You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Oromo iyo Amxaaro ku dhex dagaallamay Jaamacadda Jigjiga
Published
Waxa shaqaaqo gacan ka hadal ahi ku dhex martay Jaamacadda Jigjiga ardayda dhigata ee ka isirran qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada.
Booliska ayaa sheegay in aan wax khasaare ah oo weyni dhicin isla markaana ay xidhxidheen 46 arday welina ay wadaan baadhitaanno arintaa lagaga gun gaadhay.
Taliye xigeenka booliska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cali Cabdi Jaabar ayaa sida wax u dhaceen uga waramay weriye Ismaaciil Buurgaabo.