Wasiir isaga oo canugiisa dhabarka ku wata shir ka qeybgalay

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Wasiir isaga oo cunigiisa dhabarka ku wata shir kaga qeybgalay

    .

    Xigashada Sawirka, AISSATOU BAH

    Wasiirka waxbarashada dalka Sierra Leone ayaa kasoo muqday shir muuqaal ah isaga oo canugiisa oo 10 bilood dhalan ku wata dhabarka.

    Waxay arrintani hadal heyn ka dhex dhalisay baraha bulshada.

    Wasiirkan oo lagu magacaabo Moinina Sengeh wuxuu sheegay in tallaabadan uu uga dan lahaa in ay dhiirrigelin wanaagsan ay u noqoto ragga kale si ay u caawiyaan haweenka.

    Wuxuu BBC-da u sheegay in dhif ay tahay in la arko aabe canugiisa ku sita dhabarka.

    Mr Sengeh ayaa jikada ku jiray xilliggii uu billaabanayay shirka oo ahaa mid muuqaal ah oo la isticmaalay barta Zoom, kaddibna wuxuu arkay caugiisa oo hurdaya.

    Wuxuu go'aansaday inuu dhabarka ku sido isaga oo shirka ku jira.

    Waxay arrintani fakar ku reebtay rag badan oo aan ilmahooda qaadi jirin, waxayna tusisay in ay ku dadaali karaan xannaaneyta carruurtooda.

    "Waxaan leeyahay saaxiibbo badan oo aan waligood xafaayad ka baddalin cunugooda, carruur badan ayeyna leeyihiin, mana fahansana sida ay arrintaas suurtagal ku tahay,” ayuu yiri.

    Ragga qaar ayaa qoraal uu wasiirkan soo dhigay Twitter-ka uga jawaabay iyagoo tusaya dadaalka ay carruurtooda u sameeyaan.

    "Wuxuu dhiirogelin u yahay rag badan oo ku nool Sierra Leone iyo guud ahaan qaaradda. Waa nin aanan rumeysneyn in haweenka oo kaliya ah ay saarantahay mas'uuliyadda daryeelka carruurta", waxaa sidaas sheegtay Nemata Majeks-Walker oo u doodda xuquuqda haweenka dalkaas.

  2. Puntland: Qofkii ku geeriyooday Goldodob wuxuu qabay cudurka Korona

    Puntland ayaa xaqiijisay in nin todobaadkii hore magaalada Goldodob ee gobolka Mudug ku dhintay uu qabay cudurka Covid-19.

    Baaritaanka caafimaad ee marxuumka oo dibedda loo qaaday ayaa muddo maqnaa, waxaana markii la soo celiyay la ogaaday inuu qabay xanuunka.

    Agaasimaha isbitaalka Goldodob ayaa BBC u sheegay in ninka geeriyooday muddo shan maalmood lagu daweynayay xarun gaar ah oo ka tirsan isbitaalka isla markaana uu qabay xannuuno kale.

    Wuxuu intaas ku daray in dabalgal ay ku sameeyeen14 qof oo la rumeysan yahay inay la kulmeen ninka geeriyooday balse aysan jirin cid lagu arkay calamaadaha cudurka.

  3. Mid kamid ah masaajidda ugu weyn Soomaaliya oo la xiray

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mid kamid ah masaajidda ugu waaweyn Kismaayo oo la yiraahdo masjidka Xareed Yaroow maanta salaaddii Jimcaha laguma tukan waana la xiray kadib markii culimada masjidku ay sidaa go’aamiyeen.

    Mid kamid ah jameecada masaajidka ku tukan jiray ayaa laga helay cudurka COVID-19 sidaas darteed ayay culimadu u xireen masaajidka.

    Waa tallaabadii ugu horreysay ee masaajid Soomaaliya ku yaala uu qaado tan iyo markii uu bilowday cudurka safmarka ah ee Korona.

  4. Comoros oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Korona ah

    Dalkan ayaa caan ku ah dalxiiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dalkan ayaa caan ku ah dalxiiska

    Jasiiradda Comoros waxay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyey ee feyraska Korona, madaxweyne Azali Assoumani wuxuu sheegay in qofkan laga helay cudurka uu la kulmay qof kale oo ka yimid dhinaca Faransiiska, waxaana arrintani laga soo xigtay Website ay eedahay madaxtooyada.

    Bukaanka ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla dalkaas.

    Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda ay ku raad joogto dadka la rumeysan yihiin inay la kulmeen bukaanka.

    Comoros ayaa noqonayaa dalkii ugu dambeeyay ee ka tirsan qaaradda Afrika oo xaqiijiyay cudurka halka Lesotho ilaa iyo haatan uusan shaacin wax kiis ah oo ku saabsan cudurka.

  5. Dakhtar sharraxaya sababaha dhaliyay in cudurka Korona uu ku faafo Soomaaliya

    Waxaa jirta cabsi ku aaddan in tirada dhabta ee coronovirus ee Soomaalia, in aan si wanaagsan loo tebin. Ha'yadda Laanqayrta cas, ayaa sheegtay inay ka werwersan tahay in tirada dhabta ee kiisaska Soomaaliya ay ka fog tahay tan ay dawladdu sheegtay ee ah 604. iyada oo guud ahaanba waaxda caafimadku ee dalku wehel u ahayd soddon sanno oo lagu jirey xaalad qas ah.

    Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday shaqaalaha caafimaadka ee leh, sharciga inay huraan kaalmadooda. Haddaba xaaladdaas iyo waxa keenay, ayaan ka waraysannay Dr Cosaama Cabdi Cali, oo ka mid ah maamulka cisbitaalka Kalkaal, wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil.

    Qoraalka Codka, Dakhtar sharraxaya sababaha dhaliyay in cudurka uu ku faafo Soomaaliya
  6. Ra'iisul wasaaraha Ruushka oo laga helay cudurka Korona

    Waxaa arrintani laga baahiyay telefishinka dowladda xilli Ra'iisul wasaaraha iyo madaxweyne ay kasoo muuqdeen muuqaal toos ah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Waxaa arrintani laga baahiyay telefishinka dowladda xilli Ra'iisul wasaaraha iyo madaxweyne ay kasoo muuqdeen muuqaal toos ah

    Ra'iisul wasaaraha Ruushka Mikhail Mishustin ayaa laga helay xannuunka Korona kaddib markii la baaray.

    Wuxuu xaqiijiyay in laga helay cudurka, waxay arrintani imaaneysaa xilli Ruushka uu maalin gudaheed xaqiijiyay 7,099 qof uu ku dhacay cudurka, guud ahaan kiisaska cudurka ee dalkaas waxay gaarayaan 100,000.

    Mikhail Mishustin wuxuu xilkan qabtay bishii January, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday dadaallada looga hortaggayo safmarka.

    Mr Mishustin ayaa soo jeediyay in xilka si kumeel gaar ah loogu wareejiyo ku-xigeenkiisa Andrei Belousov, madaxweyne Putin wuu ka aqbalay arrintaas.

    Mr Mishustin ayaa haatan si iskiisa ah isu karantiilaya.

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu yiri " Waxa haatan kuugu dhacay qof kasta ayuu ku dhici karaa marar badan waan sheegay arrintaas"

  7. Guud ahaan dunida: Hal malyan oo qof oo ka bogsatay cudurka Korona

    In ka badan hal malyan oo qof ayaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay inay ka bogsadeen cudurka Covid-19, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University.

    Halka kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Korona guud ahaan dunida ay ka badan yihiin 3 malyan, waxay tani ka dhigan tahay in tirada dadka uu ku dhacay intooda kasoo kaceen.

  8. Augustine Mahiga oo geeriyooday

    Augustine Mahiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Augustine Mahiga

    Wasiirka dastuurka iyo arrimaha sharciga dalka Tanzania Augustine Mahiga ayaa saaka ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Dodoma.

    Mahiga wuxuu ahaa wakiilkii hore ee gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee qaabilsanaa Soomaaliya, wuxuu sidoo kale ahaa ergeygii joogtada ee Qaramada Midoobey ee Tanzania.

    Madaxweynaha Tanzania John Magufuli wuxuu sheegay in Mahiga uu ku xanuunsaday gurigiisa isla markaana uu geeriyooday markii la geeyay isbitaal maxalli ah.

  9. Kulan wacan saaxiibbayaal, Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .