Waa kuwee 10-ka waddan ee ugu furrinka badan caalamka?

Heerarka furriinka aad ayey u kala duwan yihiin adduunka oo dhan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Heerarka furriinka aad ayey u kala duwan yihiin adduunka oo dhan, iyadoo waddamo gaar ah ay la kulmaan heerar aad uga sarreeya marka loo barbardhigo kuwa kale.

Sida laga soo xigtay warbixin laga sameeyay tira koobka adduunka wadamada sida Maraykanka iyo Kanada, ku dhawaad 40% dhammaan guurku waxay ku dhamaadaan furriin; halka Japan, heerka uu yahay kaliya 1.2%.

Laakiin halkan waxaa idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee furriinka ugu badan caalamka uu ka dhacay.

1: Maldives

Maldives

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalkan ayaa marka la eego tirada furriinka ee sannadkan 2023-ka ayaa waxa uu dunida kaga jiraa kaalinta koobaad waxaana 1000 qofba isfuray boqolkiba 5.5.

2. Guam

Guam ayaa kaalinta labaad ku jira iyadoo kunkii qofba ay is fureen boqolkiiba 4.3.

3. Russia

Ruushka ayaa liiska ka galay kaalin saddexaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ruushka ayaa liiska ka galay kaalin saddexaad iyadoo dadka isfuray ay yihiin 3.9 boqolkiiba marka la eego kunkii qofba.

4. Moldova

Maldova waxa uu liiska kaga jiraa kaalinta afaraad oo waxaa kunkii qofba isfuray 3.8 boqolkiiba.

5. Belarus

Lammaane isku careysan oo is furay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kaalinta shanaad waxaa ku jira dalka Belarus oo kunkii qofba ay is fureen 3.7 boqolkiiba.

6. Shiinaha

Shiinaha wuxuu kaalinta lixaad ka galay liiska, boqolkiiba 3.2 ayaa kunkii qofba is furay

7. Aruba

Quful la furay oo dul saaray fargalkii arooska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalkan ayaa liiska kaalinta toddobaad kaga jira iyadoo boqolkiiba 2.9 ay kunkii qofba is fureen.

8. Georgia

Dalka Georgia kaalinta furriinka ee caalamka waxa uu ka galay 8 waxaana kunkii qofba is furay 2.9 boqolkiiba.

9. Ukraine

Guri laba dhinac loo kala riixay oo ka turjimaya furriin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalka Ukarine liiska waxa uu kaga jiraa kaalinta sagaalaad, boqolkiiba 2.9 ayaa kunkii qofba is furay.

10. Costa Rica

Kaalinta tobnaad waxaa ku jira Costa Rica oo kunkii qofba ay is fureen 2.8 boqolkiiba.

Maxaa sababa burburka qoysaska?

Maxaa sababa burburka qoysaska?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan sababaha burburka qoysaska waxaa la ogaada xilliga ay dalbanayaan furriinka, waxaana waxyabaaha sababa waxaa ka mid ah "isla hadal la'aanta iyo burburka heshiiskii guriga".

Waxa keena furiinka waa wax aad u adag hasa yeeshee waxay sheegaan dadka ku taqasusay arrimahaan waxyaalo badan oo ka mid ah

1 Dhibaato dhaqaale

2 In lakala fogaado

3 Dabeecada oo lagu kal duwanaado

4 Balwadda

5 Dhaqanka oo lagu kal duwanaado

6 Gogosha oo leeskaga kal heli waayo

7 Faragalin ku timaada lamaanaha dhankasataba ha ahaatee

8 kala duwanaanshaha diinta