You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Digniin ku socota ragga: Khatarta ay leedahay in adigoo da’ah aad carruur dhasho
Jilaaga Al Pacino, ayaa waxa uu ilmo dhalayaa isagoo da’diisu ay tahay siddeetan sano. Muxuu cilmiga saynisku ka qabaa raadka ay aabbanimada da'da weyn ku leedahay bacriminta, halista uurka soo food saari karta iyo khatarta cudurrada?
Aabbayaasha, ayaa waxay u muuqdaan inay da’doodu oo weyn ilmo dhalayaan. Mararka qaarkoodna, da’doodu wayba sii weynaataa.
Toddobaadkan, wakiillada jilaaga Al Pacino, oo 83 jir ah, ayaa xaqiijiyey inay ilmo ay u dhali doonto saaxiibtiis oo 29 jir ah, lana yiraahdo Noor Alfallah. Wuxuu qeyb ka noqon doonaa kooxda xilliga aabbanimada ka daahday, sida xiddiggii ay wada shaqaynayeen ee Robert De Niro, kaasoo bishii hore xaqiijiyay inuu dhalay canuggiisii toddobaad, isaga oo 79 jir ah.
Lammaanahan ayaa hubaal ah inaysan ahayn lammaanayaasha kaliya ee uu ilmo u dhalanayo iyagoo da’ weyn, dhowr jilaa oo kale oo rag ah, fannaaniin, iyo xitaa madaxweynayaal Mareykan ah, ayaa carruur dhalay xilli ay da’doodu aad u weynaatay.
Celcelis ahaan da'da aabbayaasha cusub guud ahaan waa ay isa soo taraysay sanadihii lasoo dhaafay. Intii u dhaxaysay 1972-dii illaa iyo 2015-tii, ayaa waxay korodhay 3.5 sano: celceliska aabbaha Maraykanka waa 30.9 jir, 9% aabbayaasha ayaa waxay ahaayeen ugu yaraan 40 sano marka ilmahoodu dhashaan.
Aabbihii abid ugu da'da weynaa, ugu yaraan marka la eego buugga lagu diiwaan galiyo waxyaabaha ugu cajiibsan dunida ee Guinness World Records, wuxuu ahaa 92 sano jir - in kasta oo sheegashooyinka aan rasmiga ahayn ee xitaa ragga da'da ah, ay mararka qaarkood soo baxaan.
Si kastaba ha ahaatee, noqoshada aabbe da’diisu weyn tahay waxay leedahay khatarro.
Bishii Disembar ee sanadkii 2022-kii, cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Utah iyo machadyo kale, ayaa daabacay qiimeyn dhammaystiran oo ku saabsan "da'da aabbanimada ee ugu weyn" iyo saameynta ay ku leedahay bacriminta, dhibaatooyinka uurka iyo caafimaadka carruurnimada.
Inkastoo qaar badan oo ka mid ah cilmi-baaristu ay u badan tahay inaysan ku jirin rag badan oo da'da Pacino oo kale ah, sababtoo ah sida aan caadi ahayn, caddayntu waxay soo jeedinaysaa in shahwada ragga ku jira da’da afartanaad iyo kontonaad ay horeba uga hooseeyaan tayada mugga, tirada, dhaqdhaqaaqa iyo isbeddellada.
Isbeddelladani ayaa waxay ka dhigan yihiin in da'da aabbaha ee hore "ay si xooggan ugu xiran tahay khatarta sare ee madhalaysnimada oo kaliya, laakiin sidoo kale halaabista uurka, ka dib haweeneyda ay si dabiici ah u qaaddo uurka", cilmi-baarayaashu, ayaa sidaasi qoray. Daraasado dhowr ah, ayaa tilmaamaya, in aabbaha da’da weyn uu haweeneyda khatra u gelin karo dhicinta uurka.
Markaa waxaa jirta halista cudur iman kara, marka ilmuhu dhasho. Waxaa la ogaa tan iyo sanadkii 1950-yadii in aabbayaasha da'da weyn ay u badan tahay inay dhalaan carruur qaba xanuun ka dhashay hidde-sideyaasha. Laakiin tan iyo waagaas, waxaa soo baxay isku xirnaanta xaalado kale oo kala duwan.
"Waxay si aad ah u caddaatay in da'da aabbaha ee weyn, sida da'da hooyadu oo kale, ay la xiriirto ... saameynaha caafimaad ee liita ee faraca," cilmi-baarayaasha Utah, ayaa sidaasi qoray.
Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Stanford, tusaale ahaan, ayaa waxay ogaadeen in aabaha da’diisu weyn tahay uu ku xiran yahay khatarta sii kordheysa ee miisaanka dhalmada hooseeya, iyo qalal ku yimaada dhallaanka cusub. Da'da aabbanimada ee weyn, ayaa waxay sidoo kale la xiriirtaa heerarka kororka kansarka carruurnimada ee kala duwan, iyo sidoo kale cilladaha wadnaha ee lagu dhasho.
Waxaa habboon in la xasuusto, si kastaba ha ahaatee, in sida cilmi-baarisyo badan ay jiraan oo baaraya xiriirka ka dhexeeya caafimaadka iyo sababaha suurtagalka ah, hababka aan caddayn. Waxaa jiri kara arrimo kale oo cakiran oo door ka ciyaaraya dhibaatooyinkan, sida qaab nololeedka waalidiinta iyo wasakhowga deegaanka.
Weli, cilmi-baarayaashu, ayaa waxaanay ogaannin in ragga marka ay da’ weyn gaaraan, ay keeni karayaan isbeddellada iyo dhaawaca DNA ee unugyada sameeya shahwada oo u gudbi kara jiilasha danbe.
Daraasadaha kuwan oo kale ah, ayaa horseedaya isbeddel ku yimaada habka ay dhakhaatiirta iyo saynisyahannadu uga fikiraan bacriminta guud ahaan. Waxaa jiray, taariikh u janjeerta in diiradda la saaro haweeneyda iyo da'deeda marka lammaanuhu ay dhibaato kala kulmaan uurka.
Runtii, inta badan cilmi-baaristu, ayaa waxay diiradda saartay bacriminta dumarka. Laakiin hadda way caddaatay in taranka ragga laga yaabo inuu si tartiib tartiib ah hoos ugu dhaco, nolosha dambana marka loo eego dumarka, da'da aabbaha ayaa weli muhiim ah.
Hadda, kiisaska Pacino iyo De Niro - iyo ragga kale ee toddobaatameeyada, siddeetameeyada iyo sagaashameeyada ku dhalaya - ayaa ah kuwo naadir ah.
Laakiin guud ahaan, aabbanimadu haatan maahan arrin ay si ciyaar ciyaar ah ku gali karayaan dhallinyarada. Tan iyo 1970-meeyadii, tirada aabayaasha Mareykanka ee da'doodu ka yar tahay 30 sano, ayaa waxay hoos u dhacday 27%, halka tirada aabbayaasha da'doodu tahay 45-49 sano ay kordheen ilaa 52%.
Haddii isbeddellada hadda socda ay sii socdaan, daawada - oo aan lagu xusin dabeecadaha bulshada - shaki kuma jiro inay la qabsan doonto waxyaabaha jira.