Tirada dadka u dhintay coronavirus ee Soomaaliya oo 16 gaartay
Tebin toos ah
Tebin toos ah
War deg deg ah, Tirada dadka u dhintay coronavirus ee Soomaaliya oo 16 gaartay
Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya waxay xaqiijisay 41 qof oo kale oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 halka 2 qof oo kalena ay u dhinteen cudurka.
Guud ahaan kiisaska la xaqiijiyay ee coronavirus gudaha soomaaliya waxay gaarayaan 328 halka tirada dadka u dhintayna ay gaarayaan 16 qof.
"Anaga oo Soomaali matalayna waxaan cunto u karinay dhakhaatiirta" Mareykanka
Qoraalka Muuqaalka, Waa nin Soomaali ah oo maqaayaddiisu ay cunto bilaash ah u qeybiso dhakhaatiirta ka shaqeynaya daweynta Coronavirus ee Minneapoli
Khilaafkii Jubbaland oo laga heshiiyay
Qoraalka sawirka, Cabdirashiid Xiddig, Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdinaasir Seeraar
Waxaa gordhaw lasoo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa maamulka Jubbaland oo u dhexeeyay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo xubnaha mucaaradka ee la magac baxay isbaddal doonka oo ay kala hogaaminayaan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid xiddig kaddib markii wadahadallo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Waxyaabaha ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah in lasoo dhiso xukuumad wadaag ah oo laga qeybgelinayo mucaaradka.
"Jubbaland inay horey diyaar ugu aheyd dib u heshiisiin gogosha nabadda ay furan tahay ha noqdeen ciddi siyaasad wax ku tabaneysay ha noqoto ciddii iyadu wax kale isku heysa....in aan dooneyno in aan wax walbo xal iyo wadahadal ku dhameyno" ayuu yiri Axmed Madoobe.
Somaliland oo amar ku bixisay in la gubo qaadka wixii ka dambeeya Axadda
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa soo saartay tallaabooyin hor leh oo looga hortaggayo faafitaanka cudurka coronavirus, Somaliland waxay shaaca ka qaaday in laga bilaabo Axadda la joojinaya qaadkii la keyn jiray halkaas.
Waxaa sidoo kale lagu amray maamulada ka jira Somaliland inay gubaan dhammaan wixii qaad ah ee soo gala iyo in sharciga la horgeen cid kasta oo lagu qabto iyadoo qaad soo gelineysa Somaliland ama ka ganacsaneysa, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Somaliland.
Xigashada Sawirka, Somaliland
Shiinaha: Hilib been abuur ah oo lagu iibinayo maqayaadaha dib loo furayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilli dib loo furayo maqaayadaha ku yaalla Shiinaha, waxaa soo ifabaxaya wararka ah in maqaayadaha ku yaalla dalkaas lagu iibinayo hilib been abuur ah oo laga sameeyay geed.
Arbacadii, warshadda Beyond Meat waxay Shiinaha ka iibisay cuntooyin laga soo saaray geedaha xilli ay kala wareegeen maqaayado dhowr ah.
Maqaayadda KFC waxay sheegtay in toddobaadka ay baareyso hilibka digaagta oo been abuur ah.
Xilli Shiinaha uu kasoo kabanayo dhibaatadii uu ku reebay coronavirus, dad badan oo ku nool Shiinaha waxay haatan ka fakarayaan caafimaadkooda.
Warshadda Beyond Meat waxay sheegtay in dalabka hilibka laga sameeyay geedaha uu si weyn ugu soo badanayo Shiinaha.
Toddobaadkan, maqaayadda KFC waxay sheegtay in bilaabeyso in markii ugu horreysay ay Shiinaha ku tijaabin doonto hilibka digaagta oo laga sameeyay geedo, meelaha ay geyn doontana waxaa kamid ah magaalada Shanghai iyo magaalooyinka ku yaalla koonfurta ee kala ah Guangzhou iyo Shenzhen.
WHO oo cudurka kale uga digeysa Itoobiya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay ka digtay in cudurka Yellow Fever uu ka dilaacay dalka Itoobiya.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli ay sare u kaceen kiisaska dadka looga shakiyay inuu ku dhacay Yellow Fever.
Ha'yadda waxay sheegtay in cudurka uu ka dilaacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan dalkaas.
"Halista cudurka waa mid sarreeya, meelaha haatan uu ka dilacay cudurka sida Gurage iyo gobolka shucuubta koonfureed waxay muujineysa in si xowli ah uu cagaarshowga ugu baahayo deegaannada miyiga ah" sida ay sheegtay WHO.
Itoobiya waxay bilowday tallaal looga hortaggayo Yellow Fever kaas oo lagu bartilmaameedsanayo deegaannada halista ugu jiro inuu ka dilaaco cudurka.
Cudurka Yellow Fever waxaa dhaliyaa feyras ay kaneecada u gudbisa banii'aadanka.
Iiraan oo hawada u dirtay dayax gacmeed uu ku qoran yahay aayad Qur'aan ah
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Iiraan waxay hawada u ditay dayax gacmeed militari
Ciidammada ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa ku guuleystay inay hawada u diraan dayax gacmeed militari.
Waxaana dayax gacmeedka loogu magac daray Nuur, ciidammada waxay sheegeen in Arbacadii dayax gacmeedka laga ganay deegaan fog oo ku yaalla saxaraha dalkaas.
Muuqaal uu baahiyay telefishinka dowladda wuxuu muujinayaa in dayax gacmeedka lagu dul qoray aayad Qur'aan ah oo inta badan muslimiinta ay akhristaan marka ay safrayaan.
Taliyaha ciidammada ilaalada kacaanka, Janaraal Xuseen Salaami wuxuu sheegay inay ku tallaabsadeen dadaallo ay ku xoojinayaan helidda xog militari.
Xigashada Sawirka, Reuters
"Maanta waxaan adduunka kala soconaa anaga oo ku sugan hawada,,waa bilowgii aan ku sameyn laheyn quwad weyn' waxaa sidaas yiri janaraalka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Faris.
Taliyaha ciidammada Iiraan u qaabilsan arrimaha cirbixiyeenada iyo hawada sare, Janaraal Caamir Ali Hajizadeh in dayax gacmeedka ay ka sameeyeen maddooyin dareera ah iyo kuwo adag , wuxuu ku dhawaaqay "Kaliya ah quwadaha waaweyn ayaa awoodi karaa tallaabadaas"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Iiraan waxay sannadkii hore ku guuldareysatay in hawada ay u
dirto dayax gacmeed, waxaana sidoo kale jirtay qarax aan la ogeyn halka uu ka
yimid oo burburiyay dayax gacmeed oo iyagu lahaayeen.
Bisado laga helay cudurka coronavirus
Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba bisadood ayaa laga helay cudurka coronavirus, waxayna
noqonayaa bisadahii ugu horreeyay ee laga helay cudurka gudaha Mareykanka, sida
ay sheegeen saraakiisha gobolka New York.
Waxaana lagu soo warramayaa in bisadahan lagu arkay xannuun
dhanka neefmareenada ah balse lagu wado in cudurka ay ka bogsdaaan.
Seynisyahanada
waxay kusoo warramaya in ay adagtahay in bisadahan ay cudurka u gudbin karaan
banii’aadanka.
Horraan dalka Mareykanka waxaa cudurka Corona laga helay Shabeel
dhiddig
ah oo dad'diisa lagu sheegay 4 sano islamarkana lagu magacaabo Nadia ayaa ku
jirta beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx.