Aroos-wadareedka weyn ee Nigeria — iyo sida ay u adkaanayso in la kala garto dadka jacaylku dhab ka yahay iyo khiyaanooleyaasha

Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhammaan dharka cusub ee arooska waxaa kharashkooda bixisa dowladda gobolka Kano
    • Author, Mansur Abubakar
    • Reporting from, Abuja
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dabaaldegyadu waxay magaalada Kano ee waqooyiga Nigeria toddobaadkii la soo dhaafay ka dhigeen meel ay ka buuxaan midabyo iyo xamaasad, kaddib markii 1,500 lammaane ay isku guursadeen aroos wadareed.

Maalmo badan, waddooyinka magaalada waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dadka is guursanaya, qoysaskooda iyo ehelkooda oo diyaarinayay dharka arooska, isla markaana ka qaybgalayay xafladaha kale ee loo qabanqaabiyay munaasabadda.

Jimcihii, caruusadaha waxay xirteen xijaab cas, halka raggu ay xirnaayeen koofiyado cas oo isku mid ah iyo khamiisyo cad. Waxay tageen qasriga Amiirka, oo ah hoggaamiyaha dhaqanka Muslimiinta ee magaalada, halkaas oo lagu qabtay xafladdii ugu weynayd, waxaana si rasmi ah loogu aqoonsaday inay noqdeen lammaaneyaal s qaba.

Aroosyadu waxay Sabtidii ku soo dhammaadeen quraac aroos oo uu martigeliyay Guddoomiyaha Gobolka Kano, Abba Kabir Yusuf, kaas oo duco iyo hambalyo u jeediyay lammaanayaasha cusub.

Dowladda Gobolka Kano ayaa maalgelisay qorshahan, iyadoo ku bixisay 1.5 bilyan oo naira ($1 milyan; £815,000) si ay u taageerto dadka guursanaya. Waxay bixisay meherka aroosadda iyo alaabta guriga ee lammaanaha loogu talagalay gurigooda ugu horreeya.

Qorshahan waxaa loogu talagalay dadka dakhligoodu hooseeyo ee aan awoodin kharashaadka badan ee dhaqaale ee la xiriira guurka.

Munaasabaddan oo sanad kasta la qabto ayaa la bilaabay sannadkii 2012-kii, xilligii guddoomiyihii gobolka ee xilligaas, markaas oo 100 lammaane, oo u badnaa haween carmal ah iyo kuwo la furay, ay ku aqal galeen qasriga.

Aroosya-wadareedku waxay sii socdeen xilliyadii guddoomiyeyaashii xigay, iyadoo tirada lammaanayaasha ay sannad kasta kordhaysay markii baahidu sii korodhay. Waxaa sidoo kale ka qaybgalay kuwo hore xaasas kale u lahaa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qorshahan ayaa sidaas u caan noqday, iyadoo 5,000 lammaane ay sannadkan codsadeen inay ka qaybqaataan.

Munaasabadda waxaa mar walba kormeera Hisbah, oo ah ciidanka booliska Islaamiga ah ee magaalada, waxaana mid ka mid ah hawlahooda ugu muhiimsan ay tahay inay baaritaan ku sameeyaan lammaanayaasha doonaya inay is guursadaan.

Kano waxaa ku nool dad u badan Muslimiin, waxaana gobolka ka shaqeeya sharciga Shareecada oo barbar socda nidaamka sharciga madaniga ah.

Mujahid Aminudeen, ku-xigeenka taliyaha guud ee Hisbah, ayaa qiray in hawshani aysan ahayn mid fudud.

"Mar kasta oo aan ogaanno in wax shaki leh ama aan sax ahayn ay ka dhex jiraan lammaaneyaasha, waan ka reebnaa," ayuu BBC u sheegay.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah lammaaneyaashu ay dadaal badan sameeyaan si ay mas'uuliyiinta ugu qanciyaan inay yihiin laba qof oo si dhab ah isu jecel, halka ujeeddadooda dhabta ahi ay tahay inay helaan faa'iidooyinka iyo taageerada uu barnaamijku bixiyo.

Nigeria

Xigashada Sawirka, Mahmud Bashir

Qoraalka sawirka, Xafiiska Hisbah ayaa toddobaadyo badan aad u mashquulsanaa, iyadoo caruusadaha iyo caruusyaduba ay isku dayayeen inay hubiyaan in magacyadoodu ku jiraan liiska ugu dambeeya

Dowladda gobolka ayaa ku bixisay qiyaastii 1 milyan oo naira ($735; £544) lammaane kasta oo ka qaybgalaya barnaamijka.

Sida ay sheegtay Hisbah, xirmada taageerada ee lammaanuhu helayo waxaa ka mid ah agabka aasaasiga ah ee guriga looga baahan yahay si loo dhisto guri cusub, sida sariiro, furaashyo, go'yaal, barkimooyin, alaab guri iyo raashin.

Aroosad kasta waxaa la siiyaa 100,000 oo naira oo meher ah, halka 100,000 oo naira oo kale loo siiyo raasumaal bilow ah, si loogu dhiirrigeliyo ganacsiyada yaryar loogana caawiyo lammaanaha inay dhaqaale ahaan isku filnaadaan guurka kaddib.

Dhammaan lammaanayaasha doonaya inay ka qaybqaataan barnaamijka waa inay maraan baaritaanno caafimaad oo dhammaystiran, kuwaas oo ay ku jiraan baaritaannada HIV, cagaarshowga, uurka iyo is-waafajinta hidde-sideyaasha, ka hor inta aan loo oggolaan barnaamijka.

Aminudeen ayaa sheegay in qaar ka mid ah lammaanayaasha laga reebay barnaamijka kaddib markii la ogaaday inay wax ka beddeleen natiijooyinkii baaritaannada caafimaad.

Hal kiis, waxaa la ogaaday in aroosad doonaysay inay ka qaybqaadato ay walaalkeed u soo bandhigtay inuu yahay ninka ay guursanayso, iyadoo isku dayaysay inay ka faa'iidaysato barnaamijka.

Wariye maxalli ah oo lagu magacaabo Yusuf Ali Abdallah, kaas oo sannado badan ka warramayay aroosya-wadareedka, ayaa sheegay in dhaqaale xumada ka jirta Nigeria ay sanadkan sii kordhisay quusashada dadka codsanaya barnaamijka.

"Sida aan wada ognahay, guurku wuxuu u baahan yahay lacag badan, dhaqaalaha dalkuna xilligan ma fiicna," ayuu BBC u sheegay.

"Taas ayaa dadka qaar ka dhigaysa kuwo aad ugu baahan inay ku soo baxaan liiskan."

Wuxuu sheegay in xitaa lammaane hore u isqabay ay isku dayeen inay isu soo bandhigaan sidii lammaane doonaya inay isguursadaan, balse markii la ogaaday laga saaray barnaamijka.

Dad kale oo khiyaanooleyaal ah ayaa sidoo kale isku dayay inay ka faa'iidaystaan dadka sida weyn u doonaya in lagu daro liiska aroosyada ay dowladdu maalgelinayso, kaas oo dadweynaha loo shaaciyay laba toddobaad ka hor.

Mid ka mid ah dadka deggan Kano, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in laga codsaday inuu bixiyo laaluush si loogu daro liiska.

"Laakiin si caddaalad ah marka loo hadlo, markii dambe ayaan ogaaday in dadkii lacagta iga codsaday aysan ahayn shaqaalaha Hisbah," ayuu yiri.

Isaga iyo gabadha uu doonayay inuu guursado laguma darin aroosyadii bishan Agoosto, balse wuxuu sheegay inuu mar kale isku dayi doono sannadka dambe.

Nigeria

Xigashada Sawirka, Mahmud Bashir

Qoraalka sawirka, Amina Alhassan, oo 24 jir ah, ayaa sheegtay inaysan hadda awoodi lahayn inay guursato haddii uusan jiri lahayn barnaamijka aroos-wadareedka

Aminudeen ayaa qiray in booliska Islaamiga ah ee Hisbah ay ka war hayeen eedeymaha noocaas ah.

"Waxaan ogaannay inay jiraan dad dadka kale ka codsanaya inay bixiyaan lacag cayiman si ay ugu daraan liiska," ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka Hisbah wuxuu doonayay inuu u xaqiijiyo dhammaan dadka mustaqbalka doonaya inay guursadaan in geeddi-socodka oo dhan aanu ku kacayn hal naira oo ay iyagu bixiyaan.

"Waxaan rabnaa inaan dadka Kano u sheegno in geeddi-socodka oo dhan uu yahay bilaash: laga bilaabo xulashada, baaritaannada caafimaadka iyo agabka loo diyaariyay lammaanayaasha — dhammaantood waxaa kharashkooda daboolaya dowladda."

Mid ka mid ah ragga nasiibka u yeeshay in lagu daro barnaamijka ayaa ah Rabiu Yusuf, oo 43 jir ah kana ganacsada dharka. Wuxuu sheegay in habka uu codsiga guurka u maray uu si habsami leh ugu dhacay.

"Aniga shakhsi ahaan, cidina wax lacag ah ima weydiisan. Waxaa la ii sheegay in dowladdu dhammaan kharashaadka bixinayso," ayuu BBC u sheegay.

Xaaskiisa cusub waa Aisha Auwal. Lammaanaha ayaa is bartay markii Aisha ay si joogto ah u booqan jirtay dukaankiisa si ay dhar uga iibsato.

Yusuf, oo xaaskiisii ugu horreysay ay u dhashay shan carruur ah, ayaa sheegay inuu "aad u faraxsan yahay, uuna sugi la'yahay inuu nolol cusub" la bilaabo gabadhii macaamiishiisa ahayd ee hadda noqotay aroosaddiisa.

Amina Alhassan oo 24 jir ah ayaa iyaduna hadalladiisa ku raacday, iyadoo sheegtay inaysan wax dhibaato ah kala kulmin codsigeedii guurka ee Nura Abdullahi oo 40 jir ah.

Guurkooda waxaa markii hore isku soo agaasimay qoysaskooda oo ku nool tuulada Dambatta, ka hor intii aysan isu soo bandhigin Hisbah.

"Wax walba waxay ahaayeen bilaash, waxaana rabaa inaan dowladda Kano uga mahadceliyo qorshahan, sababtoo ah haddii uusan jiri lahayn, dad badan ma awoodi lahaayeen inay guursadaan sababo la xiriira qiimaha nolosha oo sarreeya."

Kaddib xafladdii iyo qadadii arooska ee Sabtidii, waxaa la bilaabay qaybinta agabkii guryaha ee lammaanayaasha.

Hase yeeshee, waxay qaadan doontaa dhowr maalmood oo kale in xamaasadda iyo dabaaldegyadu ka yaraadaan magaalada Kano, iyadoo lammaanayaasha cusub ay ku mashquulayaan sidii ay guryahooda cusub u diyaarsan lahaayeen oo ay nolol wadajir ah u bilaabi lahaayeen.