Dagaaladii sokeeye ka dib waxay qayb ka ahayd gabdhihii ciyaari jiray ee kaalinta weyna kulahaa soo nooleynta ciyaarta kubada koleyga Soomaaliya.
Shiinaha oo Mareykanka uga digay arrin isaga lagu eedeynaayay
Xigashada Sawirka, Reuters
Shiinaha ayaa mar kale
Maraykanka ku dhaleeceeyey midab takoor iyo cunsurimo xilli ay dalkaas ka socdaan
dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka nin madow oo aan hubaysnayn.
“Waxaan rajaynaynaa in dowladda Maraykanka ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku fulinayso
waajibaadka ay beesha caalamka uga dalbanayso joojinta fuquuqa iyo ku xadgudubka dadka lagada tirada badanyahay.” Ayuu yiri Zhao Lijian, oo ah afhayeenka
wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka
Shiinaha.
Shiinaha “ Wuxuu mar
walba ka soo horjeeda xadgudubyada dhanka midabtakoorka,” ayuu ku daray Zhao.
Hase yeeshe, dowladda
Shiinaha ayaa qudheeda si weyn loogu cambaareeyey falalka la xiriira cunsurinimada.
Dad Afrikaan ah ayey
dhawaan dowladda Shiinaha ku qasabtay inay galaan karantiil, waxay muddo laba
isbuuc ah ku noolaayeen jidadka magaalada Guangzhou iyaga oo aan haysan meel ay
ku hoydaan.
Shiinaha ayaa sidoo
kale lagu eedeeyey inay meel ku xireen malaayiin Muslimiinta Uighurs.
Ma u xiistay maqaayadaha?. Haddaba waxaa jira hab cusub oo maqaayadaha adduunka qaar ay dhaqangaliyeen
Maxay dibadbaxayadii maalmahan ka socday Minnesota ka badeleen nolosha Soomaalida?
Minnesota dibadbaxayadii ka socday maalmahan ayaa badalay nolosha dadka gobolkaas.
Waxaan warbaxin idiinka diyaarinay qodabadii ugu saamaynta badnaa ee ay kaciyeen xiisadahaasi iyo sida ay dibadbaxyada qayb uga yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee Minnesota ku koray ama kuwa ku dhashayba .
Hoos ka dhagayso warbaxintan uu Siyad Said Salah ka soo diray halkaas.
Qoraalka Codka, Sida dibadbaxayadii maalmahan ka socday Minnesota u saamaysay Soomaalida dagan halkaas
Nin Hargaysa joogo oo dowladda hoose ku dacweeyey lo’ laga xiray
Waxa muddoba cabasho waday nin dan yar ah oo ku nool magaalada Hargaysa oo sheegay in uu ka cabanayo dhibaato uu ka tirsanayo dawladda hoose ee magaalada.
Laba neef oo uu lahaa ayaa ku jiray lo’ ay dawladda hoose ee magaalada ka dhex ururisay oo ay sheegtay in aan la ogolaayn in magaalada xoolaha lagu sii daayo.
Lo’daas oo afartameeyo neef ahayd dhawr bilood xero ku jirtay.
Cali Cabdi Cumar oo ah ninka eeda ka tirsanayo dawladda hoose ayaa cabashadiisa u gudbiyey dawladda hoose, maxkamadda iyo xarunta baarlamanka oo isaga oo ubadkiisii wata ay is hor tubeen.
Waryaha BBC-da ee magaalada Hargaysa Sidiiq Burmad ayaa la kulmay.
Qoraalka Codka, "Neefafkeygii lo'da markii la xiray baan u tagay maayarka Hargeysa"
Mudaharaadyada Maraykanka oo sii xoojiyey cabsida Korona
Wakaaladda wararka ee Associated
Press news ayaa falaanqayn ay samaysay maalmihii la soo dhaafay ku sheegtay
in korona uu aad ugu faafay 25 xaafadood oo ay ka socdeen dibadbaxyada looga
soo horjeedo dilkii loo gaystay George Floyd.
Waxaa jirta cabsi laga
qaba inay kiisaska cusub kor u kacaan, iyada oo dadka mudaharaadaya ay buuxiyeen jidadka aysanna ku dhaqmaynin taloobooyinka lagula tacaalayo faafidda
cudurka korona..
Waxaa ilaa hadda
Maraykanka laga diwaangeliyay 1.8 milyan oo kiis, halka dhimashadana ay
dhaaftay 106,000.