You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay Israa'iil u soo ridday diyaarad ka soo gashay dhinaca Masar
Afhayeen u hadlay milatariga Israa'iil ayaa bayaan ku sheegay maanta oo Talaada ah ciidamadu ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo isku dayday hub si dhuumaalaysi ah uga soo galiso xadka Masar ee Israa'iil, ee aaga howlgalka qaybta Paran.
AFP ayaa soo tabisay bayaanka ciidamada iyada oo sheegtay diyaarada aan duuliyaha lahayn, afar hub ah iyo rasaas laga helay goobta, waxaana hubka la qabtay lagu wareejiyay booliska Israa'iil si baaritaan loogu sameeyo.
Ciidamada ayaa horay ugu dhawaaqay inay ka hor tageen iskudayo la mid ah oo si qarsoodi ah hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu soo galinayay marinka falastiiniyiinta.
Dhankiisa, Abu Obeida, afhayeenka Kooxda Qassam, garabka milatari ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay Talaadada in uu lumay xiriika kooxda ay la lahaayeen askari Israa'iili Maraykanka Idan Alexander ka dib duqaymo toos ah oo lagu beegsaday goobtii ay ku sugnaayeen. Waxaa uu intaa ku daray dhaqdhaqaaqooda ay weli isku dayayeen inay xiriir la sameeyaan.
Afhayeenka kooxda Qassam ayaa intaa ku daray isaga oo sii maraya kanaalkiisa Telegram ''Waxaan ku qiyaasaynaa ciidamada ay si kas ah isugu dayayaan nafis la xiriira faylka maxbuuska labada jinsiyadood leh, iyada oo u jeedku yahay sii wadida dagaalka xasuuqa ka dhanka ah dadkayaga''.
Sabtidii, kooxda Qassam ayaa soo daysay muuqaal lahaystaha Israa'iili-Maraykanka Idan Alexander oo kahor hadlaya kaamirada, isaga oo cambaareynaya dowlada Israa'iil sababta aysan isaga u badbaadinayn.
Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu booqday Waqooyiga Qaza, Talaadadii, iyada oo ciidamada Israa'iil ay sii wadaan weerarada cirka iyo dhulka ee dhanka xadka.
''Xamaas waxa ay sii wadi doontaa helitaanka duqaymo dheeraad ah,'' ayuu yiri Netanyahu intii uu ku guda jiray booqashada goobta ciidamada ee Waqooyiga Qaza, isaga oo uu weheliyo wasiirka difaaca Israel Katz.
''Waxaanu doonaynaa sii daynta lahaysatayaashayada, waxaana ku taaganahay gaaritaanka hadafyadeena, waxaynuna u sameynaynaa mahadnaqida ciidamadeena geesiyaasha,'' ayu uku daray Netanyahu, sida laga soo xigtay bayaanka uu soo saaray xafiiskiisa.
Xamaas: hubka dhigista iska caabinta waa khad cas
Sarkaalka Xamaas Sami Abu Zuhri ayaa sheegay wareejinta ''hubka kooxda iskacaabinta'' waa ''hal milyan oo khad cas ah, mana aha wax dood gali kara''.
Sarkaal kale oo falastiini ah oo la socda wadahadaladii xabad joojinta ayaa u sheegay BBC baaqyada qorshaha Israa'iil ee Xamaas uu yahay in hubka laga dhigo, iyada oo uusan jirin balanqaad Israa'iil inay dagaalka dhamaynayso ama isaga baxayso Qaza.
Sarkaal Xamaas ah ayaa ka rajaynaya dhaqdhaqaaqa uu gudbinayo jawaabtooda rasmiga ee soo jeedinta Israa'iil muddo 48 saac gudahood ah.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo Masar ah, ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Steve Witkoff ayaa dhowaan booqan doona Qaahira si uu wadahadallo ula yeesho mas'uuliyiinta Masar si loo gaaro xabbad-joojin laga gaaro Qaza.
Kanaalka wararka ee Qaahira News Channel ayaa sheegay in Masar ay soo bandhigtay hindise dib loo eegay oo ku saabsan xabbad joojin cusub oo laga sameeyo marinka Qaza.
Khasaaraha sii socda ee Qaza
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday in 17 qof ay ku dhinteen 69 kalena ay ku dhaawacmeen marinka Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay sababo la xiriira duqeymaha cirka iyo madaafiicda Israa'iill oo weli socda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tirada dhimashada tan iyo markii ciidamada Israa'iil ay dib uga bilaabeen howlgallada dhulka Falastiiniyiinta 18-kii Maarso ay gaartay 1,630 falastiiniyiin ah, iyada oo 4,302 ay ku dhaawacmeen.
Tirada guud ee Falastiiniyiinta lagu dilay dagaalka tan iyo markii uu dillaacay Oktoobar 7, 2023, ayaa gaartay ku dhawaad 51,000, marka lagu daro 116,343 dhaawac ah, kuwaas oo u badan carruur iyo haween, sida laga soo xigtay ilo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Marinka Qaza.
Illaha caafimaadka ayaa sheegay in saddex falastiiniyiin ah la dilay markii diyaaradaha dagaalka Israa'iil ay duqeeyeen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taal galbeedka Khan Yunis, ee koonfurta marinka Qaza.
Sidoo kale haweeney ayaa ku geeriyootay kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii bam lagu weeraray guri ay degan yihiin qoyska Caashuur oo ku yaala magaalada.
Abu Muxamed oo ka mid ah dadka ku nool bariga Khan Yuunis ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay xalay oo dhan madaafiic ku garaaceen dhismo afar dabaq ah. "Waxaan ka helnay hareeraha dhismaha burburay hal marqaati ah, afar kalena weli waxay ku hoos jiraan burburka, marka laga reebo dhaawacyada," ayuu yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in gaadiidka Ambalaasta iyo Kooxaha Difaaca Rayidka aysan soo gaari karin, sababta oo ah goobta ayaa ah mid halis ah.
Ugu yaraan laba falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay markii diyaaradaha Israa'iil ay duqeeyeen teendho ku taal mashruuca Beit Lahia ee waqooyiga marinka Qaza.
Qof Falastiini ah ayaa ku dhintay kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha Israel ay duqeeyeen guriga qoyska Al-Ghafri oo ku yaala wadada Al-jalaa ee xaafada Sheikh Radwan ee waqooyiga magaalada Gaza.
Shaqaalaha caafimaadka iyo kooxaha difaaca madaniga ah ayaa soo saaray lix meyd ah oo ay ku jiraan dhowr carruur ah iyo haween, ka dib markii la duqeeyay guriga qoyska Falyona ee xaafadda Tuffah, ee waqooyi bari ee magaalada Gaza.
Diyaaradaha Israel ayaa duqeeyay guri ku yaala magaalada Jabalia ee waqooyiga marinka Qaza. Dadka deggan Jabalia, ee waqooyiga Marinka Gaza, ayaa BBC u sheegay in kumannaan kun ay ka barakaceen afar dugsi oo ku dhow ka dib markii tiro ka mid ah ay taleefoonno ka heleen ciidammada Israa'iil oo dalbanaya in si degdeg ah looga saaro goobta duqeynta ka hor.
Jabalia ayaa ah deegaan ay dad badan ku nool yihiin, waxaana dadkii ku noolaa intooda badan ay ka barakaceen bilihii ugu horreeyay ee dagaalka, iyaga oo dib u soo laabtay kaddib heshiiskii xabbad joojinta ee la saxiixay ku dhawaad saddex bilood ka hor.