Dhegeyso: BBC-da oo la hadashay Soomaali ku sugan Iiraan oo dhexda u galay weerarrada Israa'iil

Qoraalka Codka, Dad aad u badan ayaa isku dayaya inay ka qaxaan Tehran, balse jidadka ayaa weli si aad ah u cidhiidhi ah.
Dhegeyso: BBC-da oo la hadashay Soomaali ku sugan Iiraan oo dhexda u galay weerarrada Israa'iil
Published

Weerarrada dhinaca cirka ee ay weydaarsanayaan Iiraan iyo Israa'iil ayaa galay maalintii shanaad oo xidhiidh ah. Wararka ay BBC-du helayso ayaa sheegaya in dadka ku waxyeelloobay duqaymaha Israa'iil ee Iiraan ay ku jiraan dad Soomaali ah, sida uu BBC-da u sheegay Axmed Cabdi oo deggan magaalada Qum ee badhtamaha dalkaasi.

Axmed oo waraysigan uu siiyay BBC-da ayaa sheegay in Soomaali tiro yar ay dalkaasi ku nool yihiin kuwaasi oo isugu jira ganacsato iyo arday wax ka barata jaamacadaha dalkaasi.

Waxa uu ka warramay xaaladaha magaalooyinka Tehraan iyo Qum oo labada ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay, dareenka dadka Soomaalida ee halkaasi ku sugan iyo waxa u qorshaysan hadda.

Nimaan Osman ayuu u warramay.