Axmed Macalin Fiqi: “In madaxweyne walba dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato waa qeyb kalsoonida kamid ah”

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Axmed Fiqi: “In madaxweyne walbo dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato qeyb kalsoonida kamid ah weeye”

    Waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya si ay uga qeybgalaan shirka lagu wado in uu ka furmo halkaas.

    Waxaa gordhaweyd halkaas gaaray madaxweyneyaasha Puntland iyo madaxweynaha Jubbaland, waxaana magaalada kusii qulqulaya wufuudda ka qeybgaleysa shirka.

    Shirkan oo la filayo in looga wadahadlo arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya iyo xaaladda kalaguurka siyaasadeed ee dalku gelayo.

    Wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa BBC u sheegay in amniga magaalada la adkeeyay isla markaana ay sugayaan ciidammada dowladda iyo kuwa Galmudug.

    “Amniga boqolkiiba waa boqol, ciidammada ammaanka ee Galmudug, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed intuba waxay runtii ku dadaaleen inay iska xil saaraan howlaha amniga shirka wadatashiga ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka”

    “Shir kasta oo dhacaya dee madaxweyneyaashu xitaa marka ay Xamar marka ay imaanayaan ciidammo gaar ah wey wadan jireen weyna qaadan jireen marka wax gaar ah In madaxweyne walbo dadka qaabilsan amnigiisa uu soo wato qeyb kalsoonida kamid ah weeye, sidaas oo ay tahay Galmudug wey ku filantahay in guud ahaan ay amniga dhowrto” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Dhuusamareeb

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Dhuusamareeb
    Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo gordhaweyd ka degay Dhuusamareeb

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo gordhaweyd ka degay Dhuusamareeb
  2. Muuqaal: Soomaali ku nool Australia oo loo qeybiyay hilib xilliggan xayiraadda

  3. Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobey: Sharci darro ah ayuu ahaa weerarkii Mareykanka uu ku dilay Qaasim Suleeymaan

    Janaraal Qaasim Suleeymaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Janaraal Qaasim Suleeymaan

    Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sharci darro ku tilmaantay weerarkii duqeynta ahaa ee uu Mareykanka ku dilay janaraalkii reer Iiraan Qaasim Suleeymaan kaas oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan.

    Agnes Callamard oo ah khabiirka Qaramada Midoobey u qaabilsan dilalka sharciga ka baxsan ayaa sheegtay in Mareykanka uusan heyn caddeymo buuxo oo ku aadan waxa uu ku sababeeyay weerarka lagu dilay Qaasim Suleeymaan.

    Qaasim Suleeymaan ayaa bishii Jannaayo lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen elaboorka magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq waxaana dilkiisa xaqiijisay dowladda Mareykanka.

    Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa xilliggaas sheegtay in dilka Qaasim Suleeymaan uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Iiraan ay amar ku bixisay in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo 35 sarkaal oo lala xiriirinayo dillka Qaasim Suleeymaan.

  4. Gabadh Soomaali ah oo koob shaah oo ay ka dalbatay maqaaxi loogu qoray kalmada ISIS

    Qoraalka Muuqaalka, .
  5. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb

    Madaxda haatan gaartay Dhuusamareeb, waxaa kamid ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta-gareen, madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaana sidoo kale lagu wadaa in madaxda maamulada kale ay maanta gaaraan halkaas.

    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

  6. Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay

    .

    Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaas maanta ka furmaya shir ay yeelanayaan madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya kaas oo looga hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya .

    Waxaana magaalada gaaray ciidammada ilaalinayo madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

    Waxaana haatan magaalada kasoo socota qabanqaabada iyo diyaargarowga shirka , iyadoo halkaas ay gaarayaan wufuudda ka qeybgaleysa.

    Shirka ayaa la filayaa in uu furmo gelinka dambe ee maanta.

    Ilaalada madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Dhuusamareeb

    Xigashada Sawirka, Jubbaland Tv

    Qoraalka sawirka, Ciidammada madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Dhuusamareeb
  7. Hargeysa: Maxaa sababay in qiimaha qudaarta uu sare u kaco?

    Dhawrkii Todobaad ee la soo dhaafay guud ahaan suuqyada khudaarta ee Jamhuuriyadda iskueed ugu dhawaaqday madaxbaaanida ee Somaliland gaar ahaan suuqyada Hargeysa waxa laga dareemay in khudaartii taalay ay sii yaraanayso.

    Khudaar yaraantan jirtaana waxay sababtay in qiimihii lagu kala iibsado qudaarta uu sare ukac ku yimaado.

    Ganacsatada qaar ayaa sheegaya in ayaxii ku habsaday beeraha uu horseeday gabaabsi dhanka qudaarta ah.

    Haddaba, maxay tahay sababta? waxaa suuqa qudaarta ee magaalada Hareysa Booqday wariye Cabdullaahi Jaamac, waxaa uu ka waraystay qaar ka mid ah ganacsatada suuqa khudaarta.

    Qoraalka Codka, Qiimaha qudaarta Hargeysa oo sare u kacay
  8. Koox hubeysan oo loo maleynayo Al Shabaab oo weeraray deegaan ka tirsan Gaarisa

    .

    Koox looga shakisan yahay inay yihiin Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Korkoora oo dhaca duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, sida uubaahiyay wargeyska The Standard.

    Waxaana lagu soo warramayaa in kooxda hubeysan ay burburiyeen mid kamid ah anteenooyinka isgaarsiinta ee ku yaalla halkaas.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in 20 qof oo hubeysan ay weerar ku qaadeen deegaanka ka hor inta aysan iska cabin ciidammo ku sugnaa goobta.

    Waxaana sidoo kale lagu soo warramayaa in aysan jirin cid ku dhawaacantay weerarka saaka aroornimadii lagu qaaday deegaankaas.

  9. Ha’yadda Oxfam oo ka digtay in kumanaan qof ay maalin kasta u dhiman karaan gaajo

    Ha’yadda Oxfam ayaa ka digtay in meesha lagu gaaro dabayaaqada sannadkan ay maalin kasta gaajo u dhiman karaan 12,000 qof guud ahaan dunida , tiradaas oo ka badan karta dadka u dilayo cudurka Corona.

    Ha’yaddu waxay sheegtay in waxyaabaha horseeday gaajadu ay kamid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay safmarka, sida shaqo la’aan baahsan, xayiraadaha oo adkeeyay in la qeybiyo cunnooyinka gargaarka ah.

    Oxfam waxay sheegtay in ilaa 10 dal ay halis ugu jiraan macluusha, waxaana kamid ah dalalkaas, Yemen, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Afqanistaan, Venezuela, Dalalka dhaca galbeedka Saxaraha ee Afrika, Itoobiya, South Sudan, Suuriya, Suudaan iyo Haiti.

  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .