Aadan ducaale oo ka hadlay sida uu xil ka qaadista uga badbaaday
Published
Aadan ducaale ayaa BBC Somali uga warramay sida uu uga badbaaday mooshinka xil ka qaadista ee lagu sameyn rabay.
Arrintan waxay dabasocotay xisbiga talada haya ee Jubilee isbedel oo isbedello ku sameynaya madaxda aqalka hoose ku metala.
Xildhibaan Adan oo BBC-da u warramay kadib codkaasi la qaaday ayaa beeniyay in xisbigiisa uu laba garab u kala safan yahay.
Todobaadyadii dambe waxaa socday olole u muuqday in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu xilalka uga qaadayo xildhibaannada taabacsan kuxigeenkiisa ee xilalka muhiimka ah ka haya gudaha xisbiga Jubilee. Xildhibaan Adan Bare ayaa iigu warramay khadka telefoonka.