Ciidammada ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa ku guuleystay inay hawada u diraan dayax gacmeed militari.
Waxaana dayax gacmeedka loogu magac daray Nuur, ciidammada waxay sheegeen in Arbacadii dayax gacmeedka laga ganay deegaan fog oo ku yaalla saxaraha dalkaas.
Muuqaal uu baahiyay telefishinka dowladda wuxuu muujinayaa in dayax gacmeedka lagu dul qoray aayad Qur'aan ah oo inta badan muslimiinta ay akhristaan marka ay safrayaan.
Taliyaha ciidammada ilaalada kacaanka, Janaraal Xuseen Salaami wuxuu sheegay inay ku tallaabsadeen dadaallo ay ku xoojinayaan helidda xog militari.
"Maanta waxaan adduunka kala soconaa anaga oo ku sugan hawada,,waa bilowgii aan ku sameyn laheyn quwad weyn' waxaa sidaas yiri janaraalka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Faris.
Taliyaha ciidammada Iiraan u qaabilsan arrimaha cirbixiyeenada iyo hawada sare, Janaraal Caamir Ali Hajizadeh in dayax gacmeedka ay ka sameeyeen maddooyin dareera ah iyo kuwo adag , wuxuu ku dhawaaqay "Kaliya ah quwadaha waaweyn ayaa awoodi karaa tallaabadaas"
Wasiirka isgaarsiinta IIraan Maxamed Javad Azari Jahromi ayaa
bogaadiyay ciidammada oo uu sheegay in qaranka ay horumar weyn gaarsiiyeen isla
markaana barnaamijkan uu yahay mid difaac ah.
Iiraan waxay sannadkii hore ku guuldareysatay in hawada ay u
dirto dayax gacmeed, waxaana sidoo kale jirtay qarax aan la ogeyn halka uu ka
yimid oo burburiyay dayax gacmeed oo iyagu lahaayeen.