You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo la filayo inuu laalo heshiiskii Obama la galay Cuba
Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in la filayo in Madaxweyne Trump shaaciyo wax ka bedel ku saabsan siyaasadda dalkiisa ee ku waajahan Cuba todobaadka dambe marka uu khudbad ka jeediyo Miami.
Intii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa Trump wuxu ballan u qaaday dadka Maraykanka ah ee ka isirran Cuba, in uu laali doono is fahamka dhex maray jasiiraddaa iyo nadaxweynihii isaga ka horeeyey ee Barack Obama, kaas oo ay ka mid ahaayeen in safaaradaha dalalkaas dib loo furo.
Ilaa hadda ma cadda sida isbedelkani u hirgeli doono, laakiin dadka siyaasadda lafa gura ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in Trump sii adkeeyo xayiraadda socdaalka ee xiligii Obama la debciyey.
Waxa kale oo ay sheegayaan in ay adkaan doonto in la soo celiyo xayiraadihii saarnaa ganacsiga labada dal u dhexeeya maadaama oo is fahamka isa soo taraya ee labada dal dhex maray uu fursado ganacsi u abuuray shirkadaha Maraykanka.