Maxay tahay sababta madaxda maxkamadda caalamiga ah ee Addunka Maraykanku cunaqabtaynta u saaray?

Tomoko Akane

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn ka dhan ah madaxa Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo qareen sare oo ka tirsan maxkamaddaas.

Dadka arrimaha la socda ayaa sheegaya in tallaabadan ugu dambeysay ay qayb ka tahay dadaallada maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo inuu "ku wiiqo" maxkamadda, taas oo ah hay'ad ay in ka badan 120 dal u igmadeen inay baarto dambiyada dagaalka.

Mudane Rubio ayaa ku eedeeyay madaxa maxkamadda oo u dhalatay dalka Japan, Tomoko Akane, iyo Abdullah Saye oo ah qareenka ugu sarreeya maxkamadda, inay doonayaan inay baaritaan ku sameeyaan, xiraan, oo ay maxkamad soo taagaan saraakiil ka tirsan dowladaha aan aqoonsanayn awoodda sharci ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday inay garab taagan tahay shaqaalaheeda, isla markaana ay aaminsan tahay in tallaabooyinka la midka ah kuwa Marco Rubio ay "wiiqayaan sareynta sharciga."

Rubio ayaa maxkamadda ku eedeeyay "musuqmaasuq iyo dhaqan siyaasadeed oo xagjir ah," wuxuuna ku dooday inay "si aan sharci ahayn u adeegsatay awoodeeda, isla markaana ay ku xad-gudubtay waajibaadkeeda sharciga ah."

Wuxuu ku daray: "Ma aqbaleyno weerarka ay maxkamaddani ku hayso madax-bannaanida qarannimo ee waddamada." Ilaa hadda, Donald Trump iyo Aqalka Cad kama aysan hadlin arrintan.

Maamulka Trump ayaa horay u saaray cunaqabatayn ugu yaraan 11 sarkaal oo ka tirsan maxkamadda, kuwaas oo ay ku jiraan sagaal garsoore iyo xeer-ilaaliyaha guud.

Cunaqabatayntan, oo ay ka mid yihiin xayiraadda hantida, mamnuucidda safarka, iyo xaddidaadda adeegyada ay bixiyaan shirkadaha Mareykanka, ayaa loo soo rogay iyadoo laga jawaabayo baaritaannada ay maxkamaddu ku hayso hawlgallada milatariga Mareykanka ee Afghanistan iyo amarrada lagu soo xirayo saraakiil sarsare oo Israa'iiliyiin ah, oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Doorka waalidka

Cilmi-nafsiga Anita Aarey waxay soo jeedinaysaa in waalidiintu ay sameeyaan isbeddello lagama maarmaan ah oo ku yimaada dhaqankooda marka carruurtu qaan-gaaraan.

Wuxuu sheegay in gabdhuhu ay soo jiidan karaan waxyaabahaas oo kale marka ay qaan-gaaraan. Da'dan, waxay dareemi karaan baahida xiriir cusub waxaana saameyn kara xayaysiisyadaas ka dib marka ay arkaan wiilasha da'dooda ah.

Wuxuu sheegay in aan si xun loola hadlin guriga, laakiin waa in la sharxaa.

Marwo Arey waxay intaas ku dartay in "dadka dibadda jooga ay isku dayi karaan inay marin habaabiyaan iyagoo adeegsanaya waxyaabo kala duwan oo sasabasho leh iyada oo aan wax dhaleecayn ah la kulmin, markaa waa in qofku ka taxaddaraa arrintan."