Dhegeyso: Shinni careysan oo dad ku leysay Wajeer
Dhegeyso: Shinni careysan oo dad ku leysay Wajeer
Published
Shini guuraysa ayaa dhaawac iyo dhimashaba ka gaysatay deegaan lagu magacaabo Biyo Madow oo magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-Bari Kenya dhanka koonfurta ka xiga.
Shinnida ayaa la sheegayaa in ay isku dhaceen shinni kale kadibna ay caradii kala dul dhacday dadka tuuladaas, waxaana ay halkaa ku dishay wiil yar oo laba sano jir ah halka dad lix ka badanna ay gaarsiisay dhaawacyo, iyadoo qarakood Isbitaal la dhigay.
Arrintaan ayaa dadka deegaanka ku noqotay yaab, welina waxaa halkii ku sugan shinnidii. Haddaba sida ay wax u dhaceen ayaa waxaanu ka waraysannay Dhuubow Odawaa Qase oo wiilka shinidu dishay awoowe u ah isaga laftiisuna ka mid ah dadka ay waxyeelladu soo gaartay.


