Waaliddiinta oo looga digay inaysan baraha bulshada soo dhigin sawirrada carruurtooda

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Liv McMahon
- Role, Weriyaha teknolojiyadda
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Hay'adda Qaranka ee Dembi-baarista ee Boqortooyada Midowday NCA ayaa uga digtay waalidiinta inaanay si fagaare ah ugu baahin internetka sawirrada carruurtooda, sababo la xiriira kororka isticmaalka sirdoonka macmalka ah (AI) ee lagu sameeyo sawirro iyo muuqaallo xadgudub ku ah carruurta.
NCA iyo Hay'adda Internet Watch Foundation (IWF) ayaa sheegay in ay sii kordhayso halista ah in sawirrada carruurta ee internetka lagu daabaco loo adeegsado samaynta agab la xiriira xadgudubka galmada ee carruurta (Child Sexual Abuse Material – CSAM).
Hay'adda IWF waxay sheegtay in sannadkii 2025 la aqoonsaday in ka badan 8,000 oo sawir iyo muuqaal oo AI lagu sameeyay kuwaas oo si dhab ah u ekaysiinaya xadgudubka galmada ee carruurta. Tiradan ayaa ahayd koror dhan 14% marka loo eego sannadkii ka horreeyay.
"Inta annaga iyo hay'adaha booliisku aan la tacaalayno dembiilayaasha, ka hortaggu weli waa arrinta ugu muhiimsan," ayuu yiri Tim Wright, oo ah maamule sare oo ka tirsan Hay'adda Qaranka ee Dembi-baarista (NCA).
Iyadoo iskaashi la samaynaysa Hay'adda Internet Watch Foundation (IWF), hay'addu waxay soo saartay hagitaan cusub oo loogu talagalay waalidiinta, kaas oo sharxaya tallaabooyin ay qaadi karaan si ay uga caawiyaan ilaalinta badbaadada carruurtooda marka ay internetka isticmaalaan.
Hagitaanku wuxuu ku talinayaa in waalidiintu dib u eegaan settings-ka gaarka ah ee akoonnadooda ama ay sameeyaan koox gaar ah oo loogu talagalay "saaxiibbada dhow", haddii ay doonayaan inay la wadaagaan sawirrada carruurtooda dad kooban oo ay kalsooni ku qabaan.
Hagitaanku wuxuu leeyahay: "Sirdoonka macmalka ah (AI) wuxuu noqday qayb ka mid ah nolol-maalmeedka."
"Inkastoo uu leeyahay faa'iidooyin badan, haddana si khaldan ayaa loo adeegsan karaa, oo ay ku jiraan dadka u isticmaala samaynta, wax-ka-beddelka iyo faafinta sawirro ama muuqaallo qaawan, nus-qaawan ama galmo xambaarsan oo carruurta la xiriira."
Hay'adda IWF waxay sheegtay in falanqeeyayaasheedu ay sannadkii 2024 aqoonsadeen 13 muuqaal oo AI lagu sameeyay oo muujinaya xadgudub galmo oo carruurta ka dhan ah. Hase yeeshee, sannadkii 2025 tiradaasi waxay si weyn u korodhay oo gaadhay 3,440 muuqaal.
Boqortooyada Midowday (UK), sawirrada iyo muuqaallada noocan ah waxaa sharci ahaan loo tixgeliyaa agab la xiriira xadgudubka galmada ee carruurta (CSAM).
Dowladda UK waxay qaaday tallaabooyin ay kula dagaallamayso khataraha AI ee carruurta, gaar ahaan gabdhaha yaryar. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah mamnuucidda barnaamijyada loo yaqaan "nudification apps", kuwaas oo sawirrada dadka ka dhiga kuwo u muuqda qaawan iyadoo la adeegsanayo AI, iyo sidoo kale wax-ka-beddel lagu sameeyay sharciyada si shirkadaha horumariya AI loogu waajibiyo inay hubiyaan in nidaamyadooda aan loo adeegsan karin soo saarista agabka xadgudubka galmada ee carruurta (CSAM).
Tallaabooyinka ay waalidiintu qaadi karaan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hay'adda Qaranka ee Dembi-baarista (NCA) iyo Hay'adda Internet Watch Foundation (IWF) ayaa sheegay in hagitaankan cusub loogu talagalay inuu waalidiinta ka caawiyo fahamka khataraha gaarka ah ee la xiriira agabka xadgudubka galmada ee carruurta (CSAM), iyo doorka sii kordhaya ee sirdoonka macmalka ah (AI) ku leeyahay samayntiisa iyo faafintiisa.
Hagitaanku wuxuu leeyahay: "Maqalka arrimahan adigoo waalid ama daryeele ah wuxuu noqon karaa mid cabsi leh, laakiin keligaa ma tihid."
"Waxaa muhiim ah inaad ogaato inay jiraan tallaabooyin aad qaadi karto—kuwaas oo laga yaabo in qaar badan aad horeba u samaynaysay—si aad si wanaagsan ugu ilaaliso badbaadada ilmahaaga."
Hagitaanku wuxuu ku boorinayaa waalidiinta iyo mas'uuliyiinta daryeelka carruurta inay diiradda saaraan saddex arrimood oo muhiim ah:
Dib u eeg (Privacy Settings):
Isticmaal xakamaynta asturnaanta ee laga helo inta badan barnaamijyada bulshada (Settings) si loo xaddido cidda arki karta qoraallada iyo sawirrada, ama akoonka ka dhig mid gaar loo leeyahay (private account).
Hubi waxa lagu wadaagay baraha bulshada:
Dib u eeg sawirrada iyo macluumaadka ay waalidiinta ama xubnaha qoyska hore ugu daabaceen internetka.
Ka fiirso haddii ay muuqdaan xog lagu aqoonsan karo ilmaha, sida wejigiisa, dharkiisa iskuulka ama faahfaahin kale oo halis gelin karta asturnaantiisa. Haddii loo baahdo, tirtir sawirradaas.
Dib u eeg oggolaanshaha sawirrada:
Kala hadal saaxiibbada, qoyska iyo goobaha uu ilmuhu tago, sida iskuulada ama naadiyada, sida loo qaado loona isticmaalo sawirrada carruurta. Sidoo kale dib u eeg foomamka oggolaanshaha ee hore loo saxiixay si aad u hubiso in isticmaalka sawirradu uu waafaqsan yahay rabitaankaaga.
Hagitaanku wuxuu sidoo kale sheegayaa inay faa'iido leedahay in carruurta lagu daro wada-hadallada ku saabsan sida iyo meelaha sawirkooda lagu qaado ama lagu wadaago. Tani waxay ka caawin kartaa inay dareemaan kalsooni badan oo ay awood ugu yeeshaan inay yiraahdaan "maya" haddii aysan ku qanacsanayn in sawirkooda la qaado ama la faafiyo.
Walaacyada ka dhashay
Hagitaankan cusub wuxuu daba socdaa digniino ay sannado badan soo jeedinayeen khubaro iyo hay'ado u dooda badbaadada carruurta, kuwaas oo ka digayay khataraha ka dhasha waxa loo yaqaan "sharenting".
Ereyga "sharenting", oo lagu daray qaamuuska Collins English Dictionary sannadkii 2016, waxaa loo adeegsadaa in lagu tilmaamo dhaqanka ay waalidiintu ku wadaagaan baraha bulshada sawirrada ama muuqaallada carruurtooda.
Khubaradu waxay sheegeen in dhaqankani uu carruurta u horseedi karo khataro aan hore loo saadaalin karin, sida xatooyada aqoonsiga, khiyaano, ama inuu waxyeello u geysto asturnaantooda marka ay koraan.
Hase yeeshee, kororka helitaanka iyo awoodda qalabka sirdoonka macmalka ah (AI), oo loo adeegsan karo wax-ka-beddelka sawirrada—ay ku jirto in sawirka laga dhigo mid u muuqda in dharka qofka laga saaray—ayaa hadda noqday walaac dheeraad ah.
Maamulaha Hay'adda Internet Watch Foundation (IWF), Kerry Smith, ayaa yiri: "Ma doonayno inaan dadka ku nidhaahno ha la wadaagina sawirrada carruurtiinna dadka aad jeceshihiin oo aad ku kalsoon tihiin. Waxa keliya ee aan doonayno waa in qof walba uu ka warqabo khataraha suurtagalka ah, isla markaana uu go'aan xog-ogaalnimo ku saleeyo xaqiiqooyinka oo dhan."
Waxay intaas ku dartay: "Kuwani ma aha khataro mala-awaal ah; waa khataro dhab ah."














