Sawirro: Qaar ka mid ah hubka ay reer galbeedka siiyeen Ukraine

Published

Tani iyo markii uu billawday dagaalka u dhaxeeya Ruushka yo Ukraine waddamada reer galbeedku waxay Ukraine ku deeqeen hub tira badan oo balaayiin doolar ay ku kaceyso .

Dalalka hubka ugu badan Ukraine siiyeyna waxaa ugu horreeya Mareykanka (25.45 balyan oo doolar), Ingiriiska (2.53 balyan oo doolar) iyo Poland (1.81 balyan oo doolar).

Madaxweynaha Ukraine Vladmir Zelenesky wuxuu sheegay ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka kharashka bishii ku baxa inuu gaarayo 5 balyan oo doolar.

Wuxuuna marar badan reer galbeedka uu ka ocdsaday Ukraine iney hub casri ah la soo gaareen si ay duullaanka Moscow isaga caabbiyaan.

Hubka ay reer galbeedku ku deeqeen Ukraine waxaa ka mid ah:

Madfaca goobta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gantaalaha riddada dheer ee gaarayo ilaa iyo 70km
Madfaca M777 oo gaaray ilaa iyo 40km

Xigashada Sawirka, BBC/Getty Image

Lidka Taangiyada ee fudud oo gaaray ilaa 12.5km

Xigashada Sawirka, SAB/Getty Image

Taangiga T-72M1

Xigashada Sawirka, BBC/Getty Image

Diyaaradda aan duuliyaha laheen ee Birector TB2

Xigashada Sawirka, BBC/Getty Image

Difaaca Hawada S-300

Xigashada Sawirka, BBC/Getty Image