Kaalin intee la eg ayay Soomaalida ku leedahay siyaasadda Mareykanka
Published
Dalka Mareykanka waxaa si xowli ah uga socda ololaha doorashada golaha wakiilada iyo kan Senate-ka oo la filayo in dalkaasi ay qabsoonto 6 bisha dambe ee November..
Soomaalida ku nool wadanka Maraykanka ayaa si aad ah uga dhex muuqda doorashadani, gaar ahaan gobolka Minnesota oo dhalinyaro Soomaali ah ay u sharaxanyihiin jagooyin kala duwan oo heer gobal iyo heer Federaal ba.
Haddaba weriyaha BBC-da ee dalka Mareykanka, Maxamed Xaaji Xusseen Shiine ayaa qaabka ay wax u socdaan iyo kaalinta Soomaalida ay ku leeyihiin siyaasadda Mareykanka waxa uu ka waresytay Maxamuud Xusseen oo ka faalooda arrimaha dalka Maraykanka.