Masaajidkii ugu horeeyay oo laga dhisayo magaalo ku taalla Japan oo muran badan ka dhashay

Maanta waa goob cagaaran oo kaliya, laakiin dhawaan waxay noqon doontaa goobtii ugu horreysay ee masaajid laga dhiso magaaladan Japan.
"waxaan ka walwalsanahay in bulshadeennu ay isbeddeli doonto," ayay tiri Noriko Izumizawa, oo hore u deganayd aagga.
Qorshayaasha lagu dhisayo masaajid Islaami ah oo ku yaal Fujisawa, oo ah magaalo xeebeed ku taalla qiyaastii meel hal saac baabuur u socdo oo ah koonfurta Tokyo, ayaa dhaliyay falcelin isku dhafan.
Dadka qaar ayaa ka xanaaqsan oo cabsanaya, halka kuwa kalena ay u muuqdaan kuwo rajo qaba. Falcelintan isku dhafan waxay ka tarjumaysaa walaacyada sii kordhaya ee dadweynaha ee ku saabsan socdaalka iyo isbeddelka bulshada, maadaama Japan ay wajahayso shaqa yaraan sababtoo ah tirada dadka oo sii yaraanaysa.
In kasta oo socdaalka uu weli yahay arrin siyaasadeed oo xasaasi ah oo ka jirta Japan, iyadoo xayiraado adag la saarayo, Japan waxay si isa soo taraysa ugu tiirsan tahay shaqaalaha ajnabiga ah si ay u buuxiyaan boosaska shaqada. Tani waxay ka dhigan tahay in soogalooti badan oo leh dhaqamo kala duwan, luuqado, diimo, iyo qaab nololeed ay imaanayaan Japan.

Sidaa darteed, doodda haatan ka socota Fujisawa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Japan ayaa la xiriirta arrimo aasaasi ah oo ku saabsan aqoonsiga qaranka iyo aqoonsiga shakhsiga ah ee dalkan.
Izumizawa kaligeed ma qabto dareenkan. Waxay ka mid tahay dad badan oo ku nool Fujisawa oo walaac ka muujinaya kororka tirada iyo joogitaanka bulshada Muslimka ah. Waxay sheegtay in doodaha kulul ee kala qayb-qaybinta keenaya ee ku saabsan arrimaha socdaalka ee ka jira Mareykanka iyo Yurub ay iyaguna qayb ka yihiin walaaceeda sii kordhaya.
Horraantii sanadkan, dibadbaxyo ka dhan ah masaajid ayaa ka dhacay saldhig tareen oo maxalli ah, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay uga soo horjeestaan masaajidka la qorsheeyay. Dibadbaxayaasha qaar ayaa ku doodaya in dhismaha masaajid aad u weyn marka la barbar dhigo macbadka Shinto ee Japan ee u dhow iyaga ay tahay mid ixtiraam darro ah.
Intaas waxaa dheer, warbixinnadu waxay tilmaamayaan in baraha bulshada ee dalka Japan ay ku faafayaan hadallo naceyb xambaarsan iyo macluumaad khaldan.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaysa in masaajidda loo diray taleefanno iyo iimayllo ay ku jiraan aflagaaddo, taas oo keentay in kooxo ka soo horjeeda naceybka ay sameeyaan dibadbaxyo jawaab-celin ah, isla markaana ay ku baaqaan in la joojiyo naceybkaas.
Hiroki Suzuka, oo maamula maqaayad ku taal dhinaca kale ee waddada kana soo horjeeda goobta laga dhisayo masaajidka Fujisawa, ayaa ku baaqaya in loo baahan yahay faham iyo wada-hadal dheeraad ah.
"Si gaar ah uma diiddani, mana taageersani," ayuu yiri isaga oo ka hadlayay masaajidka la dhisayo.
Wuxuuna ku daray: "Tallaabada ugu horreysa waa in la fahmo iyaga; waxa uu yahay Islaamku, cidda ay yihiin Muslimiintu, iyo qiyamka iyo aragtiyaha ay haystaan. Wax walba waxay ka billowdaan maskax furan iyo rabitaan ah in la is-fahmo."
Nolosha Muslimka ee dalka Japan

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ganacsade Mohammad Mohiuddin ayaa muddo 39 sano ah ku noolaa magaalada Osaka ee dalka Japan. Wuxuu dalkiisa hooyo ee Sri Lanka ka soo aaday Japan sanadkii 1987-kii—xilligaas oo dhaqaalaha Japan uu meeshii ugu sarreysay marayay—isagoo raadinaya shaqo ka wanaagsan tii uu haystay.
Markii hore wuxuu ka ganacsan jiray dhagxaanta qaaliga ah, ka dibna wuxuu u gudbay qaybta ganacsiga guud, isagoo baabuurta la isticmaalay ka dhoofin jiray Japan una diri jiray waddamada Sri Lanka iyo Pakistan.
Mohiuddin wuxuu sheegayaa in markii uu Japan yimid, ay aad u yaraayeen dadka ajaanibta ah ee halkaas ku nool.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegayo, hab-dhaqanka dadka deegaanka ayaa noqday mid ka adag sidii hore, waxaana soo kordhay hadallada meel-ka-dhaca ah ee ka dhanka ah Muslimiinta, ha ahaato baraha bulshada ama marka fool-ka-fool la isku arko.
"Waxaa jira hadalo aan la soo koobi karin oo lagu qoro baraha bulshada, sida 'Ka baxa Japan' iyo 'Ku noqda dalkiina.' Dadka qaarkood xitaa waxay iigu yimaadaan masaajidka oo i caayaan," ayuu yiri.
Mohammad Mohiuddin wuxuu maalin kasta aadaa masaajidka Osaka si uu u tukado ugana ka qaybqaato hawlaha kale ee bulshada Muslimka ah. Wuxuu sheegayaa inuusan waligiis dareemin in noloshiisu ay khatar ku jirto.
Inkastoo uu sanado badan xiriir wanaagsan la lahaa deriskiisa, haddana wuxuu sheegayaa inuu dareemay isbeddel ku yimid hab-dhaqanka dadka ee ku aaddan Muslimiinta sannadihii ugu dambeeyay.
"Hadda waxaan dareemayaa inay dadku naga cabsanayaan," ayuu yiri.
Wuxuu sheegayaa in cayda iyo hadallada xun ay bateen sannadihii u dambeeyay. Wuxuu xusayaa in xubno ka tirsan bulshada Muslimka ah loogu yeeray "argagixiso," lagu eedeeyay inay sameynayaan bambooyin, loona sheegay inay ka baxaan Japan.
"Marka ay wax sidan oo kale ah dhacaan, waxa kaliya ee aan sameyn karno waa inaan samir muujinno," ayuu yiri. "Waxay doonayaan inay abuuraan dagaal iyo khilaaf. Waxay doonayaan inay arkaan inta aan u dulqaadan karno arrintan."
"Marka waan is-dejinaa, si tartiib ah ayaan u hadalnaa, si wanaagsanna waan ula dhaqannaa, sababtoo ah dadka Japan badankoodu kuma filna aqoonta ay u leeyihiin diinta Islaamka," ayuu ku daray.












