Sida dhalinyaro da'yar loogu shaqaaleysiiyo inay dilal ka geystaan daafaha Yurub

Xigashada Sawirka, Swedish Police
- Author, Daniel Sandford
- Role, UK correspondent
- Published
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Xaafad ku taalla magaalada Stockholm, nin ku labisan dhar madow ayaa habeen ka soo baxay mugdiga.
Isagoo bastoolad sita, ayuu u dhaqaaqay dhanka Murad Abdelkader, oo 20 jir ahaa, kana mid ahaa ardayda, kuna sii jeeday gurigiisa kadib markii uu shaqadiisii ka soo baxay maqaayadda McDonald's.
Ninkii hubeysnaa ayaa rasaas ku furay Murad, isagoo si isdaba joog ah u tooganayay intii uu u sii dhawaanayay bartilmaameedkiisa. Rasaastii ugu dambeysay ayuu madaxa kaga dhuftay, xilli uu dhibbanuhu si aan awood lahayn dhulka ugu dhacay.
Gacan-ku-dhiiglaha ayaa ahaa Atilla Azimov, oo 18 jir ahaa.
Habeenkaas bishii Febraayo ee sannadkii hore, wuxuu dilay qof aan ahayn qofkii loo diray.
Wuxuu dilka u geystay lacag awgeed, isagoo ay kiraysatay Shabakadda Foxtrot, oo ah koox dembi abaabulan oo xiriir la leh dowladda Iiraan, isla markaana caan ku noqotay adeegsiga xeeladda loo yaqaan "rabshad adeeg ahaan", taas oo ah in lacag lagu kiraysto dhalinyaro si ay u fuliyaan dilal iyo weerarro.

Xigashada Sawirka, Swedish Police
Tan iyo 2022, waxaa la rumeysan yahay in Shabakadda Foxtrot ay mas'uul ka ahayd ku dhowaad 35 dil, iyo sidoo kale weerarro iyo isku dayo weerarro oo lagu bartilmaameedsaday goobo xiriir la leh Israa'iil oo ku yaalla dalal kala duwan oo Yurub ah, kuwaas oo ay ku jireen laba weerar oo loo adeegsaday walxaha qarxa iyo bam-gacmeedyo.
Kooxdu waxay lacag ku qorataa dhallinyaro da'yar si ay u fuliyaan weerarradan, balse inta badan uma baahato inay bixiso lacagta lagu heshiiyay, maaddaama dhalinyaradaasi ay badanaa gacanta ku dhigaan booliiska ka hor inta aan la bixin lacagta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa ka mid ah Johannes Natland, oo ah wiil dhalinyaro ah oo u dhashay Norway, kaas oo Arbacadii xeerbeegti ka tirsan maxkamadda Old Bailey ee magaalada London ku heshay dambiga shirqool dil, kadib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay dil ka dhaca gobolka West Yorkshire.
Sida ay sheegtay Operational Taskforce (OTF) GRIMM, oo ah koox ay Europol u samaysay la tacaalidda dhibaatadan, gacan-ku-dhiiglayaashan da'da yar waxaa laga qortaa baraha bulshada, waxaana amarrada loo siiyaa qaab u ek ciyaaraha kombiyuutarka, si loo soo jiito loona dhiirrigeliyo.
Andy Kraag, oo ah madaxa Xarunta Dembiyada Culus iyo Dembiyada Abaabulan ee Yurub ee Europol, ayaa arrintan ku tilmaamay mid "dibadda loogu xilsaarayo fulinta dilalka si qorsheysan", iyadoo loo adeegsanayo dhalinyaro nugul.
Kooxda OTF GRIMM waxay haddaku sugan tahay 11 dal oo ay saameysay xeeladda loo yaqaan "Rabshad Adeeg Ahaan". Dalalkaas waa Belgium, Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Iceland, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Xigashada Sawirka, Swedish Police
Hoggaamiyaha Shabakadda Foxtrot, Rawa Majid, ayaa ka baxsaday Sweden iyo saldhiggiisii dambe ee Turkiga, wuxuuna hadda ku sugan yahay caasimadda Iiraan, ee Tehran.
Booliisku waxay aaminsan yihiin in qaar ka mid ah weerarrada ay kooxdaasi u fulisay habka "Rabshad Adeeg Ahaan" loo geystay iyagoo wakiil uga ah dowladda Iiraan. Weerarradaas waxaa ka mid ah weerarkii bam-gacmeedka lagu qaaday Safaaradda Israa'iil ee Copenhagen, inkastoo weerarro kale ay la xiriiraan dagaallada kooxaha ka ganacsada daroogada ee ay Foxtrot ku lug leedahay.
Diamant Salihu, oo ah weriye baaritaanno sameeya kana tirsan telefishinka dowladda Sweden ee SVT, ayaa muddo saddex sano ah baarayay Shabakadda Foxtrot iyo xiriirka ay la leedahay Iiraan.
Wuxuu yiri: "Dowladda Iiraan waxay ku amartaa hoggaamiyaha Shabakadda Foxtrot inuu ku dhiirrigeliyo shabakaddiisa inay weerarro ku qaaddo dadka ay dowladda Iiraan u aragto cadowgeeda."
Wuxuu intaas ku daray: "Bartilmaameedyadu waxay noqon karaan mucaarad, saxafiyiin ka soo horjeeda dowladda, ama sidoo kale goobo iyo danaha Israa'iil."
Salihu wuxuu sheegay in xiriirka kooxda iyo dowladda Iiraan uu billowday kadib Oktoobar 2023, markaas oo Rawa Majid uu u baxsaday Tehran.
Wuxuu yiri: "Si uu si xor ah ugu noolaado Iiraan, wuxuu ku khasbanaaday inuu heshiis la galo dowladda, iyadoo shuruuddu ahayd in isaga iyo shabakaddiisuba u shaqeeyaan dowladda."
Shabakadda Foxtrot iyo hoggaamiyaheeda Rawa Majid ayaa Abriil 2025 lagu soo rogay cunaqabateyn ay saartay dowladda Boqortooyada Midowday (UK).
Taasi waxay dhacday hal bil kadib markii la xiray Johannes Natland, oo xilligaas 18 jir ahaa. Wuxuu u duulay Boqortooyada Midowday si uu u fuliyo dil ay Shabakadda Foxtrot u kiraysatay meel u dhow Huddersfield.

Xigashada Sawirka, Counter Terrorism Policing
Kiiska Johannes Natland wuxuu muujinayaa sida uu u shaqeeyo nidaamka loo yaqaan "Rabshad Adeeg Ahaan".
Natland waa wiilka laba saxafi oo ku nool magaalada Stavanger ee Norway, wuxuuna ku soo koray nolol deggan. Hase yeeshee, markii dambe wuxuu ku lug yeeshay isticmaalka daroogada, waxaana ku dhacay waalli maskaxeed, taas oo keentay inuu waqti ku qaato xarun lagu daweeyo dadka balwadda qaba iyo muddo gaaban oo uu ku noolaa xarun lagu daryeelo carruurta.
Halkaas ayuu kula kulmay wiil kale oo dhalinyaro ah oo internetka ku isticmaali jiray magaca "UnknownHustler."
UnknownHustler ayaa markii ugu horreysay u diray Natland codsi internetka lagu baahiyay oo lagu raadinayay qof fuliya dil ka dhaca Boqortooyada Midowday, waxaana ku qornaa: "Dil ka dhacaya England – 270,000 karoon oo Noorwiiji ah", taas oo u dhiganta qiyaastii £21,000.
Codsigaas wuxuu ka yimid wiil kale oo isticmaalayay magaca "Generalen."
Generalen, oo xilligaas jiray 16 sano, isla markaana saddexdii sano ee ka horreysay ku noolaa xarun carruurta lagu daryeelo, ayaa markii dambe Natland u qortay inuu fuliyo dilka.
Kadib, Natland waxaa lagu wareejiyay xubin ka tirsan Shabakadda Foxtrot, oo isticmaalayay magaca internetka ee "Agent 47", magac laga soo qaatay ciyaarta caanka ah ee Hitman.
Booliiska Sweden ayaa ku eedeeyay Ali Shehad Ahmed, oo ka tirsan dadka aadka ugu dhow hoggaamiyaha Foxtrot Rawa Majid, inuu yahay qofka isticmaalayay magaca Agent 47.
Agent 47 ayaa u gooyay Natland tigidh hal socdaal ah oo uu ugu safro Garoonka Diyaaradaha ee Manchester, wuxuuna ka caawiyay sidii uu ku heli lahaa baasaboor degdeg ah.
Isagoo adeegsanaya barnaamijka fariimaha ee Signal, ayuu tallaabo kasta ku hagayay safarkiisa, ka hor inta uusan ku wareejin qof kale oo qaabilsanaa dhinaca saadka, kaas oo isticmaalayay magaca "1."
Isagoo ula dhaqmaya Natland sidii qof ku jira ciyaar kombiyuutar, "1" wuxuu u diray khariidad iyo muuqaallo tusayay halka uu ka heli karo qoryo lagu qariyay kayn ku taalla Huddersfield.
Kadib wuxuu u diray muuqaal kale oo muujinayay sida loo heli karo lacag caddaan ah oo lagu qariyay dhirta hoosteeda meel u dhow marin lugeed dhulka hoostiisa mara.
Markii Natland la dejiyay hudheel ku yaalla Huddersfield, isagoo hubkii haysta, Agent 47 ayaa mar kale fariin u diray, isagoo ku yiri:
"Berri shaqo badan ayaa na hortaalla."
Subaxdii xigtay ayaa Natland la xiray. Weli looma sheegin qofka loo qorsheeyay inuu dilo, waxaana baarayaasha la dagaallanka argagixisada ay weli isku dayayaan inay ogaadaan in dilka loo qorsheeyay uu ahaa mid la xiriira kooxaha dembiyada abaabulan, mise weerar siyaasadeed oo loogu adeegayay dowladda Iiraan.
Dhallinyarihii Johannes Natland u qortay inuu fuliyo dilka, oo isticmaalayay magaca "Generalen," wuxuu ahaa qof si joogto ah u qoran jiray gacan-ku-dhiiglayaal.
Marka laga soo tago inuu Natland u qortay inuu noqdo gacan-ku-dhiigle, wuxuu sidoo kale shaqaaleysiiyay ugu yaraan laba qof oo kale oo dilal ka geystay Sweden.
Labadaas waxaa ka mid ahaa Atilla Azimov, oo hadda ku xukuman xabsi daa'in kadib markii uu dilay qof aan ahayn kii loo diray, iyo wiil 17 jir ah oo toogasho ku dilay Ahmed Zamzam magaalada Lund ee koonfurta Sweden, saddex toddobaad iyo badh ka hor dhacdadaas.
Midkoodna labada gacan-ku-dhiigle lacag ma helin, maadaama labadoodaba la qabtay ka hor inta aan la siin lacagtii loo ballanqaaday.
Weriyaha baarista sameeya ee Sweden, Diamant Salihu, ayaa sheegay in tani ay tahay qayb ka mid ah habka ay u shaqeyso Shabakadda Foxtrot.
Wuxuu yiri: "Waxba kama galaan haddii dhallinyarada la qabto. Marka la qabto ma dalban karaan lacagtii loo ballanqaaday, mana aragno wax tusaale ah oo muujinaya in lacag la siiyay gacan-ku-dhiiglayaashan da'da yar."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxay si ula kac ah u qaateen siyaasad ah inay qortaan dhallinyaro da'doodu yar tahay, sababtoo ah carruurtani kama fikiraan cawaaqibta ka dhalan karta haddii la qabto, waxayna aad ugu diyaar badan yihiin inay qaataan khataraha."
Ugu dambayn, Generalen waa la qabtay kadib markii uu isku dayay inuu abaabulo dilka wiil 14 jir ah oo uu dhalay sarkaal booliis oo Noorwiiji ah.
Wuxuu u qortay wiil 15 jir ah iyo mid 17 jir ah inay weerarka mindida ah fuliyaan, balse wiilka 15 jirka ah ayaa arrinta u sheegay booliiska.
Markii Generalen la xiray, baarayaashu waxay taleefankiisa ka heleen faahfaahinta qorshaha dilka ee Huddersfield, taas oo horseedday in booliiska Boqortooyada Midowday ay Johannes Natland qabtaan xilli ku habboon, ka hor inta uusan dilka fulin.
Generalen waxaa la xukumay bishii May, wuxuuna hadda ku jiraa xabsi 14 sano ah.

Xigashada Sawirka, Iraq National Intelligence Service
Kooxda Operational Taskforce (OTF) GRIMM ayaa guulo ka gaartay shaqadeeda muddo 15 bilood ah tan iyo markii la aasaasay. Booliisku waxay sameeyeen in ka badan 280 xarig, kuwaas oo ay ku jiraan dhowr qof oo loo arko tuhmanayaal muhiim ah.
Mid ka mid ah xarigyada ugu muhiimsan wuxuu ahaa kii Ali Shehad Ahmed, oo la rumeysan yahay inuu yahay qofka isticmaali jiray magaca internetka ee "Agent 47."
Waxaa lagu qabtay magaalada Sulaymaniyah ee gobolka Kurdistan ee Ciraaq, wuxuuna hadda wajahaa codsi loogu gacan gelinayo Sweden.
Ku xigeenka Taliyaha Guud ee Booliiska Qaranka Sweden, Stefan Hector, ayaa sheegay in ay "si joogto ah u ballaarinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dalal kale", isla markaana ay kooxaha dembiyada abaabulan tusayaan in "aysan meelna oo adduunka ka mid ah ammaan ku dareemi karin."
Bishii May, waxaa sidoo kale lagu qabtay dalka Tunisia Mohamed "Moewgli" Mohdhi, oo hore u ahaan jiray fannaan rap ah, isla markaana booliiska Sweden ay ku tilmaameen "shaqsi muhiim ah" oo ka tirsan Shabakadda Foxtrot.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha kooxda, Rawa Majid, weli wuxuu ka baxsan yahay gacanta booliiska, isagoo ku sugan Iiraan.
Weriyaha baarista sameeya ee Sweden, Diamant Salihu, ayaa yiri: "Weli wuu firfircoon yahay. Ilaa inta shabakaddani sii shaqeynayso, waxaan ka cabsi qabaa inaan sii arki doono weerarro lagu beegsanayo dadka ay dowladda Iiraan u aragto cadowgeeda."
Weli si buuxda looma oga heerka ay xarigyadani u wiiqeen awoodda ay Shabakadda Foxtrot u leedahay inay sii waddo howlaheeda.
Si kastaba ha ahaatee, kooxo kale oo dembiilayaal ah, oo ay ku jirto kooxda ay Foxtrot xafiiltamaan ee Dalen Network, ayaa durba qaatay habka "Rabshad Adeeg Ahaan", iyagoo sidoo kale qoranaya dhallinyaro nugul si ay u fuliyaan dilal.
Taas macnaheedu waa in khatartu ay weli si weyn u jirto.
Habkan ayaa si degdeg ah uga faafay Sweden una gudbay dalalka Scandinavia iyo waqooyiga Yurub, sida uu muujinayo kiiska Johannes Natland, oo gaaray Boqortooyada Midowday sannadkii hore.















