Turkiga iyo Sweden oo markale goradda isla galay

Published

Xiisad cusub ayaa ka dhex billaabatay dalalka Turkiga iyo Swden, xiisadda oo salka ku biiritaanka Sweden ee NATO iyo Turkiga oo mowqif adag iska taagay.

Mudaharaad ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa lagu soo bandhigay muuqaal madaxweynaha Turkiga Racep Tayip Erdogan u eg oo la daldalay, arrintaasi oo ay si weyn uga carootay dowladda Turkiga.

Dadka mudahaardka dhigayey ayaa muujinayey dareenkooda ku aaddan iney aad uga xun yihiin ishortaagga uu Turkiga ku sameeyey Sweden iney xubin ka noqoto gaashaanbuurta NATO.

Turkiga ayaa dalka Sweden ku xiray shruud ah iney la dagallanto kooxaha uu Turkiga ku tilmaamay argagaixiso oo ay ka mid yihiin kuwa soo bandhigay sawirka foosha xun ee madaxweynaha Turkiga.

Raysal wasaaraha Sweden oo falka ay mudaharaadayaashu ugu gafeen madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay ‘wax laga xumaado’, haddana Turkigu wuxuu sheegay cambaareyn uu raysalwasaaraha Sweden falkaasi cambaareeyo oo keli ah iney ku filneyn.

Sawirka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo la daldalay u eg oo la suray meel u dhaw aqalka hoose ee Stockholm waxaa Arbacadi daabacay koox taageersan kurdiyiinta oo lagu magacaabo Guuddiga Isbahaysiga Sweden ee Rojava.

Kooxdu waxay ku baaqday Erdogan inuu fursadda uu ka faa’ideysto uu xilka ka dago, ka hor inta ay arrintiisu ku soo dhammaan in lagu daldalo fagaaraha Taksim.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ku eedeeyay iney arrintan ka dambeeyeen xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG oo labaduba ay Ankara ugu yeerto kooxa argagixiso.

Sweden ayaa wacad ku martay in ay iska fogeyn doonto labada kooxood si ay taageero uga hesho Turkiga dalabkooda Nato oo muddo bilo ah dib u dhac uu ku yimid.

Turkiga ayaa sheegay in dowladda cusub ee isbaheysiga midigta-dhexe ee Sweden oo taageero ka helaya xisbiga midigta-fog, ay ka sahlan tahay in lala shaqeey, balse dibadbaxa Stockholm ay Ankara ka carootay.

Cavusoglu ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in Sweden ay ka go’an tahay inay oofiso ballan qaadkeeda ah inay tallaabo ka qaadi doonto kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Turkiga ayaa u yeertay safiirka Sweden si arrintan wax looga weydiiyo, waxayna baajisay booqashada uu magaalada Ankara uu ku tagi lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Sweden.

Wakaaladda wararka ee Anadalou waxay sheegtay dacwad oogayaal ku sugan caasimadda Turkiga iney baaritaan billaabeen.

Raysal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson wuxuu sheegay mudaharaadka inuu yahay mid lagu carqaladeyno codsiga xubnnimada NATO ay ku codsatay Sweden isla-markaana qatar ku ah amniga qaranka Sweden.

Ulf waxa uu TV4 u sheegay in ay "aad u adag tahay" in dal sida Sweden oo kale ah hoggaamiyihiisa oo si dimuqraadi ah loo soo doortay in daldalaad wax u eg lagu sameeyo.

Balse xubin ka tirsan kooxda taageersan Kurdiyiinta oo ka dambeysay falkan ayaa u sheegay wargeyska Dagens Nyheter ee ka soo baxa Sweden in dhaqdhaqaaqayaasha ay isku dayayeen inay u istaagaan sidii ay u taageeri lahaayeen dimuqraadiyadda Sweden taasoo uu Mr Kristersson “uu si weyn uga soo horjeedo”.

Xubin ka tirsan kooxda ayaa intaa ku dartay in Turkigu uusan dhacdadan uu uga  falcelinin qaabkii loo baahnaa in dal dimoqraadi ah uu yeesho.

Tan iyo markii Ukraine la weeraray, dalkii labaad ee dalbada in uu Nato ku biiro ayaa noqday Sweden, waxayna dowladda Sweden sidaas kusoo afjartay dhaqan u yaallay muddo 200 oo sano ah oo dhigaya inay dhexdhexaad ahaato.

Tallaabada ay qaadday Sweden ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, Mareykanka ayaana durba ku dhawaaqay in uu si buuxda u taageersan yahay rabitaankeeda.

Hase yeeshee, Turkiga oo xubin muhiim ah ka ah NATO ayaa weli hor taagan in Sweden ay ka mid noqdaan NATO, taasoo xiisad cusub ka dhex abuurtay Labada dal.