Dowladda Iiraan ayaa soo saartay warqad ay ku
weydiisanayso booliska caalamiga ah ee Interpol inay xiraan madaxweynaha dalka
Maraykanka Donald Trump, iyo tobanaan qof oo kale oo ay aaminsanyihiin inay ka
dambeeyeen dilkii Janaraal Qaasim
Suleymaan.
Janaraal
Qaasim Suleymaan, oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee
dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa horaan sanadkan lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn ku rideen garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.
Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa Isniintii
sheegay in Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan “dacwado la xiriira dil iyo argagixiso” sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wakaaladda wararka ee ISNA.
Dilka Janaraal Qaasim Suleymaan ayaa waxa sheegatay Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka.