Baro weriyahan soo tebiyey 18 koob adduun

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Waxaa u muuqata in uusan jirin ciyaaryahan aan doonayn in sawir uu la galo Enrique Macaya.

Wariyahan ayaa shaqada saxaafadda ku soo jiray muddo ka badan 70 sano. Wuxuu soo tebiyay 18 Koob Adduun oo isku xiga.

Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay ee uu ka soo warramay wuxuu ahaa kii 1958-kii ee lagu qabtay dalka Sweden, xilligaas oo xiddigii weynaa ee reer Brazil, Pelé, uu jiray 19 sano oo keliya.

Enrique Macaya wuxuu jiray 24 sano oo keliya markii loo diray Sweden si uu uga soo warramo Koobkii Adduunka ee 1958-kii.

Wuxuu u tagay inuu ka soo warramo qaab-ciyaareedka Pele, balse wuxuu sidoo kale ka soo warramay ceebtii soo gaartay dalkiisa Argentina; wuxuu goobjoog u ahaa guuldaradii 6-1 ahayd ee Czechoslovakia ay u geysatay Argentina.

"Xanuunka guuldaradii Argentina weligiis kama bixi doono maskaxdayda," ayuu yiri Enrique Macaya.

"Waxba kama aynaan ogeyn Czechoslovakia. Wax macluumaad ah kama aynaan haysan iyaga. Wax aan la filayn ayaa nagu dhacay," ayuu yiri isagoo xasuusanaya guuldaradii dalkiisa soo gaartay.

Enrique Macaya, oo muddo ka badan nus qarni ka soo warramayay Koobka Adduunka, ayaa sheegaya in kubadda cagtu ay isbeddelayso si ka badan intii la filayay.

Wuxuu soo tebinayay wararka ku saabsan ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, laga soo bilaabo waagii hore ilaa maanta: laga soo bilaabo Pelé iyo Diego Maradona ilaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Wuxuu u safray daafaha dunida, wuxuuna soo tebiyay 18 Koob Adduun. Intii uu shaqadan ku jiray, waxaa bilaabmay in ciyaaraha kubadda cagta laga baahiyo telefishinka iyo aaladaha dhijitaalka ah. Sidoo kale, Koobka Adduunku wuxuu yeelanayaa muuqaal caalami ah oo ka ballaaran sidii hore.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Messi mise Maradona?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Argentina ayaa 2-1 uga soo badisay England wareegga afar-dhamaadka Koobka Adduunka, waxayna finalka Koobka la ciyaari doonaan Spain Axadda ay bisha Luulyo tahay 19.

Enrique Macaya ayaa rajeynaya in dalkiisa Argentina uu dib u heli doono fursadda uu ku qaadi karo Koobka Adduunka ee la midka ah tii 2022-ka.

Waa kuma ciyaaryahanka ugu fiican Argentina dhankaaga? Markii la weydiiyay, wuxuu sheegay inuu Lionel Messi ka doorbidayo Diego Maradona.

Laakiin waa kuma ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda dhankaaga? Saxafigan, oo Koobka Adduunka ka soo warramayay muddo ka badan 70 sano, ayaa sheegaya in wax badan ay iska beddeleen qaabkii ay ciyaartoydu u ciyaari jireen waagii hore iyo sida ay hadda u ciyaaraan.

"Waqtiyadu way isbeddeleen. Kooxaha tartamayaa way isbeddeleen. Ciyaaryahan kastaa wuxuu leeyahay tayo gaar ah. Waxaan dhihi karaa ciyaaryahanka aan ugu jeclahay waa Pelé. Laakiin taasi macnaheedu ma aha in ciyaaryahankaasi uu yahay mid aan lala tartami karin oo dunida ugu sarreeya".

Wuxuu sheegay inay adag tahay in la isbarbar dhigo Diego Maradona iyo Lionel Messi, maadaama ay Argentina u ciyaareen waqtiyo kala duwan.

"Way adag tahay in la isbarbar-dhigo. Labadooduba waxay ciyaareen waqtiyo kala duwan" ayuu yiri Enrique Macaya.