: “In madaxweyne walbo dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato qeyb kalsoonida kamid ah weeye”
Waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya si ay uga qeybgalaan shirka lagu wado in uu ka furmo halkaas.
Waxaa gordhaweyd halkaas gaaray madaxweyneyaasha Puntland iyo madaxweynaha Jubbaland, waxaana magaalada kusii qulqulaya wufuudda ka qeybgaleysa shirka.
Shirkan oo la filayo in looga wadahadlo arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya iyo xaaladda kalaguurka siyaasadeed ee dalku gelayo.
Wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa BBC u sheegay in amniga magaalada la adkeeyay isla markaana ay sugayaan ciidammada dowladda iyo kuwa Galmudug.
“Amniga boqolkiiba waa boqol, ciidammada ammaanka ee Galmudug, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed intuba waxay runtii ku dadaaleen inay iska xil saaraan howlaha amniga shirka wadatashiga ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka”
“Shir kasta oo dhacaya dee madaxweyneyaashu xitaa marka ay Xamar marka ay imaanayaan ciidammo gaar ah wey wadan jireen weyna qaadan jireen marka wax gaar ah In madaxweyne walbo dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato qeyb kalsoonida kamid ah weeye, sidaas oo ay tahay Galmudug wey ku filantahay in guud ahaan ay amniga dhowrto” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.