Khilaafka Itoobiya iyo Eritriya oo cirka isku shareeray iyo labada dal oo safaaradaha kala qaatay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhayso safaaraddeeda ku taalla caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo sidoo kale amar ku siisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib waxa ay ku tilmaantay falal "gardarro iyo dhibaateyn" ah oo Eritrea ay si toos ah iyo si dadban ugu kacday.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in toban diblomaasi lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen hawlo khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.
Go'aankan ayaa yimid xilli ay dib u soo cusboonaadeen dagaallo iyo xiisado ka jira waqooyiga Itoobiya, iyadoo mas'uuliyiinta Itoobiya ay Eritrea ku eedeeyeen in ay taageerto kooxo hubaysan oo dagaal kula jira dawladda federaalka.
Dhanka kale, dawladda Eritrea ayaa iyaduna ku dhawaaqday in ay jartay dhammaan xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.
Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa sheegtay in Asmara ay muddo dulqaad iyo is-xakamayn muujisay si looga fogaado dagaal halis ah, balse waxa ay hadda sheegtay in aanay haysan waddo kale oo aan ahayn inay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jarto Itoobiya.
Eritrea waxay Itoobiya ku eedeysay in ay muddo saddex sano ah wadday siyaasad ay ku tilmaantay nacayb iyo cadaawad, iyadoo sidoo kale sheegtay in Addis Ababa ay doonayso in ay hesho marin badeed.
Eritrea ayaa marar badan lagu eedeeyay inay ku lug leedahay colaadaha sokeeye ee Itoobiya.
Kaddib markii uu qarxay dagaalkii waqooyiga Itoobiya, mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Afar ayaa BBC-da u sheegay in ciidammo Eritrean ah ay ka gudbeen xadka Itoobiya, isla markaana ay ka barbar dagaallamayaan ciidammada Tigray.
Mas'uuliyiin kale oo Itoobiyaan ah ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeeyay in ay taageerto kooxo hubeysan oo dawladda ka soo horjeeda.
Si kastaba, dawladda Eritrea ayaa beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in aanay taageerayn isbahaysi ay ku jiraan kooxo hubeysan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa dhinaceeda ugu baaqday Eritrea in ay ka fogaato tallaabooyin ka hor imanaya mabaadi'da xidhiidhka dawladaha madax-bannaan.
Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay inay weli qiimeyso xidhiidhkii taariikheed, dhaqameed iyo kan shacabka ee labada dal, waxayna ku celisay in ay taageersan tahay wada-noolaanshaha nabadeed, xasilloonida gobolka iyo in khilaafaadka si nabad ah lagu xalliyo.

Xigashada Sawirka, MOI Eritrea
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa si naadir ah uga jawaabay su'aal ay BBC weyddiisay, isaga oo beeniyay eedeymaha sheegaya in Eritrea ay ku lug leedahay colaadda dib uga soo cusboonaatay waqooyiga Itoobiya.
Yemane ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Itoobiya in uu isku dayayo in uu mas'uuliyadda dhibaatooyinka gudaha dalka dusha kaga tuuro dalalka deriska ah.
Isaga oo ka hadlayay dagaallada cusub ee ka socda Tigray iyo gobollada ku dhow, Yemane wuxuu sheegay in dawladda Itoobiya ay caado ka dhigatay in ay dalalka deriska ah ku eedeyso dhibaatooyinka gudaha marka ay dalka ka dhacaan qalalaase siyaasadeed iyo amni.
Wuxuu sheegay in xukuumadda PP ay eedda deriska u adeegsato inay indhaha shacabka ka weeciso colaadaha iyo khilaafaadka gudaha ee dalka.
Horaantii Sebtembar, dhowr kooxood oo hubeysan ayaa ku midoobay isbahaysi ka kooban toddobo kooxood, kuwaas oo sheegay in ay doonayaan inay meesha ka saaraan dswladda Addis Ababa.
Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa Eritrea, Suudaan iyo Masar ku eedeeyay in ay taageeraan kooxaha hubeysan. Hase yeeshee, Yemane Gebremeskel ayaa eedeymahaas diiday, isaga oo sheegay in xasillooni-darrada Itoobiya ay salka ku hayso dhibaatooyin siyaasadeed iyo amni oo gudaha dalka ah.
Dagaallo ayaa toddobaadkii hore ka qarxay waqooyiga Itoobiya, taasoo dhalisay walaac laga qabo in xaalad bani'aadannimo oo hor leh ay ka dhalato dalka iyo in xasilloonida gobolku ay sii xumaato.
Dawladda Itoobiya ayaa hadda wajahaysa dagaallo ka socda Tigray, Amhara iyo deegaanno kale, taasoo ciidammadeeda ku qasabtay in ay la tacaalaan dhowr jiho oo colaadeed.
Eritrea waxay xulafo muhiim ah la ahayd dawladda federaalka Itoobiya intii uu socday dagaalkii Tigray ee labada sano qaatay, kaas oo ku dhammaaday heshiiskii nabadda ee Pretoria bishii November 2022-kii.
Hase yeeshee, tan iyo markii dagaalkaasi dhammaaday, xidhiidhka u dhexeeya Asmara iyo Addis Ababa ayaa si weyn u xumaaday.
Tan iyo dabayaaqadii 2023, Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa si xooggan u raadineysay in ay hesho marin ay ku gaadho Badda Cas, iyada oo ku doodaysa in la'aanta marin badeed toos ah ay mustaqbalka caqabad ku noqon karto dhaqaalaha iyo danaha istiraatiijiga ah ee dalka.
Eritrea ayaa si adag uga soo horjeesatay fikrad kasta oo Itoobiya ku raadinayso marin badeed ama deked ay u yeelato xuquuq madax-bannaani ah.
Itoobiya iyo Eritrea waxay hore u soo mareen dagaal culus, kaas oo socday dabayaaqadii sagaashamaadkii iyo horraantii 2000-meeyadii.
Xidhiidhka labada dal ayaa dib loo hagaajiyay kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xukunka qabtay. Labada dawladood ayaa markaas dib u soo celiyay xidhiidhkooda diblomaasiyadeed, safaaradihii labada dalna dib ayaa loo furay.
Xiisadda ayaa sii korodhay kaddib markii Itoobiya si cad u muujisay doonisteeda ah inay hesho marin badeed, arrintaas oo Eritrea ka dhalisay walaac iyo caro.
Hadda, xidhitaanka safaaradda iyo jarista xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa muujinaya heerka uu gaadhsiisan yahay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay labada dal.



























