You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Chelsea oo ka adkaatay Southampton
Kooxda Chelsea ayaa gaartay guul muhiim u ahayd oo xalay ay kaga badisay kooxda Southampton. Afar gool iyo labo ayay Chelsea ku garaacday Southamptom oo garoonka Chelsea marti ku ahayd.
Daqiiqadii shanaad ayuu weeraryahanka u dhashay dalka Biljimka Eden Hazar goolkii koowaad u dhaliyay kooxda Chelsea. Guusha kooxda Chelsea ayaa dhibco ahaan ka dhigaysa shaxda kala horraynta mid todobo dhibcood ka saray kooxda Tottenham.
Macalinka kooxda Chelsea Konte ayaa sheegay in kooxdiisa ay gaartay guul muhiim. Dhibco ahaan waxaa Chelsea ku xigta kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Tottenham.
Horyaalka England ayaa ku dhow gabogabo, Waxaana jirra hardan adag oo u dhaxeeya kooxaha.