Loollanka Ruushka iyo Galbeedka ee kasbashada Afrika

Xigashada Sawirka, EPA
In kasta oo ay Ruushka u go’doomiyeen dalalka Galbeedku dagaalka uu ku qaaday Ukraine, hadana waxa roogga cas loo fidiyey wasiirka arimaha dibadda Sergei Lavrov oo booqasho ku maraya afar dal oo Afrikaan ah.
Booqashada Lavrov waxay muujisay in Ruushku weli Afrika ku leeyahay awood diblomaasiyadeed oo uu kula loolami karo reer Galbeedka kasbashada maanka dawladaha Afrika, waxaanu booqasho ku maray Masar, Itoobiya, Yugaandha iyo Congo-Brazzaville.
Qaramada Afrika badankooda oo ay ka mid yihiin Nigeria iyo Kenya oo aha labada dal ee ugu dhaqaalaha weyn galbeedka iyo bariga Afrika, ayaa u codeeyey mooshin golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay la hor keenay oo dhaleecaynayey “gardarrada” Ruushka isla markaana dalbanayey inuu ka baxo Ukraine.
Hase yeeshee ku dhawaad kala badh tirada wadamadii ka aamusay codbixintaasi oo ahayd 17 waxay ahaayeen wadamo Afrikaan ah.
Wadamadaas waxa ka mid ahaa Koonfur Afrika oo dareensan in Ruushku wax taray oo uu ka taageeray halgalkii ay kula jirtay xukunkii caddaanka tirada yar iyo Yugaandha oo iyaduna dhawaan la wareegaysa gudoomiyenimada Dhaqdhaqaaqa Wadamada Dhexdhexadka ah, oo ah urur caalami ah oo la sameeyey waagii uu jiray dagaalkii qaboobaa si aanay dalalkaasi ugu milmin loolankii u dhexeeyey quwadihii Galbeedka iyo Hantiwadaagii bariga.
Shir jiraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo Lavrov ayaa madaxweynaha Yugaandha Yoweri Museveni mar kale ku sheegay mawqifka dhexdhexaadka ah ee dalkiisu ka taagan yahay colaadda Ukraine.
“ Ma rumaysnin aragtida ah in aanu cadow u noqono cid kale cadowgeed” ayuu yidhi.
Muhiimad weyn ayay u lahayd Lavrov booqashadani oo ah in uu ka hor tago eedda ah in Ruushku “gaajo baday” Afrika. Wuxuu sababta qiimaha kordhay ee firileyda ku sheegay cunoqbataynta ay reer Galbeedku ku soo rogeen Ruushka.
Wax caawimo ah umuu ballan qaadin wadamada Afrika oo ay kaga cayntaan saamaynta korodhka sicirka maciishadda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Barbar dhig taas ballanqaadka Maraykanku ku sheegay inuu 1.3 bilyan oo doolar ku caawinayo wadamada Afrika si ay ula tacaalaan gaajada ama qorshaha Faransiisku ku caawinayo wax soo saarka beeraha Afrika ee la yidhaa Food and Agriculture Resilience Mission (FARM).
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa isna booqasho ku maraya todobaadkan Afrika oo wuxuu tagay Cameroon, Benin iyo Guinea-Bissau.
Markuu Cameroon marayey wuxuu yidhi “Dad baa na eedeeya oo yidhaa cunoqabataynta reer Yurub ayaa sababtay cunto yarida dunida ee Afrikana taabatay. Waa been. Cuntadii sida shidaalka oo kale ayaa waxay noqotay wax Ruushku ku dagaalamo”.
Isaga oo aragtidaa burinaya ayaa Lavrov wuuu sheegay in cunto yaridu bilaabantay markii uu dillaacay Korona laakiin wuxuu qiray in “xaaladda Ukraine saamayn dheeraad ah ku yeelatay suuqyada”.
Masar markii uu joogay ayaa Lavrov wuxuu dalkaa u xaqiiyey in beeraleyda firileyda u dhoofisaa ay ka soo bixi doonaan “waajibaadkooda”.
Dhaqaalaha Masar wuxuu aad ugu tiirsan yahay Ruushka marka la barbar dhigo wadamo badan oo kale oo Afrikaan ah. Qiyaastii 80% qamadiga ay la soo degtaa wuxuu uga yimaadaa Ruushka iyo Ukraine saddex meeloodow meel dadka dalxiiska u tagaana waa dalxiiseyaasha Ruushka.
Ruushku wxuu sidoo kale seeska u dhigay wershad laydhka ka dhalisay nukliyeerka oo ay ku baxayso 26 bilyan oo doolar oo uu u dhisayo Masar.

Xigashada Sawirka, EPA
Waayadii hore ganacsiga Ruushku la leeyahay Afrika wuxuu u badnaa dhanka gaashaan dhigga oo ahaa iibka qoryaha darndooriga u dhaca ilaa diyaaradaha dagaalka. Beryihii dambe se calooshooda u shaqaystayaal Ruush ah ayaa la geeyey Mali iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe si ay dawladda gacan uga siiyaan in ay ka adkaato fallaagada.
Intii uu socdaalka ku marayay Lavrov wuxuu sidoo kale xoogga saaray hirgelinta kulan madaxeedka Ruushka iyo Afrika ee lagu wado inuu Oktoobar ka dhaco dalka Itoobiya, halkaas oo heshiisyo dhanka gaashaan dhigga iyo ganacsiga ah lagu kala saxeexan doono si loo xoojiyo xidhiidhka labada dhinac.
Waxaa degdeg isna uga daba yimid oo dalal Afrika ah maraya ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Micheal Hammer, oo sidoo kale booqasho ku maraya Masar iyo Itoobiya halka danjiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ay iyaduna todobaadka dambe booqasho ku tagi doonto Yugaandha iyo Gaana.
Reer Galbeedku waxay doonayaan in ay muujiyaan aragti ah amaba ay doonayaan in ay wadamada Afrika tusaan in ay ka go’an tahay in ay wax badan taraan oo ah ganacsi iyo gargaar ba.













