Najma Nashaad oo fankeeda iyo nolosheeda gaarka ah uga warrantay BBC

Qoraalka Codka, Fanaanad Najma Nashaad
Najma Nashaad oo fankeeda iyo nolosheeda gaarka ah uga warrantay BBC
Published

Najma Cabdinaasir Ciise oo loo yaqaan Najma Nashaad, waxay kamid tahay fannaaniinta caanka ah ee reer Hargeysa oo aad u soo shaac baxay sanadihii u dambeeyay.

Najma oo muddooyinkaan dambe booqasho ku joogta magaalada London, ayaa hadaba booqatay xarunta BBC-da ee London, Cabdiraxmaan Bidhaan ayaa halkaas kula kulmay oo wax ka weydiiyay waxa ay kala kulantay fanka Soomaaliyeed iyo dabcan heeso ay sheegtay inay soo wado, marka horese booqashadeeda UK ayay ka hadleysaa.