Shiinaha ayaa mar kale
Maraykanka ku dhaleeceeyey midab takoor iyo cunsurimo xilli ay dalkaas ka socdaan
dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka nin madow oo aan hubaysnayn.
“Waxaan rajaynaynaa in dowladda Maraykanka ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku fulinayso
waajibaadka ay beesha caalamka uga dalbanayso joojinta fuquuqa iyo ku xadgudubka dadka lagada tirada badanyahay.” Ayuu yiri Zhao Lijian, oo ah afhayeenka
wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka
Shiinaha.
Shiinaha “ Wuxuu mar
walba ka soo horjeeda xadgudubyada dhanka midabtakoorka,” ayuu ku daray Zhao.
Hase yeeshe, dowladda
Shiinaha ayaa qudheeda si weyn loogu cambaareeyey falalka la xiriira cunsurinimada.
Dad Afrikaan ah ayey
dhawaan dowladda Shiinaha ku qasabtay inay galaan karantiil, waxay muddo laba
isbuuc ah ku noolaayeen jidadka magaalada Guangzhou iyaga oo aan haysan meel ay
ku hoydaan.
Shiinaha ayaa sidoo
kale lagu eedeeyey inay meel ku xireen malaayiin Muslimiinta Uighurs.