'Masaajidkii wuxuu noqday bad waa in aad dabbaal ku tegtaa'
Tabinta tooska ah ee BBC Somali
Tebin toos ah
'Masaajidkii wuxuu noqday bad waa in aad dabbaal ku tegtaa'
Misaajid ku yaalla xaafad ku taalla magaalada Gaarisa
ayaa waxaa la wareegay fataahado ka dhashay webiga mara magaaladaas ee
Tanariver, masaajidka ayaa isku baddalay webi, biyaha waxay la tageen qalabkii
masaajidka, waxaana dhacdadaas aan ka wareysannay ku-xigeenka imaamka misaajidka, Sahal Maxamuud Aadan, wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Mucaawiye Muxumed Buraale.
Qoraalka Codka, Masaajidka waxaa la wareegay daadadka
Niger oo dib u fureysa masaajidda iyo kaniisadaha
Xigashada Sawirka, getty
Qoraalka sawirka, Dadka ku tukanaya masaajidda waa inay kala fogaadaan
Dowladda Niger waxay dib u fureysaa masaajidda iyo kaniisadaha ku yaalla dalkaas laga bilaabo maanta.
Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in sababta loo furayo masaajidda iyo kaniisadaha ay yihiin in xaaladda ay haatan soo hagaagtay balse dadka ku cibaadeysanayo halkaas waa inay kala fogaadaan, oo ay xirtan afka iyo sanka iyo in nadaafadda ay ku dadalaan.
Waxaana haatan la buufin doonaa masaajidda iyo kaniisadaha ku yaalla Niger ka hor inta aanan dadka loo ogolaan.
Niger waxay haatan xaqiijisay 854 oo kiisaska Korona ah.
Lixbaaxyo Koonfur Afrika ka baxsaday
Waxaa xarunta xanaanooyinka xayawaayanada ee dalka Koonfur Afrika ka baxsaday
libaaxyo dhowr ah.
Sarkaal booliska dalkaas ka tirsan ayaa sheegay in libaaxyadan lagu arkay gobolka Limpopo
maalintii Talaadada ahayd, iyada oo dadka deegaanka lagu wargeliyay inay ka
foojignaadan.
Tirada libaaxyada
baxsatay oo 7 ah ayaa lagu hayay xarunta xayawawaanada duur joogta ah ee Ingogo
Safaris.
Galabnimadii
Talaadada ayaa dhamaan libaaxyadan la soo qabtay..
Dadka u o'loleeya arrimaha xayawaanada duur joogta ah ayaa
sheegay inay ka walaacsanyihiin caafimadka libaaxyada.
Ma ahan markii ugu horreysay ay libaaxyo ka baxsadeen xanaanooyinka xayawaanada ee dalka Koonfur Afrika.
Xigashada Sawirka, Blood Lions
Wasiir laga baaray corona kaddib markii uu ku qufacay gudaha baarlamaanka
Wasiirka maaliyadda ee dalka Australia, Josh Frydenberg, ayaa
qufac joogta ah qabtay xilli uu baarlamaanka hortiisa ka jeedinayay khudbad.
Muddo 15 daqiiqa ah ayuu masuulka si joogta ah u qufacayay,
taasi oo sababtay in siyaasiyiintii halkaasi ku sugnaa aysan maqal codkiisa.
Qosol iyo xiisad ayey ka
dhex abuurtay gudaha aqalka baarlamaanka, iyada oo uu wasiirka agtiisa fadhiyey ra’iisal
wasaare Scott Morrison.
Josh Frydenberg, waxa laga baaray cudurka coronavirus balse
natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka uusan qaban cudurkan.
"Waa cunsurinimo in Faransiiska uu mamnuuco indhashareerka dadkana uu ku qasbo daboolashada afka iyo sanka"
Qoraal lagu daabacay wargays ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa
ka hadlay isdhaafsiga u dhexeeya sharciyada uu Faransiiska dadku ugu qasbayo
inay afka iyo sanka dabuushan ugana mamnuucaya xirashada indhashareerka..
Maqaalkan oo ay qortay Maryam Khan, ayey kaga hadashay
indhashareerka iyo dabuulashada sanka iyo afka xilliga corona, waxayna tusaale
u soo qaadatay dalka Faransiiska oo horay u mamnuucay xirashada indhashareer.
Dad ka badan 26,000 oo qof ayaa fayraska Corona u dhimata,
Faransiiska wuxuu soo rogay dhaqangelinta daboolidda afka iyo sanka si looga
hortago faafidda cudurkan balse waxay taasi horseeday in laga hadlo sharciyadii
horay loogu soo rogay dadka lagada tira badanyahay.
“Haweenka Muslimiinta waxaa loo diiday
xorriyadda ay ku xirtaan waxwalba oo ay doonayaan, maahan o’olole ka dhan ah
diiditaanka waxa ay rabaan inay xirtaan balse iskudayada lagu carqaladaynayo
waxa ay aaminsanyihiin ayaa ah waxa aan ka soo horjeedo.” Ayey tiri.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Twitter oo ku dhawaaqday arrin aad loo hadal hayo
Shirkadda Twitter ayaa ku dhawaaqday in shaqaalaheeda ay
marwalba guryahooda ka shaqayn karaan, haddii ay u baahdaan.
Go’aankan ayaa imaanaya kaddib markii ay shirkadda sheegtay in xilligii
ay shaqaalaheeda guryaha ka howlgalaayeen ay u cadaatay suurtagalnimada ah in
guryaha xilli walba laga shaqayn karo.
Balse waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqaalaha ay marwalba
“haddii ay doonan” ku soo noqon karaan xafiiska.
Horaantii bishaan Google iyo Facebook ayaa sheegay in
shaqaalahooda ay guryaha ka shaqayn doonan ilaa dhamaadka sanadkan.
“Bilihii la soo dhaafay waxa aan ogaanay in guryaha si fiican
looga shaqayn karo. Marka haddii ay shaqaalaheenna ay ku jiraan xaalad u
sahlayso inay guryaha ka shaqeeyan waxaan doonaynaa inaan sidaas ku sii wadno,”
Ayey tiri shirkadda Twitter.
Hadalkan ka soo yeeray shirkadda Twitter ayey qaar ka mid ah
khubarada dhanka tiknolojiyadda ku sheegeen “bilaw cusub .“
Shirkaddan oo uu saldhigeeda yahay magaalada San Francisco ayaa
waxa ka howlgala shaqaala gaaraya 4,000 oo qof.