You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jariidad Air China leedahay oo raaligalin bixisay
Madbacaddii daabacday erayada muranka dhaliyay ee ka dhanka ahaa dadka Madaw, Hindida iyo Pakistaniyiinta magaalada London dagan ayaa raali galin bixisay.
Shirkadda diyaaradaha Shiinaha ee Air China, ayaa sidoo kale duulimaadyadeeda ka saartay jariidaddaas, oo dadka rakaabka ah ugu baaqaysay in ay feejignaadaan marka ay marayaan qeybaha magaalada London ay ka daggan yihiin dadyowga madow iyo kuwa ka soo jeeda Indiya iyo Pakistan.
Shirkadda daabacday jariidadda oo lagu magacaabo 'Wings of China' ayaa raali gelin ka bixisay maqaalkaas oo sidoo kale rakaabka ugu baaqayay in aysan habeenkii ku dhex soconin London, gaar ahaan dumarka aysan cidina la socon.
Shirkadda diyaaradaha ayaa khaladkaasi dusha ka saartay tifaftirayaasha jariidadda, iyadoo sheegtay in aanay la qabin fikirkaas.